Friday, September 12

Qaar ka mid ah Bahda Caafimaadka ee ka howlgasha gudaha Muqdisho ayaa ka hadlay heerka uu marayo waqtigan adeega Caafimaad ee dalka waxyaabaha ka dhiman iyo qalabka xiligan dalka laga heli karo.

Dr Maxamed Maxamuud Fuje oo la taliye sare ka ah Machadka Caafimaadka Qaranka, horena ula soo shaqeeyey Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa sheegaya in ay weli jiraan baahiyo caafimaad kuwaas oo muwaadininta ku qasbaya in dalka dibadiisa ay caafimaad u doontaan.

Agaasimaha Isbitalka Guuleed, Dr Axmed Yuusuf Guuleed ayaa dhankiisa sheegay in xilligan adeegayada caafimaad ee dalka ay soo kabanayaan, isla markaana la heli karo qalab badan oo lagu dabooli karo baahida caafimaad ee jirta.

Culeysyada caafimaad ee ay soo kordhiyeen dadka aan ehelka u ahayn caafimaadka ee furtay Isbitalada ayey inta badan bukaanadu ka dhaxlaan xaaladdo caafimad darri sida uu ku waramayo Dr fuje, oo sidoo kale sheegay in loo baahan yahay in arrintaasi wax laga qabto.

Ugu danbeyntii Dr Cabdi Weli Axmed xiireey oo ah Agaasimaha Caafimaadka ee Isbitalka Banaadir ayaa ka warbixiyey ahmiyada ay dalka u leeyihiin meel marinta sharuucda caafimaadka dalka, kuwaas oo uu sheegay in ay hagayaan mihnadlayaasha caafimaadka.

Inkastoo dhibaatooyin badan laga soo maray haddana mudooyinkii ugu danbeeyey waxaa magaalada Muqdisho laga hirgaliyey adeegyo caafimaad oo dibada loo doonan jiray, kuwaas oo ay ka mid yihiin xanuunada wadnaha ku dhaca iyo caruurta ku dhalata wadno daloolka.

Exit mobile version