Saturday, April 11

Soomaaliya waxay haatan u muuqataa inay u gudbayso wejigii ugu muhiimsanaa ee dhanka ka faa’iideysiga kheyraadka dabiiciga ah, kadib markii markabka qodista shidaalka ee Turkiga, Çağrı Bey, uu soo gaaray xeebaha muqdisho, isagoo u diyaarsan inuu bilaabo qodista ugu horreysa ee shidaalka badda Soomaaliya.

Markabka oo ku soo xirtay Dekadda Muqdisho , wuxuu matalayaa bilow cusub oo dhanka sahminta tamarta ah iyo qodisteeda, waxaana lagu wadaa inuu toddobaadkan gudihiisa u jaheysto xeebaha Galmudug, halkaas oo laga dardargelin doono howsha soo saarista shidaalka, maadaama horay sahanadii halkaasi lagu sameeyey ay saamaxeen in shidaal laga helo.

buqcada shidaalka laga helay waxey qiyaastii 372 kiiloomitir u jirta xeebaha Soomaaliya. waxaana Ceelkaas loo bixiyay “Curad-1”, iyadoo la filayo inuu noqdo mid ka mid ah ceelasha shidaal ee ugu qotoda dheer dunida ee laga qodo gunta badda, Buqcadan shidaalka laga helay ayaa ah goob rajo weyn laga qabo, waxna ka baddeli doonta baahida dhaqaalle ee soomaaliya ragaadisay maaddaama natiijada shidaal ay ka soo if baxday aag dhan 4,464 kiiloomitir oo laba jibbaaran.

Marka ay halkaasi joogto Soomaliya waxaa la oran karaan waxey qaaday hilin toosan, waxaana u baryey waa cusub oo wata horumar iyo mustaqbalka cudoon oo wato barwaaqo, waxeyse wax walba ku xirnaan doonaan sida ay soomaaliya suuq fiican u hesho iyo qaabka looga faa’iideyto.

Ahmiyada uu maanta leeyahay qodista shidaalka ayaa ah xiisada daba dheeraatay ee ka taagan bariga dhexe, halkaas oo soomaaliya ay fursad ka heli karto, Wakhtigan Xiisadda gobolka Bariga Dhexe ayaa sare u qaaday qiimaha shidaalka, taas oo dalal badan ku khasabtay inay raadsadaan ilo kale oo tamareed, maaddaama xaaladda suuqyada shidaalka caalamka ay ka jirto marxalad hubanti la’aaneedy

Baahidaas caalamiga ah waxay Soomaaliya iyo dalal kale siisay fursad dhif ah, maadaama ay leedahay xeeb dhaadheer, dhul si sahlan looga qodi karo shidaal, iyo saadaal muujinaysa in kayd shidaal iyo gaas dabiici ah ay ku jiraan badda hoosteeda.

Dalalka sida Liibiya oo kale ah ayaa haatan si weyn uga faa’iideysanaya xaaladdan, Inkastoo Liibiya ay muddo waajahaysay qalalaase siyaasadeed, haddana waxay ku jirtaa dib u habeyn warshadaha shidaalka ah, iyadoo dayactirtay kaabeyaashii burburay, waxayna kordhisay wax-soo-saarka xilli ay caalamka ka jirtay baahi shidaal oo aad u sarreysay.

Tallaabooyinkaas ayaa u suurta geliyay in dhaqaalaha dalkaas uu dib u kaco, taasoo tusaale u ah sida dal uu uga faa’iideysan karo xaaladaha gobolka haddii uu yeesho qorshe cad iyo maamul hufan.

Haddaba Soomaaliya maanta ma joogtaa heer ay ka faa’iidaysan karto fursad la mid ah taas Liibiya ay ka faa’iidaysatay?. Sida ay xeeldheerayaashu qabaan: haddii qodista badda ay xaqiijiso rajada la qabo, Soomaaliya waxay heli kartaa dhaqaale cusub oo awood u siinaya:

1) In la kobciyo wax-soo-saarka gudaha 2) in la abuuro boqolaal kun oo shaqooyin ah, 3) in la dhiso kaabeyaasha muhiimka ah, 4) in la yareeyo ku-tiirsanaanta deeqaha dibadda, 5) inay qayb ka noqoto wadamada saameeya suuqyada tamarta gobolka.

Hase ahaatee waddadu ma aha mid aan caqabado lahayn. Amniga, xasilloonida siyaasadeed, hufnaanta maareynta kheyraadka, iyo ilaalinta deegaanka waa qodobbo u baahan fiiro gaar ah,si loo gaaro guul waarta, Soomaaliyana waxay u baahan tahay nidaam cad oo lagu maamulo kheyraadka, iyadoo ahmiyada la siinayo wada-shaqeyn qaran, iyo maalgashi si hufan loo hagay.

Si kastaba ha ahaatee Soomaaliya maanta waxay haysataa fursad ay ku qori karto bog cusub oo horumar ah, bog ay hoggaaminayaan kheyraadkeeda dabiiciga ah iyo mustaqbal ay wadaagaan dhammaan shacabka Soomaaliyeed.

Exit mobile version