Axmed-Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle, Wasiirkii Warfaafinta Xukuumadda Somaliland, ayaa xalay iska casilay xilkii, ka dib markii uu labo cisho ka hor ku dhawaaqay go’aan uu dhiig badani ku daatay. Wasiir Ayaanle ayaa khamiistii ku dhawaaqay go’aankii ay xukuumaddu ku qaadatay qabashada munaasibadda Xeer Ciise, taas oo dhalisay kacdoon bulsho oo ka dhacay magaalada Boorama kuna dhinteen dad ku dhaw labaatan qof, sida ay ilaha qaar xaqiijiyeen, dhaawacuna gaadhay tobannaan qof.
Wasiirka ayaa sheegay in uu ka xun yahay waxa dhacay, waxanu is casilaaddiisa ku sababeeyay in ‘aanu aqbali karin in go’aannada qadhaadh isaga loo dhiibo, kuwa wanaagsanna uu Madaxweynuhu isugu noqdo afhayeen’. Hadalka Ayaanle ayaa u muuqda mid hibanaya go’aankii horseeday khasaaraha in isaga loo dhiibay, halka go’aannadii dejinta iyo ka laabashada ahaana uu Madaxweynaha laftiisu u akhriyay warfaafinta.
Axmed-Yaasiin Ayaanle oo hore u ahaan jiray xildhibaan Goleha Wakiillada ka tirsan, ayaa Xukuumadda Madaxweyne Cirro ka mid noqday ka dib guushii Xisbiga Waddani, sannad ka hor, waxana lagu tiriyaa xubnaha ka soo galay xukuumadda isbahaysiga Xisbiga Waddani iyo ururkii Kaah, oo hadda ah xisbi mucaarid ah, laakiin berigaas doorashada ku galay isbahaysi.

