Kiisas kala duwan oo dil ah oo maalmihii ugu danbeeyey ka dhacay Muqdisho, ayaa abuuray walaac hor leh, waxaana weli Faranjiyeer ku jira meydadka Marxuumiintaasi, taas oo hadal heyn badan dhalisay.
Luul Cabdicasiis oo uu dhawaan gubay sayigeeda ayuu meydkeeda ilaa iyo iminka ku jiraa Faranjiyeer, xilli ay dowladda gacanta ku soo dhigtay eedeysanihii falka ka danbeeyey.
Waxaa sidoo kale Faraniyeer ku jira meydka Macallin Cabdiraxmaan Abiikar Macallow, kaas oo dhawaan lagu dhex dilay iskuul uu macallin ka ahaa, oo ku yaalla degmada Wadajir.
Eedeysanaha falka geystay ayaa baxsaday, iyadoo ilaa iyo iminka aan gacanta lagu soo dhigin, waana arrinta ay walaaca ka muujinayaan ehelada marxuumka.
Ehelada meydadkan Faranjiyeerka ku jira ayaa diiday in ay aasaan marxuumiinta, waxeyna dalbanayaan in caddaalada la mariyo kuwii falkan ka danbeeyey.