Xamaas waa ururka ugu weyn ee u dagaallama danaha iyo xoreynta Falastiiniyiinta., waana koox abuubalan, oo xili walba u diyaar ah ka jawaabida duulaanka gardarada ah ee Israa’iil.
Ururkan waxaa la asaasay 1987, waxana magaciisa laga soo gaabiyay Xarakatul Muqaawamah Al-Islaamiyaha. waana urur islaami ah oo ay ka go’an tahay bur burinta Israa’iil.
Sida taariikhdu sheegeyso Xamaas Markii hore waxaa laga lahaa laba ujeedo oo kala ah: Iska caabin hubaysan oo uu fuliyo garabkiisa milateri ee al-Qassam , iyo mid ah horumarinta bulshada.
Laga soo bilaabo aasaaskii, Xamaas waxay diideen gorgortanka ka qaadaya dhul kasta, Kooxdu waxay cambaaraysay heshiiskii nabadeed ee 1993kii ee u dhexeeyay Israa’iil iyo Palestine Liberation Organisation oo ay weheliyaan kooxda Palestinian Islamic Jihad, ka dibna waxay xoojiyeen ololahooda xoreynta.
Maamulka xoreynta falastiin iyo Israa’iil waxay kaga jawaabeen tallaabooyin adag inkastoo guddoomiyihii maamulka xoreynta falastiin Yaasir Carafaat oo doonayay in Xamaas lagu daro geeddi socodka siyaasadda uu u magacaabay xubno Xamaas ah jagooyin hoggaamineed maamulka Falastiiniyiinta.
Burburkii wadahadaladii nabadeed ee u dhexeeyay Israa’iil iyo Falastiin bishii Sebtembar 2000 ayaa horseeday sare u kaca rabshadaha, oo ilaa maanta ah kuwo sii kordhaya.
Hase ahaatee sida la xasuusan yahay kadib markii ay Israa’iil ka soo baxday Gaza sanadkii 2005, Xamaas ayaa qeyb ka noqotay hannaanka siyaasadda Falastiiniyiinta. Waxana uu ururka ku guulaystay doorashadii baarlamaanka ee 2006, sanad kadibna waxa uu la wareegay gacan ku haynta Gaza kadib markii uu ka eryay dhaq-dhaqaaqa Fatax.
Tan iyo markaas, ururka Xamaas ayaa saddex dagaal la galay Israa’iil, waxaana xusid mudan in Xukuumadda Tel Aviv iyo dowladda Masar ay go’doomiyeen marinka Gaza si ay ururka Xamaas ugu cadaadiyaan inuu joojiyo weerarrada.
Sidoo kale xilligaasi Ururka Xamaas, gaar ahaan garabkiisa milateri waxa uu noqday mid Israa’iil, Maraykanka, UK, Midowga Yurub iyo dalal kale ay u aqoonsadaan urur argagixiso.
Balse in muddo ahba Xamaas waxay gucla orad ugu jirtaa burburinta maamulka Israa’iil iyo abuurista dawlad Islaami ah oo ka hana-qaada Falastiin, taas oo gasha taariikhda. waxana Dhaqdhaqaaqan uu taageero ballaaran ka haystaa Iran.
Xukunka Israa’iil ee Xamaas waa dhimasho laakiin dhinaca kale dagaalyahanada Xamaas waa kuwo doonaya inay dabar jaraan Israa’iil.,, waxana midkasta uu ku taagan yahay mabda’iisa
Awoooda garabka Milatari ee Xamaas iyo howlgaladii ay fuliyeen
Garabka Milatari ee Xamaas ayaa ah mid leh awood baahsan, isla markaana heysta hub casri ah, inkastoo tiradiisa rasmiga ah aan la shaacinin, haddana waa kuwo weeraro gaadmo ah iyo dagaal toos ahba kala hortaga Israa’iil.
Balse hubka kaas aadka u awoodda badan una saameynta badan ee ay Falastiiniyiintu heystaan waa madaafiicda goobaha dagaalka loo adeegsado oo noocyo kala duwan leh. Waxaana kuwaasi laga tuuri karaa dhulka iyadoo lagu bartilmaameedsanayo xarumaha ciidamada ee isla dhulka ku yaalla.
Qaar ka mid ah gantaalladaas iyo kuwo kale (oo lagu riday qalabka lidka taangiyada oo la adeegsaday maalmihii lasoo dhaafay), ayaa la aaminsan yahay in Falastiiniyiinta loo gudbiyay iyadoo loo sii marinayo dhuumo dhulka hoostiisa ah oo ku hoos yaalla gacanka Siinaay ee dalka Masar.
Hase yeeshee Xamaas iyo Islamic Jihad ayaa gudaha Qasa ku sameysta hubka iyagoo ku farsameeya warshado la qariyay oo ku yaalla meelo ka mid ah Marinka Qasa laftiisa.
Khubaro reer Israa’iil ah iyo kuwo caalami ahba waxay rumeysan yihiin in seynisyahanno u dhashay Iiraan ay gacan weyn ka geystaan dhismaha warshadahaas lagu sameeyo hubka, waxaase Suuragal ahayn in la qiyaaso tirada qantaallada u keydsan ururka Xamaas.
Gantaallada ay Falastiiniyiintu tuuraan ilaa hadda kama muuqato inay yihiin kuwo cusub marka la eego sida ay u naqshadeysan yihiin. Balse qiimeynta guud ee lagu sameeyey waxay qeexeysaa inay kordhiyeen awooddooda iyo qaraxyada ay sababi karaan gantaaladaasi.
Inkastoo magacyada iyo naqshdaha gantaallada qaar ay jahwareer keeni karaan, Xamaas waxay soo hindistay gantaallo badan oo ah kuwa riddada gaaban sida midka loo yaqaanno Qassam (oo gaari kara ilaa 10km oo u dhiganta 6 meyl) iyo mid la yiraahdo Quds 101 (oo tiiradiisu ay gaareyso ilaa 16km); kuwaasoo lagu sii xoojiyo qalabka Grad (oo gaarsiinaya ilaa 55km); iyo Seji 55 (oo gaarsiinaya ilaa 55km).
Qalabkan waxaa la aaminsan yahay in ay iyagu soo hindiseen islamarkaana u adeegsadaan inay ku fogeeyaan gantaallada riddada gaaban leh oo lagu sii kordhinayo dab dheeri ah.hase ahaatee Xamaas waxay sidoo kale adeegsataa gantaallo nooca riddada dheer ah, sida M-75 (oo gaari kara ilaa 75km); Fajr (oo gaaraya ilaa 100km); R-160 (oo gaaraya ilaa 120km); iyo midka M-320s ah oo isna gaara masaafe dhan 200km.
Tani ayaa muujin karta in Xamaas ay heysato hub lagu garaaci karo magaalooyinka Qudus iyo Tel Aviv labadaba, iyo sidoo kale in ay halis galin karaan guud ahaan marinka xeebta oo ay daggan yihiin tirada ugu badan ee shacabka Israa’iil, halkaas oo ay ku yaallaan kaabeyaasha ugu muhiimsan ee mamulka israa’iil.
Sida taariikhda ku xusan Xamaas ayaa soo caanbaxday kadib Intifaadadii koobaad, xilligaa oo uu ururka diiddanaa heshiisyo nabadeed oo horraantii 1990-meeyadii ay kala saxiixdeen Israa’iil iyo ururka xogeynta falastiin Palestine Liberation Organisation (PLO) ee yasir Carafaad uu hoggaaminyey.
Bilihii February iyo March 1996, ururka ayaa fuliyay dhowr qaraxyo ismiidaamin ah oo uu la beegsaday basas, ayna ku dhinteen ku dhawaad 60 Israa’iiliyiin ah. Weerarrada ayaa aargoosi u ahaa khaarijintii December 1995 ee Yaxya Cayaash, oo bambooyinka u sameyn jiray Xamaas.
Qaraxyadaas ayaa loo aaneeyaa in ay Israa’iil ay ka weecato hannaanka nabadda, uuna isla sanadkaa xilka la wareego Benjamin Netanyahu oo aad u diidanaa heshiiskii Oslo.
Falastiiniyiin badan ayaa taageero u muujiyay weerarrada qaraxyada loo adeegsaday ee Xamaas, waxaana ay u arkayeen kuwo loogu aargudayo, kana dhan ah deegaameynta ay Israa’iil ka waday Daanta Galbeed.
Bilihii March iyo April 2004, hogaamiyihii ruuxiga ahaa ee Xamaas, Sheekh Axmed Yaasiin iyo ninkii xukunka kala wareegay ee Cabdulcasiis al-Rantisi ayaa waxaa lagu dilay duqeyn ay Israa’iil ka fulisay Gaza.
Isla November sanadkaas, waxaa geeriyooday Yaasir Carafaat oo madax u ahaa maamulka Falastiiniyiinta, waxaana xukunka la wareegay Maxamuud Cabbaas oo rumaysanaa in gantaallada Xamaas aysan waxba soo kordhin.
Markii uu ururka Xamaas ku guulaystay doorashadii baarlamaanka 2006, waxaa halkaa ka bilowday loolan awoodeed oo dhexmaray ururkaas iyo Fatax.
Ururka Xamaas ayaa diiday dhammaan dedaallada looga doonayay inuu saxiixo heshiisyadii hore ee dhexmaray Falastiiniyiinta iyo Israa’iil, inuu aqoonsado sharcinimada Israa’iil iyo in uu ka waantoobo colaadda.
Guushii doorashada kadib, Israa’iil iyo saaxiibadeed Galbeedka ayaa xukuumaddii Xamaas la beegsaday cunaqabateyn dhaqaale iyo mid diblomaasiyadeed.
Kadib markii Fatax laga saaray Gaza sanadkii 2007, Israa’iil ayaa waxa ay xoojisay go’doominta dhulkaas, waxaana sii socday gantaallada Falastiiniyiinta iyo duqeymaha Israa’iil.
Israa’iil ayaa mas’uuliyadda dhammaan weerarrada uga yimaada Gaza dusha ka saarta Xamaas, waxaana halkaa ku dhexmaray saddex duulaan oo waaweyn.
Bishii December 2008, milateriga Israa’iil ayaa billaabay hawgal uu ugu magacdaray Operation Cast Lead, si uu u joojiyo gantaallada looga soo gano Gaza, In ka badan 1,300 Falastiiniyiin ah iyo 13 Israa’iiliyiin ah ayaa ku dhintay dagaal socday 22 maalmood.
Israa’iil ayaa mar kale bishii November 2012 waxa ay duulaan la magac baxay Operation Pillar of Defence waxa ay ku qaaday Gaza. Dagaalka ayaa ka bilowday duqeyn ay Israa’iil ku dishay Axmed Jabari oo ahaa abaanduulaha Qassam . Ku dhawaad 170 Falastiiniyiin u badan rayid iyo lix Israa’iiliyiin ah ayaa ku naf waayay colaadda oo socotay 8 maalmood.
Xamaas ayaa awood ahaan is caabisay labada dagaal, balse waxaa sii xoogeystay taageerada ay u hayaan Falastiiniyiinta oo u arkayay in ururka uu dagaal la galay Israa’iil, isla markaana badbaaday.
Bishii July 2014, labada dhinac ayaa dagaal kale oo xooggan isaga hor yimid. Dagaalka oo socday 50 maalmood ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 2,251 Falastiiniyiin ah oo 1,462 ay rayid yihiin. Israa’iil waxaa laga dilay 67 askari iyo 6 qof oo rayid ah.
Tan iyo 2014, waxaa marar badan sare u kacday xiisadda labada dhinac, balse waxaa guulaystay dhowr xabbad joojin oo ay dhexdhexaadintooda lahaayeen Masar, Qatar iyo Qaramada Midoobay.
Weerarkii Xamaas ee koonfurta dhulka ay yahuudu heysato oo ay hoggaamiyeyaasha kooxdu ugu magac dareen “Hawlgalka Al-Aqsa”, waxa uu ahaa mid aan caadi ahayn, howlgalka wuxuu bilaabmay subaxnimadii hore ee Oktoobar 7, oo aheyd sabtida Yuhuuda iyo maalin fasax u ah.
Xamaas waxay dhowr kun oo gantaal ku garaaceen koonfurta iyo badhtamaha dhulka la heysto, waxayna garaaceen magaalooyin ku yaal waqooyiga Tel Aviv, xoogaga Xamaas ayaa sidoo kale jebiyey xadka Gaza ee sida weyn loo ilaaliyo waxayna gudaha u galeen magaalooyin iyo tuulooyin badan oo ku yaal koonfurta israa’iil, halkaas oo ay ku dileen ilaa 1,400 oo qof, tiro kalena way ku dhaawaceen, kuna qafaasheen.
Hoggaamiyaha Xamaas Maxamed Deif ayaa sheegay in kooxdan ay weerarradooda u qaadeen sababo la xidhiidha go’doominta muddada dheer ee Israa’iil ku hayso Qaza.
Weerarkii Oktoobar 7-dii waa kii ugu dhimashada badnaa ee soo mara Israa’iil taariikhda shan iyo todobaatan sano oo ay jirsatay, waxaana uu dadkeeda u geystay dhaawac maskaxeed oo qoto dheer, iyadoo falanqeeyayaasha qaarkood ay barbar dhigeen Pearl Harbor iyo September 11, 2001, weerarro lagu qaaday Mareykanka.
Hay’adaha sirdoonka ee Israa’iil iyo Maraykanka ayaa lagu soo waramayaa in aysan haynin calaamad muujinaysa in ururka Xamaas uu qorshaynayo weerar noocaan ah, balse waxaa jirta wal walka, iyadoo la muujinayo feejignaan dheeri ah
Durba Israa’iil ayaa ku dhawaaqday dagaal ka dhan ah Xamaas iyada oo xoojisay olole ay doonayso in lagu cirib tiro kooxdan, awoodna looga sii daayo ku dhawaad laba boqol oo la haystayaal ah.
Waqtigan Israa’iil iyo Xamaas ayaa rasaas is weydaarsanaya maalin kasta tan iyo 7-dii October, iyadoo Israa’iil aya si buuxda u go’doomisay Qaza wuxuuna go’doonku saameeyey shacab markii horeba laga dayrinayay.
Saddexdii toddobaad ee ugu horreeyay ee weerarka,,, Israa’iil, ciidammadeedu waxay dileen in ka badan siddeed kun oo Falastiiniyiin shacab ah, kuwaas oo ku dhawaad 40 boqolkiiba ay ahaayeen carruur, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka Xamaas ee maamusha Gaza.
Dhanka israa’iil sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka Israa’iil in ka badan saddex boqol oo ciidamada Israa’iil ah ayaa sidoo kale lagu dilay dagaalka.
Wallow ay socdaan duqeymaha iyo rasaasta teel teelka ah haddana tan iyo billawgii sanadkan, waxaana socday qorshe la isku weydaarsanayo maxabaasiit waxana qorshahan uu qeyb ka yahay , heshiis ay garwadeen ka ahaayeen dowladaha Mareykanka, Masar iyo Qatar, kaas oo dhigayey in maxaabiista la weydaarsado lana dhaqan galiyo xabad joojin. iyo in sidoo kale falastiiniyiintu ay dib ugu laabtaan Waqooyiga Gaza.
Xilligan Inkastoo ay weli go’doonsan tahay Gaza, ururka Xamaas ayaa sii xajistay maamulka marinkaas, isagoo tayeeyay hubkiisa gantaallada ah. waxana quwadooda ay muddoooyinki ugu danbeeyey noqotay mid walaac ba’an ku abuurtay Israa’iil, waana kuwo soo de dejiyey in askar badan oo israa’iiliyiin ah in ay nafta iyagu is dhaafiyaan, sababo la xiriira rucbiga iyo cabsida weerarada xeeladeysan ee ka imaanaya Xamaas.
Si kastaba waxaa xaqiri karin in ay ka sii dareyso Xaaladda bani’aadannimo ee ay la daalaa dhacayaan shacabka labada milyan ah ee ku nool Gaza, waana kuwo wajahaya walaac dhanka biyaha, dawada iyo korontada ah, taas oo ku timid duqeymaha israa’iil iyo gaabiska dowladaha carabta ee ku hareereysan Falastiin , kuwaas oo taageero muuqato laga waayey.
Tallaabadan ayaana noqotay mid niyad jab ballaaran ku abuurtay guud ahaan calaamul islaam, oo iminka ku soo aruuray inuu dhaleeceeyo duulaanka Israa’iil, iyo in shacabka falstiin ay u rajeyaan maalmo qurxan oo neecaw xornimo huwan.