Sunday, September 14

Magaalada Burco waxaa ku geeriyooday Abwaan Cismaan Warsame (Hurre-Walanwal) oo si aad ah ay u yaqaaniin bulshada Soomaaliyeed.

Abwaan Hure Walanwal ayaa oo ahaa suugaanyahan dhaqan yaqaan ah, wuxuuna hore u tiriyey dhowr gabay oo aad ay jecel yihiin bulshada Soomaaliyeed.

Abwaanka, ayey walaalo ahaayeen Allah ha u naxariistee asna Abwaan-kii caanka ahaa  Maxamed Warsame Hadraawi, kaas oo isna hore u geeriyooday.

Hure Walanwal oo ahaa Hadraawi walaalkiis, ayaa ku dhashay magaalada Ceynaba, sanadkii 1946-dii, wuxuuna ku barbaaray isla magaaladaasi.

Geeridiisa ayaa taabatay bahda Suugaan yahanada, maaddaama uu ka mid ahaa dadka fara ku tiriska ah ee ka haray suugaan yahanadii hore ee dhaqanka aadka u yaqaanay.

Exit mobile version