Monday, September 15

(Hortabin Media) – Dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa isku howshay ka dhabeynta yoolkeedii ahaa la dagaallanka Masuq maasuqa, kaas oo sida la rumeysan yahay yeelan doono saameyn ka ballaaran inta ilaa iyo iminka la ogyahay.

Soomaaliya 30-kii sano ee la soo dhaafay waxey ahayd dal ay la dageen colaado, wajiyo kala duwan leh, kuwaas oo curyaamiyey in la helo kala danbeyn iyo dowladnimo waarta.

Hase ahaatee 10-kii sano ee ugu danbeysay waxaa dib loo yagleelay nidaamka dowladnimada inkastoo ay fadhiid noqdeen waxaa la howl galiyey hay’adaha kala duwan, ee dalka, kuwaas oo shaqadooda billaabay, xilli aanu jirin wax isla xisaabtan ah.

Kaalintii isla xisaabtanka ahayd oo meesha ka maqan, waxey fududeysay in qof walba oo masuula ah, uu sharciga ku rito jeebkiisa, isla markaana masuuliyada loo igmaday uu ka dhex dayo il uu dhaqaale ka sameyn karo.

Musuqa, iyo wax isdaba marinta oo gaaray heerkii ugu ba’naa ayaa saameeyn ku yeeshay dhamaan howlihii dowladnimo, iyo adeegyadii loo fulinayey shacabka, waxaana adkaatay in muwaadiniintu helaan meel ay u cawdaan, maaddaama musuqu uu hareeyey xitaa hay’adihii garsoorka oo noqday kuwo shilinka un wax ku xukmiya.

Horaantii bishii February ee sanadkan markii la magacaabay Hanti dhowraha guud ee qaranka si ka duwan kuwii hore wuxuu xafiiskiisu billaabay inuu daba galo hay’adaha dowladda, wuxuuna durba warbixin baariseed fatasha ah ku sameeyey, 5 waaxood oo ka tirsan dowladda kuwaas oo kala ah wasaarada shaqada iyo arrimaha bulshada, wasaarada maaliyada, hay’ada socdaalka iyo jinsiyadaha, bangiga dhexe iyo xafiska xisaabiyaha guud  

Warbixintaasi waxey muujisay in qasnada dhexe ee dowladda ay ka maqan tahay lacag dhan 21 milyan oo ay xafiisyadaasi qabteen intii u dhaxeysay Bishii March 2018 ilaa bishii April 2023-ka

Warbixintaasi waxaa lagu xusay in lunsashada dhaqaalahaasi ay ku lug leeyihiin masuuliyiin xilal sar sare ka hayey xafiisyadaasi, kuwo ahaa shaqaalaha rayidka iyo dad shacab ah oo xiriir la lahaa madaxdii awooda ku lahayd xafiisyadaasi.

Hanti dhowraha oo xafiiska xeer ilaailnta la wadaagay warbixintaasi ayey ku suura gashay in xabsiga loo taxaabo qaar ka mid ah kuwii eedahaasi musuqa loo jeediyey, waxaana kuwo eedeysan ka mid ah agaasimayaal iyo shaqaalo dowladeed, oo qaarkood maxkamadeyntoodu socoto halka kuwo kalana ay baxsad yihiin.

Xafiiska hanti dhowraha guud ayaa sidoo kale dhawaan soo bandhigay natiijada baaris ay ku sameeyeen 3 safaradood oo ay Soomaaliya ku leedahay dibadda kuwaas oo kala ah, safaarada soomaaliya ee KENYA, Tan turkiga iyo mida ay soomaliya ku leedahay Jarmalka, kuwaa oo sida xafiiska hanti dhowruhu sheegay ay ku maqan tahay lacag dhan 3 milyan oo dollar.

Dhinaca kale Baarista hanti dhowraha ayaa taabatay Shirkadaha heshiiska dheef wadaaga kula jira Soomaaliya ee Favori iyo Albeyrak oo kala maamula garoonka diyaaradaha iyo dekada muqdisho, kuwaa oo aan soo gudbin xisaab xirkoodii sanadlaha ahaa,

In aanay soo gudbin xisaab xirkooda sanadlaha ayaa ka dhigan in la xaqiijin waayo caddadka lacageed ee ay dowladdu xaqa u yeelaneyso, maaddaama heshiiska dheef wadaaga uu ahaa in ay dowladdu qaadato boqolkiiba  25 dakhliga ay qabato shirkada favaro halka ay Albeyrak oo maamusha dekada Muqdishana laga rabo boqolkiisa 67 dhaqaalaha u soo xaroodo in ay qasnada dowlada ku soo shubto.

Warbixinada fatashka ah iyo baaritaanada uu sameynayo xafiiska hanti dhowraha guud ayaa noqday mid hadal heyn badan abuuray, soomaaliduna ay si aad ah u falanqeeyaan, waxaana jirta in kuwa eedeysan ee gacanta lagu hayo maxkamadeyntooda ay noqotay mid ay bulshadu la socoto, isla markaana si toos ah looga baahiyo xarumaha warbaahinta, iyagoo aan lagu xadgubeynin xuquuqdooda muwaadinimo oo heysta qareeno difaacaya, waana hannaan ka duwan midkii garsoorka Soomaaliya uu ku caana maalayey sanadihii la soo dhaafay.

La dagaalanka wax is daba marinta waxey fududeysay inuu yaraado musuqii lagu kacayey, waxaa kobac dhaqaale uu ku yimid  lacagihii ku dhici jiray qasnada dowladda, taas oo tusaale u ah in Adeega kordhinta Fiisaha oo qura ay ka soo xarootay lacag dhan 842,kun bilihii May iyo June ee sanadkan halka 2 bil ee ka horeysay ee March iyo April laga helay 500 boqol kun waxaana is bar bar dhiga uu muujinayaa in hore loo lunsan jiray dhaqaale ka badan 300 kun

Wuxuu sidoo kale koror maaliyadeed oo ah mid la taaban karo uu ku yimid  dakhliga dowladda ka soo gala garoonka diyaaradaha oo gaaray Milyan iyo dhowr boqol oo kun markii ugu horeysay taariikhda.

Inkastoo weli ay Soomaaliya ku jirto dalalka ugu musuqa badan caalamka haddana tallaabadan ayaa wax badan ka baddeleysa qaabkii ay u shaqeynayeen hay’adaha dowladda, , waxaana yaraan doona musuqa xargaha goostay.

Arrintan ayaa sidoo kale fariin u direysa beesha caalamka, taas oo kordhineysa taageerada ay la garab taagan yihiin dib u soo kabashada dhaqaalaha iyo dowladnimada Soomaaliya.

Si kastaba waxaa shacabka Soomaaliyeed maankooda ka guuxaya  weydiimo ah ilaa heerka uu gaari karo, isla xisaabtankan, musuqa la xiriira maaddaama madaxdii dalka soo martay sida la ogyahay ay yar yihiin kuwa ka nadiifta ah masuqa, marka la eego sooyaalka siyaasadda Soomaaliya oo ku saleysnaa boob iyo wax isdaba marin.

Exit mobile version