Friday, September 12

Toddobaadkii aynu ka soo gudubnay Itoobiya ayaa ku dhawaatay rajadeeda ku aaddaneyd doonista qeyb ka mid ah biyaha Soomaalya, waxaana arrintaasi kaalin ka qaatay Madaxweynaha Turkiga Erdogan oo soo de dejiyey in ay is gacan qaadaan Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul wasaare Abiy Axmed, tan iyo bishii January ee horaanta sanadkan oo xiriirka labada dal uu meel qaraar gaaray markaas oo Itoobiya ay heshiiska is-afgaradka la gashay Somaliland.

Tallaabada Erdogan oo ahayd mid la bogaadiyey ayaa dhanka kalana u muuqatay guul dimbolomaasiyadeed oo taariikhda u gashay, maddaama khilaafka labada dhinac uu muddo dheer soo jiitamayey.

Haddaba halkuu ka yimid qorshaha Itoobiya ee doonista badda Soomaaliya, Goormee ayuuse fekirkan ku dhashay xukuumadda Addis, waa weydiimaha ka dhex guuxaya inta badan bulshada ee u baahan jawaabta.

Sida la rumeysan yahay waxaa Itoobiya qorshaha doonista biyaha Soomaaliya ku dhalisay Israa’iil, waxaana Natenayahu oo Abyi Ahmed ku qaabilay Qudus uu u soo bandhigay qorshe ay Itoobiya saldhig ciidan uga sameysaneyso Badda Cas, maddaama Israa’iil ay arkaysay khatar uga imaan karta badda cas oo ay Iran u adeegsan karto goob ay hubka uga soo gudbiso ururka Xamaas ee marinka Qasa, waxaana kulankan oo dhacay bishii September sannadkii 2019-kii, ay ahayd markii Xuutiyiinta Yamen ay ku xoogeysteen badda Cas, iyagoo dhowr markab iyo doonyo ganacsi qafaashay kuwana weerar ku qaaday.

De dejinta qorshahan ayaa waxaa caqabad ku noqday go’doonkii dunida ee Xanuunka COVID19, Waxaase Israa’iil ay dhistay mudadaasi xiriir adag oo dhex mara Itoobiya iyo Imaaraadka, Halka Faransiiskana uu door muuqda ka ciyaarayo dhaqan-galka qorshahan.

Xanibaadii COVID19 kadib wuxuu Abiy Axmed u safray Abu Dubia, halkaas oo uu kula kulmay Amiirka Imaaraadka Carabta Maxamed bin-Zayed Al Nahyan, isagoo doonaya in Imaaraadka ay gacan ka siiso maalgelinta saldhiga ciidan ee ay Addis qorsheyneyso,wuxuuna Abiy waqtigaasi Imaaraadka u sheegay in saldhigan uu Imaaraadka fursad u siinayo in uu weerarri karo kooxda Xuutiyiinta oo Imaaraadku uu dagaal kula jiray, waxana kulankaasi uu ku soo beegmay sidoo kale xilli uu burburay saamiga Itoobiya ee 19% ay ku lahayd dekedda Berbera, mana jirin waqtigaasi wax rabitaan ah oo laga dheehan karay Itoobiya in ay u qabto adeegsiga dekadda Berbera, taas oo Itoobiya ku qasbeysay in ay sii wado ku tiirsanaanta dekedda Jabuuti,

Hase ahaatee bishiii Jannaayo ee sannadkan 2024 heshiiskii is afagaradka ahaa ee Itoobiya iyo Somaliland ee la xiriiray inay Itoobiya gaarto gacanka cadmeed , halkaa oo ay ka hirgelinayso deked ay maamulkeedu gacanteeda ku jiro iyo saldhig ciidamada badda ah, ayaa ahaa qorshe ay 5 sano ka soo shaqeyneysay Itoobiya iyo dalalka taageeraya, wuxuuse kadis iyo lama filaan ku noqday Soomaalida.

Waxaa kale oo tilmaan dhab ah u ah in Itoobiya aanay rabin Dekad ama shixnad la soo dejiyo Yaboohii Jabuuti ka soo yeeray ee ahaa in ay Itoobiya ku wareejineysoo deked, halkaa oo ah goob uu ku diyaarsan yahay marinka tareenka ee isku xira Jabuuti iyo Addis, balse baaqaasi Itoobiya kama jawaabin, taas oo bidhaamineysa in hadafkeeda ugu weyn uu yahay Saldhiga ciidan ee ay ku yeelaneyso biyaha Soomaaliya.

Muddo kooban gudaheed Itoobiya oo aan lahayn wax bad ah, ayaa ka faa’ideysatay fashilka Dowladihii Soomaaliya soo maray, kuwaas oo ku guuldareystay dhismaha ciidan badeed oo leh, quwad, kuna filan ilaalinta badooda, Waxaase iminka doorkoodii ciyaareysa Itoobiya oo maanta leh ciidamo ka tiro iyo qalab badan, dalkii lahaa badda ugu dheer gobolka.

Sidoo kale Faransiiska oo door muuqda ku lahaa qorshahan, ayaa Itoobiya ka caawinaya tababarka, qalabeynta iyo horumarinta ciidanka badda Itoobiya, waxaana maanta lagu wadaa inuu Addis Ababa ka dego Madaxweynaha Faransiiska ,Emmanuel Macron, oo ku horeyn doona Jabuuti.

Faransiiska, ayaa bixiyey dadaal dheer, isagoo difaacaya xukuumadda Addis waxana dhowr jeer uu ka hortagay iskudayo ay Soomaaliya ku doonaysay inay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ku cambaareeyaan Itoobiya intii lagu jiray khilaafka badda iyo is afgaradkii Addis ay la gashay Somaliland.

si kastaba Wadahadalladu uu fududeynayo Turkiga oo maslaxidiisa gobolka ilaashanaya ayaa la filayaa in ay billawdaan bisha Febraayo ee sanadka ina soo aaddan, iyadoo la qorsheynayo in 4 bilood gudahood lagu soo gababeyo, si ay u suura gasho in Itoobiya ay hanato qeyb ka mid ah Biyaha Soomaaliya, ayna u dhabawdo riyadii Telaabiib ay kala shaqeeyeen Imaaraadka iyo Faransiiska.

Exit mobile version