Thursday, September 11

Sannadkan 2025 waxa dhacay wax aysan cidina sii saadaalin. Maraykanku waxa uu gebi ahaanba ka baxay masraxa ay dawladdaha caalamku ku tartamaan ee gargaar bixinta, deeqaha ama si kale waxa loogu yeedho caawimada dibadda. Maamulka Madaxweyne Trump waxa uu hakiyay in ka badan 40 bilyan oo doollar oo ay heli jirtay hay’adda USAID, waxaana shaqo la’aani ku dhacday 10,000 oo ruux oo ka shaqayn jiray hawlaha gargaarka ee hoos yimaadda barnaamishyada kala duwan ee ha’yaddan. Tani waxay ka dhigan tahay inuu damay nal u baxayay qaramo badan oo caalamka ah. Waxa ay ka dhigan tahay malaayiin qaba cudurka HIV/AIDS oo waayaya daryeel caafimaad oo ay si bilaash ah u heli jireen. Waxa ay sidoo kale ka micno tahay isbeddelkii siyaasadeed iyo dhaqaale ee ugu weynaa oo ay wajahayaan dalalka saboolka ah .

Xilli ay dunidu la tacaalayso: dagaallo, saboolnimo baahsan, iyo cudurrada faafa, gargaarku waa awood dahsoon oo ay saamayn siyaasadeed iyo dhaqaale ku abuuraan dalalka hodanka ah ee xasilloon. Deeqaha ay dalalka tunka weyn ee caalamku bixiyaan waxa la rumaysan yahay inay yihiin aalad siyaasadeed oo fudaydisa wax badan oo waddamada qaar u arkaan dan-qarameed. Ka dib go’aanka ka soo baxay gargaar bixiyihii ugu weynaa caalamka waa Maraykan’e; waxa aad loo hadal hayaa cida beddeli doonta ee buuxin karta kaalintaas uu banneeyay ee gargaar bixinta. warbxintan waxaan ku iftiimin doonaa oo ku soo dhawayn doonaa fahamka la xidhiidha sida uu u shaqayn jiray gargaarka iyo deeqaha uu bixiyo Maraykanku, dhab ahaanshaha waxa ka jira in Shiinuhu kaalintan buuxinkaro, isbarbardhiga iyo waxa ay ku kala duwan yihiin gargaarka Maraykanku bixin jiray iyo kan Shiinaha laga filayo.

USAID — Ha’yadda Maraykanka ee Horumarinta Caalamiga ah — waxaa la aasaasay sannadkii 1961-kii, xilligii Madaxweyne John F. Kennedy, si Maraykanku uga hortago saamaynta Midowgii Soofiyeet-ka ee Koonfurta Dunida, isagoo adeegsanaya gargaar, iyo barnaamijyo horumarineed oo dhanka dhaqaalaha ah. Laakiin markii labaad ee uu xafiiska la wareegay, Madaxweyne Donald Trump wax weyn baa is beddelay wuxuu amray in muddo 90 maalmood ah la hakiyo gargaar kasta oo uu Maraykanku bixin jiray. Elon Musk, saaxiibkii hore ee Trump-na waxa uu iclaamiyay in taariikhda markii ugu horraysay laga takhalusayo hay’addan.

USAID, ma aha ha’yad keliya gargaar bixisa – ee sidoo kale waa aalad siyaasadeed oo istaraatiiji ah, Waxay qayb ka tahay saddexda “D” ee siyaasadda arrimaha dibadda ee Mareykanka: Waa Diblomaasiyadda (Diplomacy), Horumarinta (Development), iyo Difaaca (Defense). Waa hay’ad sawir wanaagsan ka bixisa Maraykanka waxa ay si dhakhso ah uga jawaabi jirtay musiibooyinka dabiiciga ah ee ka dhaca daafaha caalamka sida: Duufaanada, dagaallada, iyo cudurrada. Caawimadani inaysan ahayn mid ka soo go’day dad damiirkoodu noolyahay waxa ku tusinaysa qaabka ay uga murugoonayaan siyaasiyiinta iyo dhaqaale yahanka reer Maraykan ee ka soo horjeeda xidhitaanka hay’addan: Waxa ay ku doodayaan waxaynu dayacnay fursado caalami ah oo muhiim u ahaa siyaasadda arrimaha dibadda ee Maraykanka. Waxay leeyihiin waxay ahayd inaynu isku sawirno meelaha maanta dhibaatooyinku ka taagan yihiin, si aynu u helno dareenkii aynu awal horeba caalamka ka heli jirnay. ” Dhammaan haldoorka siyaasadeed ee Maraykana waxa ay arrintan u arkaan mid curyaaminaysa qarankooda, waana halka laga helayo nuxurka iyo jawaabta waxa ay tahay hay’adda USAID, waxay u aasaasan tahay iyo danaha ay fulinayso. Dhamaantoodna waxay u arkaan go’aanka Trump inuu yahay “Hadyad weyn oo ay heleen Shiinaha iyo Ruushku”

Waxaa xusid mudan in gargaarka dibaddu uu ka dhiganyahay in ka yar 1% miisaaniyadda guud ee dawladda Maraykanka. Sannadkii 2023-kii, Maraykanku wuxuu bixiyay ku dhowaad $72 bilyan oo gargaar caalami ah. In ka badan 61% ka mid ah gargaarkaas waxaa bixisay USAID. Taas oo la micno ah: in 44 bilyan oo doollar la gaadhsiiyay 160 dal iyo gobollo kala duwan. Waddamada saamiga ugu badan helayna waxa safka hore uga jira kuwa uu danaha siyaasadeed ka lahaa siiba Yukrayn oo xaalad adag wajahaysa taas oo heshay saami dhan 37%
USAID waxay qayb weyn ka ahayd barnaamijyada caalamiga ah ee ka hortagga cudurrada faafa. Tusaale, 21 milyan oo qof oo qaba HIV/AIDS ayaa noloshoodu ku tiirsanayd barnaamijka PEPFAR ee USAID maamusho. Iminka waxa laga dareemayaa gaabiska yimi meelo badan oo caalamka ah; meelaha sida fiinta looga qayliyayna waxaa ka mid ah Kiiniya. Tan iyo 2003-dii, dhimashada HIV/AIDS waxay hoos u dhacday in ka badan 50% sababta oo ah deeqaha caafimaad ee hay’addan ayaa door weyn ka qaatay. Sidoo kale “Gavi”, oo ay USAID maalgelin jirtay, waxay tallaashaa 70 milyan oo carruur ah sannad kasta, caalamka oo dhan.

Aan idin xasuusiyo in USAID ay ka farcamaan boqollaal NGO oo ka qaata mashaariic ban’aadantinimo oo ay ka fuliyaan guud ahaan caalamka, waxaana ay USAID ku lug lahayd in ka badan 6,000 oo mashruuc oo caalamka oo dhan ka socday kuwaas oo badankoodu daaranaa hawlo bani’aadantinimo iyo horumarinta caafimaadka.

Sida ay qabaan falanqeeyayaashu, xidhitaanka USAID, Maraykanka dan uma aha caalamkana dan uma aha xilli arrimuhu adkaadeen; inkasta oo uu san Trump awood dhamaystiran u lahayn baa’binta hay’addan sida aanay suurtagal u ahayn in la arko Shiinaha oo beddelaya USAID. Jawaabtu ma sahlana, in kasta oo Shiinuhu si weyn u ballaadhiyay saamayntiisa caalamiga ah isagoo adeegsanaya Mashruuca Jidka xariirta ama Suunka iyo waddada – oo ah mashruuc ay wadday dawladda Shiinuhu tan iyo 2013-kii kaas oo ay ku dhisto kaabayaal dhaqaale sida: waddooyin, dekado, tareenno iyo wershado adduunka oo dhan – gaar ahaan Afrika, Aasiya, iyo Yurub. Ujeeddada mashruucanina yahay in kor loo qaado is-dhexgalka ganacsi iyo siyaasadeed ee Shiinuhu la leeyahay dunida inteeda kale. Haddana qaab-dhismeedka, falsafadda, iyo baaxadda gargaarka dibadda ee Shiinuhu aad bay uga duwan yihiin habka Maraykanku u adeegsado gargaarka ama kaalmada.

“Haddii aysan jirin barnaamijyo aynu ka fullinayno Afrika, xilli Shiinuhu isku deyayo inuu iibsado qaaradda oo dhan, waxaynu samaynaynaa qalad weyn” Sidan waxa yidhi Senator Lindsey Graham oo ah siyaasi Maraykan ah kana tirsan Xisbiga Jamhuuriga xubinna ka ah Senate-ka Maraykanka. Hadalka siyaasigani ma aha aragti shakhsi ku kooban, waa faham iyo dareen ay qabaan guud ahaan dadka siyaasadda caalamiga ah xiiseeya.

Falanqeeyayaashu waxay isku raacsan yihiin in Shiinuhu uu san u babac dhigi Karin qaabkii, xeeladii iyo aagii uu Maraykanku gaadhi jiray marka la joogo kaalmada dibadda.

In kaste oo kaalmadii dibadda ee Maraykanku hoos u dhacday war suganna aan laga hayn, Shiinaha waxa ka maqan awood dhaqaale oo uu kula simmi karo Maraykanka, kaabayaasha caalamiga ahaa oo aan jirin, iyo dhiirranaan siyaasadeed si uu u buuxiyo booska bannaan.

Markaas waxa la odhan karaa Shiinuhu si guud uma diyaarsana inuu beddelo hay’adda USAID oo maanta aan u shaqaynayn sidii ay hore ugu shaqayn jirtay.

Aynu qiimaynno sida kaalmada iyo deeqaha caalamiga ah ugu kala fogyihiin Shiinaha iyo Maraykanku. Si guud kala duwanaanta ugu weyn ee u dhaxeeya kaalmada uu bixiyo Maraykanka iyo kan uu bixiyo Shiinuhu waa ilaa saddex qoddob oo kala duwan. Maraykanku, kaalmada uu bixiyo waa deeq. Sidoo kale waxa uu diiradda saaraa gargaarka la xidhiida bani’aadamnnimada sida: Caafimaadka, waxbarashada, iyo maamul wanaagga, kaalmada Maraykanka waxa ku lammaan shuruudo siyaasadeed. Halka Shiinaha, kaalmada uu bixiyo ay tahay amaah iyo maalgelin. Kaalmada Shiinuhu, waxay diiradda saartaa kaabayaasha dhaqaalaha sida; Waddooyinka, dekadaha, tareennada, is-gaadhsiinta iyo tamarta. Ugu dambaynna ma jirto wax shuruud ah oo ku xidhan kaalmada uu Shiinuhu bixiyo.

Marka laga hadlayo qarashaadka labada dawladood ee Shiinaha iyo Maraykanku ku bixiyaan kaalmada shisheeye waxay isu jiraan cir iyo dhul: Gargaarka dibadda ee USAID iyo hay’addaha kale ee la shaqeeyaa wuxuu gaadhayay $63 bilyan sanadkii. Halka Shiinuhu gargaar dhan 7 Bilyan bixiyay intii u dhaxaysay 2013 ilaa 2018. Waa xisaab aad u kala fog, 2024, miisaaniyadda rasmiga ah ee gargaarka Shiinaha waxay hoos ugu dhacday $2.85 bilyan, taas oo ah wax ka yar 5% ta Maraykanka. In kaste oo mashruuca Suunka iyo waddada ee Shiinaha si weyn loo hadal hayo, haddana waa ganacsi iyo dano dhaqaale oo ay dawladda Shiinuhu leedahay, mana aha gargaar ama kaalmo bani’aadamnimo oo uu caalamka kale gaadhsiiyo.

Tusaale kale, Shiinuhu wuxuu urrurka Gavi oo ah urur caalami ah oo bulshooyinka caalamka siiya tallaal bilaash ah ku taageeray 25 milyan oo doollar 10 sano gudahood, halka Maraykanku bixiyay 2 bilyan oo doollar 5 sano oo qudha; taas oo ka dhigan in Maraykanku bixiyay 160 jeer in ka badan inta uu Shiinuhu bixiyay. Si fudud haddii aynu u dhigno, haddii Shiinuhu bixiyo hal doollar sanadkii, Maraykanku wuxuu bixiyaa 160 doollar isla sannadkaa — taas oo ah farqi aad u weyn!

Sidoo kale, Sanduuqa Caalamiga ah ee la dagaallanka HIV/AIDS, Shiinuhu wuxuu ugu deeqay $90 milyan, tan iyo markii la aasaasay sannadkii 2001-kii, halka Maraykanku bixiyay 26 bilyan oo doollar. Taas oo la macno ah in muddo 23 sano ah kaalmada uu Sanduuqan siiyay Maraykanku ay 289 jeer ka badan tahay tan uu bixiyay Shiinuhu.

Dhinaca kale, Sanduuqa Ebola ee Qaramada Midoobay oo markii la furayay helay lacag dhan 3.6 bilyan oo ah deeq ka soo gaadhay dhammaan dalalkii ka qayb qaatay; Shiinuhu wuxuu ugu deeqay $47 milyan oo qudha, taas oo boqollayda deeqda ka ah 1%. Halka Maraykankuna bixiyay $1.8 bilyan oo boqollayda deeqda ka noqonaysa 49%. . Sida aynu arki karno dhaqaalaha Maraykanka iyo kan Shiinaha maanta waxa u dhaxeeya $10.7 trillion (US $28.4 trillion & CH- $17.7 trillion) oo qudha tiradaas oo ah wax yar waayo waxa la saadaalinayaa inay qaadan karto si ay isu soo gaadhaan 10 sano oo qudha, waa haddii ay ku socdaan sida ay maanta yihiin.
Dhanka nidaamka iyo u diyaarsanaanta kolka ay joogto Shiinuhu ma laha ha’yad u habaysan sida tan Maraykanka ee USAID isla markaana si siman u gaadhi karta guud ahaan caalamka.

Shiinaha hawlaha gargaarka iyo bani-aadantinnimada waxa u qaabilsan laba meelood: waa wasaaradda ganacsiga iyo hay’adda gargaarka horumarineed ee Shiinaha oo gebigeedaba la sameeyay sannadkii 2018-kii kuwaa oo si isku dhaf ah u bixiya wax walba oo uu Shiinuhu ku deeqayo. Halka USAID la aasaasay 1961-kii.

Ka bixintaanka Maraykanka ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) iyo hakinta hay’adda USAID kuma filna si uu u burburo caafimaadka caalamiga ah, sidoo kale waxa la arkaa: In dalal kale ku dayanayaan Maraykanka, sida Argantiina, Hangari iyo Ruushka. Xilli Ingiriiskuna sheegay inuu jarayo gargaarkii horumarineed si uu u kordhiyo qarashaadka milatariga. Faransiisku isna waxa uu doonayaa inuu dhimo miisaaniyaddii gargaarka 40%. Jarmalka ayaa isna sheeganaya culays dhaqaale oo haysta.

Ugu dambayn, macnaha iyo nuxurka guud ee maanta aynu ka arkayno isbedellada ku yimi siyaasadda arrimaha dibadda ee dalalka caalamku waa farriin si toos ah ugu socota wax ma-haystayaasha Soomaalidu ka midka tahay. Waa duni diraysa farriin ah; “ninkii wax haysta ee xeelad na leh baa noolaanaya”.

Exit mobile version