Friday, September 12

Muqdisho (HM) – Ururka Al-Shabaab ayaa soo bandhigay fariin maqal ah oo ka timid afhayeenka guud ee kooxda Alshabaab, Cali Dheere, maalmo kadib markii la sheegay inuu ku geeriyooday dagaal ka dhacay deegaanka Ceel Qooxle ee gobolka Hiiraan.

Cali Dheere ayaa cod lagu baahiyey warbaahinta Al-Shabaab waxa uu kaga hadlay dagaalladii shalay ka dhacay deegaanada Yasooman iyo Beera-Yabaal ee duleedka degmada Buulaburde ee gobolka Hiiraan. 

Al-Shabaab ayaa sheegtay inuu Cali Dheere farriintaan kasoo diray deegaanka Yasooman, halkaas oo ay sheegeen inay shalay subax dagaal ku qabsadeen, islamarkaana ay ku dileen  in ka badan 117 askari oo ciidanka dowladda iyo macaawisleyda katirsan, kuna furteen hub iyo gaadiid dagaal.

Raadiyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ee SNA Radio ayaa 6-dii October sheegtay inuu afhayeenka kooxda Al-Shabaab Cali Dheere u dhintay dhaawac kasoo gaaray dagaal.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay u beenisay sheegashada kooxda ee Yasooman. Dhanka kale Al-Shabaab ayaan soo bandhigin wax cadeymo ah oo muujinaya sheegashadooda.

Maxamed Xuseen

Exit mobile version