Thursday, September 11

Kadib markii uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka iyo Xudduudaha dalka Kenya (IEBC) Mr. Wafula Chebukati natiijada doorashooyinkii madaxtinimada ee dalkaasi taas oo uu ku shaaciyay tirada codadka ay kala heleen Madaxweyne Ku-Xigeenka Kenya William Ruto oo helay codad gaaraya 7,176,141 una dhiganta 50.49% halka Raila Odinga oo ahaa ra’isul wasaare hore uu helay codad gaaraya 6,942,930 una dhiganta 48.85% sidaasina uu ku cadeeyay in doorashada uu ku guuleystay William Ruto ayaa durbadiiba waxaa soo baxay dulduleelo ay sheegeen afar ka mid ah Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka iyo Xudduudaha (IEBC) kuwaas oo sheegay in aanay ku qanacsaneen habka uu guddoomiyaha u faafiyey natiijada doorashada taas oo madmadow galisay ansaxnimada dhinaca sharciga ah ee ku dhawaaqidda natiijada, in kastoo uu dastuurka Kenya uu sharci ahaan siinaayo guddomiyaha ku dhawaaqidda natiijada doorashada.

Soo shaac bixidda khilaafkan oo si xoogeysatay kadib markii hogaamiyaha mucaaradka iyo isbaheysigiisa ay ku gacan seyreen natiijada doorashada isla markaana ay sheegeen in ay dacwad ka dhan ah hanaanka loo maareeyay tirinta codadka iyo natiijada guud ee doorashada ay ka furi doonaan Maxkamadda Sare si ay go’aan uga soo saarto ansaxnimada ku dhawaaqidda natiijada doorashada iyo doodda kale ee ah sax ahaanshaha natiijada doorashada ayaa waxaa la oran karaa in inta uu murankaas taagan yahay aan loo aqoonsan karin William Ruto in uu yahay madaxweynaha la doortay ee Jamhuuriyadda Kenya ilaa maxkamadda ay ka ansixiso natiijada doorashada iyo doodaha kale eek u gadaaman. 

Hambalyada Madaxda Qaranka & Madaxda D. Goboleedyada

Madaxda Qaranka oo ay ugu horeeyaan madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud iyo Ra’iisul Wasare Xamse Cabdi Barre ayaa durbadiiba hambalyo u diray William Ruto iyagoo ugu hambalyeeyay guusha uu ka gaaray doorashada, una balanqaaday in ay kala shaqeyn doonaan xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal.

Hambalyada madaxda qaranka ka sokoow, waxaa iyana durbadiiba hambalyo taas la mid ah u diray William Ruto madaxweynayaasha dowlad goboleedyada dalka oo ay ka mid ahaayeen madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Galmudug, Puntland, Koonfur Galbeed iyo Jubaland. 

Dad badan ayay layaab ku noqotay isla markaana ka carooday tallaabada ay qaadeen madaxda dowlad goboleedyada taas oo ka hor imaaneysa nidaamka iyo hab-raacyada diblomaasiyadda isla markaana muujineysa isbar-bar yaac iyo kala dambeyn la’aanta hanaanka hogaamineed ee Soomaaliya. 

Matalaadda Qaranka & Maqaamka Madaxweynaha

Marka laga eego tiirarka diblomaasiyadda iyo rukunada kale ee aasaaska u ah xiriirka caalamiga ah, waxaa ku filan dhambaalka uu madaxweyne Xasan Sheekh u diray William Ruto. Madaxweynaha waa astaanta iyo hogaamiyaha Qaranka, waxayna taasi siineysaa maqaamka ugu sareeya ee uu Qarankeena ku matali karo. 

Hambalyada kale ee ay direen madaxda ee uu ka mid yahay Ra’iisul Wasaaraha iyo madaxda kale ee maamul goboleedyada waxay hoos u dhigaysaa maqaamka madaxweynaha iyo mudnaanta uu u leeyahay in isaga oo kaliya loo daayo mudnaanta noocan oo kale ah. Hadii Soomaaliya ay lahaan laheyd nidaamka awoodaha hogaamineed siinaya ra’iisul wasaaraha waxay markaasi ahaan laheyd mid ku haboon hambalyada uu ra’iisul wasaaruhu diray. Waxay aheyd in ra’iisul wasaaruhu sugo fursadaha kale ee ku haboon hambalyadiisa sida haddii ay warbaahinta weydiin laheyd aragtidiisa iyo tan xukuumadiisa ee ku aadan doorashada William Ruto. 

Xad-gudubka Madaxda D.Goboleedyada

Madaxda maamul goboleedyada sinaba uguma banaana in ay hambalyo u diraan madaxweyne qaran kale waxaana meeshaas ka cad in mas’uuliyiinta maamul goboleedyada aysan faham iyo aqoon buuxda ka heysan xiriirka caalamiga iyo diblomaasiyadda “international relations and diplomacy” iyo sharciyada kale ee xakameynaya awoodahooda.

Tani waxay ka mid tahay jariimooyinka iyo xad-gudubyada sida bareerka ah looga galaayo Qarankeena waxayna u baahan tahay in si degdeg ah loosoo afjaro.

Maxaa la gudboon madaxda qaranka?

Madaxda Qaranka gaar ahaan madaxweynaha oo aan aaminsanhay in uu si wanaagsan ugu dharagsan yahay dhaawaca iyo magac xumada ay arintan usoo jiideyso qarankeena ayay tahay in uu tallaabooyin degdeg ah qaadaa isla markaana uu xakameeyaa hab dhaqanka madaxda maamul goboleedyada si la mid ah sida aanay maamulada goboladda ee dawladaha deriska ah aanay tusaale ahaan hambalyo toos ah ugu soo diri karin madaxda dalalka kale tusaale ahaan dib u doorashadiisii.  

Madaxweynaha waa in uu sidoo kale xakameeyaa kulmada iyo booqashooyinka madaxda maamul goboleedyada ay ku tagaan dawladaha shisheeye gaar ahaan kuwa deriska nala ah iyagoo aanan dawladda dhexe amar ka haysan. Tani waxay sahashay in arimaha gudaha ee Soomaaliya ay dowladaha shisheeye farogelin joogta ah ku sameeyaan.

Hab-dhaqankan ayaa ah mid dhanka kale hoos u dhigaya qabkii Soomaalida lagu yaqaanay, waxayna tani marar badan sababtay in dawladdeena lagu tilmaamo mid taag daran oo aan laheyn nidaam kala dambeyn iyo ixtiraam ku dhisan.

Gunaanud

Madaxda dowlad goboleedyada waa in ay dhowraan qawaaniinta diblomaasiyadda iyo maqaamka hogaamineed ee madaxda qaranka gaar ahaan tan madaxweynaha, sidoo kalana qaranka ay ka ilaaliyaan sumcad xumida dhaxalka aan wanaagsaneyn usoo jiidaya dalkeena.

W/Q: Cabdicasiis M. 

AFEEF: Aragtida ay qorayaashu ka dhiibteen qaybta fekradaha, waa kuwo iyaga u gaar ah oo aan ka turjumaynin aragtida warbaahinta Hortabin Media.

Exit mobile version