Ku dhowaad shan kun oo bukaan ah ayaa ka faa’iideystay adeeg caafimaad oo bilaash ah, oo dhaqaatiirta gobalka Hiiraan ay u sameeyeen dadka magaalada Baledweyne uga cararay fatahaadda.
Dadkan ayaa tuban duleedka magaalada Baladweyne, waxaana xilligan ay la il daran yihiin xanuuno kala duwan, oo ka dhashay fatahaadii uu sameeyey webiga Shabelle.
Haweenka iyo caruurta ayaa noqday kuwo ugu daran, ee ay la soo gudboonaatay daruufaha dhanka caafimaadka ah, waxana dhalaanka qaarkood heysa nafaqo darro, halka haweenkuna aysan heysa goobo ay ku amulaan.
Gurmadkan ayaa noqonaya kii ugu horeeyey ee caafimaadka la xiriira ee ay helaan dadka ka barakacay magaalada Baladweyne ee xaaladda adag wajahaya.