Friday, September 12

Somaliland ayaa xabsiga dhigtay Abwaan Cabdiraxmaan Abees, kaas oo dhawaan soo bandhigay buug  uu  ka qoray xaaladda Somaliland, isagoo dhaliilo huwiyey maamulka

Abwaan Abees ayaa buugga ka qoray dhacdooyinkii uu kala kulmay xarig ay Somaliland kal hore u geysatay.

Buugga Mayal  ee abwaanka  uu  qoray oo la daabacay laba sanno ka hor ayaa muddadaasba u xannibnaa Maamulka Soomaaliland oo gacanta ku haysay ka dib markii ay qabatay daabacaadaha buugga oo garoonka diyaaradaha Hargeysa laga soo dejinayo.

Balse dhawaan maamulka ayaa fasaxay buugga, waxeyse ka caroodeen sida uu u saameeyey dareenka dadkii ka qeyb galay soo bandhigida buugga, kuwaas oo si xooggan uga fal celiyey.

Waalidiintiisa ayaa dalbaday in xoriyadiisa dib loogu soo celiyo, waxaana xusid mudan in Abwaanka oo ku noolaa qurbaha uu Somaliland u tagay geerida walaalkii, oo dhawaan lagu dilay Hargeysa.

Exit mobile version