Dal walba oo caalamka ku yaalla waxaa jiritaankiisa qaranimo xaqiijiya, astaamo ay ka mid yihiin, Calankiisa, milgaha dadkiisa, iyo lacagta dal ahaan uu isticmaalo, taas oo meesha haddii ay ka baxdo dhaawac ku noqoneysa qiimiga uu dalkaasi dunida ku leeyahay.
Iminka Soomaaliya waxey wajaheysaa xaalad, taasi la mid ah, waxaana Qiimo dhac aad u ballaaran uu waqtigan hareeyey lacagta Shilinka Soomaaliga, taa oo uu booskeedii galeen lacago qalaad oo ay bulshadu iminka isticmaasho.
Lacagahan qalaad ayaa suuqyada Soomaaliya buux dhaafiyey, waana arrin bidhaamineysa in ay meesha ka maqan tahay awooddii dowladeed ee u taagneyd maamulka, dabagalka iyo jaan gooynta qiimaha iyo sarrifka lacagaha, waxaana awoodii dowladnimada ay gacanta ku u gashay ganacsatada.
Lacagaha Baddelay
Shilinkii Soomaaliga ee qiimaha lahaa bari-samaadkii, waxaa xilligan ku dhaw in ay baddesho lacagta Dollar-ka oo gayiga Soomaalida si aad ah looga isticmaalo
Waxaa dalka si joogta ah usoo gasha Lacagta dollar-ka, taas oo la soo mariyo xawaaladaha, waana mida jaan-goysa qiimaha suuqa.
Sidoo kale waxaa dayaca ku dhacay Shilinka Soomaaliga waxaa kaalin weyn ka qaatay shirkadaha isgaarsiinta dalka, kuwaas oo hirgaliyey, adeegyo, sahlaya in dadku ay Taleefanadooda ku keydsadaan lacagaha, isla markaana ku soo dukaameystaan.
Adeegan lacagaha Taleefanada la iskugu dirayo, waa mid qudhiisa la bah ah dollarka, maddaama lacagaha taleefanada ku jira xisaab ahaan ay yihiin kuwo dollar ah.
Maamullada Dalka
Maamullada dalka, inta badan sida Caasimada lagama isticmaalo lacagaha Shlinka Soomaaliga, iyagoo dhowr jeer qubay Shilinka Soomaaliga, sababo la xiriira ganacstada deegaanadooda oo diiday in ay qaataan shilin Soomaaliga.
Kal hore dadka reer Baladweyne iyo kuwa deegaanada Puntland ayaa si cad u sheegay in ganacsatada deegaanadooda aanay waxba ku iibineyn Shlin Soomaaliga.
Wax xal ah wey waayeen ganacsatada iyo maamuladii deegaanadaasi ka jiray, oo ay ku socod siin karaan shilinka Soomaaliga.
Somaliland
Somaliland oo ah maamul ku dhawaaqay gooni isu-taag, rabana inuu ka go’ Soomaaliya inteeda kale, ayaa isticmaala lacag ka duwan naqshad ahaan Shilin Soomaaliga, waxaana lacagtasi lagu magacaabaa Somaliland Shilin
Somaliland, waxey lacagtaan hirgaliyeen oo ay 18-kii Oktoobar sanadkii 1994, oo ah xilli ay dagaallo sokeeye ka socdeen Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, waxaan lacagtooda ay ka kooban tahay waraaqo iyo biro, waxeyna kala yihiin: 1, 5, 10, 20, 100, 500, 1000 iyo 5000, Somaliland Shilin.
Saameynta iyo caqabada ka dhalatay
Dabar go’ ku socda lacagta Shilin Soomaaliga, wuxuu saameyn ku yeeshay nolosha dadka, gaar ahaan kuwa dabaqada hoose, maaddaama lacagaha qalaad ay soo kordhiyeen sicir barar dhan walba ah.
Qiimo dhaca Shlinka Soomaaliga, ayaa sidoo kale caqabad ku noqday dad reer miyiga, gaar ahaan xoolo dhaqatada iyo beeraleyda, waxaana markii uu shilinkii waxba u goyn waayey, ay gaartay goobahooda lacagtii qalaad iyo midkii taleefanada gacanta la isugu dirayey.
Doorka dowladda Fedraalka
Inkastoo doorkeedu uu hooseeyo, Dowladda Fedraalka ee Soomaaliya, dhaliilahana ay taabanayaan, haddana seddexdii sano ee ugu danbeysay waxa ay sheegeysay in ay wado qorshe ay ku soo daabaceyso lacag cusub.
Dowladda Soomaaliya waxaa sida ay ka dhawaajisay tallaabadan gacan ka siinaya hay’adda lacagta adduunka ee IMF, waxaana daabacaada lacagtaasi ay ku kaceysaa lacag gaareysa 60 Malyan oo ah dollar Mareykanka.
Lacagtan naqshada cusub ee la filayo in la soo saaro sanadkan 2024, ayaa baddel u noqon doonto shilin Soomaaliga qiimo dhacayo, kaas oo la isticmaalayey tan iyo dowladdii dhexe ee Soomaaliya.
Tallo
Maaddaama ay muuqato in Shilinki Soomaaliga uu ka sii dhamaanayo suuqyada dalka isla markaana isticmaalkiisa ay bulshadu ka doorbidayaan lacagaha qalaad iyo kuwa Taleefanada la isugu diro, waxaa Dowladda, Aqoonyahanada iyo Waxgaradaka la gudboon in ay qaadaan dhowr tallaabo oo lagu badbaadin karo Shilinka Soomaaliga.
Mida ugu horeysa, in dowladdu ay la xisaabtanto ganacsatada iminka gacanta ku heysa dhaqaalaha dalka, isla markaana qiimo rasmi ah lagu jaan gooyo sarifka lacagaha, iyo in tallaabo laga qaado ganacsadihii diida inuu qaato Shilin Soomaaliga.
In Shirkadaha bixiya adeegyada Taleefanada la isugu diro lacagaha, ay xadidaan awooda isticmaalka lacagaha Taleefanada la isugu diro, oo maanta si aad ah loogu dukaameysto.
Aqoonyahanada iyo Waxgaradka, waxaa iyaguna laga doonayaa in ay diirada saaraan sidii ay bulshada Soomaaliyeed uga dhaadhicin lahaayeen milgaha lacagtooda, iyagoo u sheegaya in aanu wax faa’iido ah ugu jirin adeegsiga lacagaha qalaad.
Tallaabooyinkan iyo kuwo kale, waxa ay kaalin weyn ka qaadan karaan in la badbaadiyo Shilinka Soomaaliga, ilaa inta ay dowladdu ka soo daabaceyso lacag cusub, oo dalka wada gaarta, laguna adeegto.