Monday, September 15

(Hortabin Media) – Dowladda Soomaaliya waxaa waqtigan horyaalla howl aad u culus, taas oo ah in adeegyada bulshada ay gaarsiiso meelaha laga saaray kooxda Al Shabaab.

Dadka falanqeeya siyaasadda ayaa dowladda, kula talinaya in dadka ku dhaqan goobahaasi lala gaaro waxyaabaha muhiimka u ah nolosha aadanaha, maaddaama ay sanado badan curyaamiyeen Al Shabaab.

Waxyaabaha la rabo in ay dowladda goobahaasi gaarsiiso waxaa ka mid ah, Cunnada, Biyaha, Caafimaadka iyo waxbarashada, kuwaas oo ka mid ah waxyaabaha nolosha kaaba.

Waxaa sidoo kale lagu talinayaa in dowladdu ay goobahaasi geyso boolis, ilaaliyada amniga deegaanadaasi, si uu maamulka dowladnimada uga hirgalo goobahaasi.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan deegaano badan ka qabsatay Al Shabaab, waxaase dadka deegaanadaasi heysta caqabada ah in aanay heysan adeegyadii bulshada muhiimka u ahaa.

Exit mobile version