Thursday, September 11

(Hortabin Media) – Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya ayaa waqtigan laba jibaaray damaciisa ku aaddan, sidi Itoobiya ay u heli lahayd dhul badeed, taas oo Dekad u noqota dalka Itoobiya.

Itoobiya oo ah dad ay ku nool yihiin 120 milyan oo qof, ayey saameyn dhaqaalle oo xooggan ku yeealatay Dekad la’aanta, waxaana mid xadidan ah dhaqaalaha dalkaasi.

Abiy Axmed ayaa dhawaan jeediyey hadal uu ku sheegayo in Itoobiya ay dooneyso dhul badeed, Dekad u noqda, waxaana hadalkaasi uu cabsi ku abuuray inta badan dalalka dariska, kuwaas oo badankooda leh xeebo dhaadheer.

Abiy Axmed oo damaciisa si qoto dheer u sharxay ayaa xusay in Itoobiya aanay ku duuleynin xeebaha dariska, isagoo xusay in wax walba ay ku raadin doonaan wada xaajood iyo nabad.

Hadalka Abiy Axmed ayaa taabtay Dadka Soomaalida, maaddaama Soomaaliya ay leedahay xeeb aad u dheer, wuxuu sidoo kale hadalkan taabtay dalka Eritrea oo ka go’day Itoobiya, kuna dhawaaqday madaxbannaanida sannadkii 1993 kadib dagaal saddex iyo toban sano socday.

Weedhaha ka soo yeeray Abiy Axmed ayaa toddobaadyada si aad ah u qabsaday dalalka Bariga Afrika, kuwaas oo walaac ka muujinaya khatarta ka imaan karto, haddii qorshahaasi ay Itoobiya ku raadiso qori caaradiis.

Exit mobile version