Waxaa galabta magaalada Laascaanood ku geeriyooday Alle ha u naxariistee Abwaan Jaamaca Kadiye oo ka mid ahaa abwaanada loogu jecel yahay gayiga Soomaalida.
Abwaanka waxaa haleelay mid ka mid ah madaafiicdii ay milatariga Somaliland ku duqeeyeen magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.
Waxaa sii kordhaya dhanka kale khasaaraha xooggan ee ka dhashay madaafiicdii galabta lagu garaacay Laascaanood, xilli weli dhinacyadu ay isku horfadhiyaan duleedka magaaladaasi, gaar ahaan aagga loo yaqaano Gooja-Cadde.
Somaliland weli kama aysan hadlin khasaaraha ka dhashay madaafiicda ay la beegsadeen Laascaanood, waxaana maamulku uu doonayaa inuu xoog ku maquuniyo dadka reer Laascaanood oo aayahooda ka tashaday, sameysteyna maamul ka madax bannaan kan Somaliland.