Toddobaadkan ayaa ku asteysan kii xoriyada Soomaaliya, waxaana xalay muqdisho laga xusay munaasabada 26-kii June oo ah 64 sano guuradii ka soo wareegtay markii ay gobolada waqooyi xornimada ka qaateen gumeystihii ingiriiska, iyadoo maalmo kadibna la isku diyaarinayo xusku kowda luuliyo oo ah kolkii ay Koonfurta Soomaaliya xornimada ka qaateen gumeystiihii Talyaaniya iyo is raacii labada ee gobol ee waqooyi iyo Koonfur.
Dhamaan munaabasabadan ayaa dhacaya, iyadoo waqtigan aanay jirin midnimo buuxda oo dhex taal labada gobol, isla markaana bulshadu ay yihiin kuwo ku kala irdhoobay colaadihii ahliga ahaa ee dalka ka dhacay.
Aqoonyahanada qaar ayaa nasiib darro ku tilmaamaya in xilligan la weyneeyo toddobaaka xoriyada, iyadoo weli raadadkii gumeystaha uu dalka ka muuqda, isla markaana ay yihiin kuwo saameyn ballaaran ku leh siyaasadda Soomaaliya.
Aqoonyahanada ayaa inta badan tusaale usoo qaata wadamada dariska, sida Itoobiya iyo Kenya oo ay sheegaan in ay maamulaan awoodna ku leeyihiin maamulada dalka qaarkood.
Kenya ayaa sanado badan fadhisa Magaalo xeebeedka Kismaayo ee Jubada Hoose, waxaana waqtigan oo uu soo dhamaaday howlgalka ATMIS muuqata in ciidamadaasi aanay diyaar u ahayn in ay Soomaaliya ka baxaan.
Si la mid ah taasi la mid ah goboladda Baay Bakool , Gedo iyo Hiiraan waxaa ku sugan ciidamo badan oo Itoobiyaan ah, kuwaas oo qaarkood aanay qeyb ka ahayn howlgalka ATMIS, waana arrimaha kordhinaya walaaca.
Puntland oo waqtigan aan xiriir fiican la lahayn dowladda Dhexe, waxey sanadihii ugu danbeeyey jaal dhaw oo siyaasadeed ahaayeen Itoobiya, waana mushkilada ay aqoonyahanadu u arkaan in ay hortaagan tahay in is faham siyaasadeed ay gaaraan maamulkaasi iyo dowladda dhexe.
Gobolada Waqooyi gaar ahaan maamulka icrtiraaf raadiska ee Somaliland, oo ah dunta rasmiga ah ee isku xirta midnimada Soomaaliya, waxey bannaanka taagan tahay wax ka badan 30 sano, waxeyna Itoobiya la leedahay xiriir dhaw oo gaaray in qeyb ka mid ah badda Soomaaliya ay ka iibiso, taas oo qeylo dhaantii kala dhalatay ay ilaa iyo haatan taagan tahay .
Gucla oradka Somaliland ee gooni ugoosadka, waa caqabadka ugu weyn ee ku gadaaman helitaanka midnimo Soomaaliyeed, waxaase qubaradu ay nasiib darro ku tilmaamayaan in ilaa maanta aan xoogii la rabay la gelin xalinta tabashada ay qabaan bulshada waqooyi, taas oo sii dheereyneysa helitaanka midnimo mudan in loo dabaaldego oo ay ku naaloodaan umadda Soomaaliyeed.
Sidoo kale Inta badan waxgarada iyo aqoonyahnada Soomaalida ayaa is weydiinaya nuxurka iyo dhadhanka ay yeelan karaan xuska maalmahan xoriyada, maaddaama waqtigan aanay meesha oolin midnimo loo dabaal-dego, isla markaana ay daranyo iyo dayac wajahayaan Shacabka Soomaaliyeed, oo badankooda daruufo kala duwan la daalaa dhacaya.
Gudaha dalka, Xaaladdaha adage ee ay sababtay amniga darada waxaa ku barakacay dad aad u fara badan, waxaana nidaamka dowladnimimada dalka oo heerkii la rabay aanan joogin uu keenay in cabsi amni ay ku noolaadaan inta badan muwaadiniinta, kuwaas oo si joogta ah ula kulmo tacadiyo kala duwan.
Si-kastaba, Midnimo la’aantii ka dhalatay bur burka dalka ayaa sidoo kale soo de dejiyey in maalaayiin Soomaali ah ay u qaxaan dalalka Caalamka, waxaana dadkaasi Soomaaliyeed ay ehel u noqdeen waayo adag, maaddaama weli aanay u muuqan midnimo iyo xasilooni ka dhalata dalkooda, taas oo ay sii dheertahay in maanta ay kumaanaan kale u hanqal taagayaan in ay u boqolaan dalalka nolol ahaan dhaama koodii hooyo.
Si kastaba inkastoo waqtigan ay Soomaaliiya kala qeybsan tahay, isla markaana muddo 30 sano ah ay bannaanka taagan yihiin gobolada waqooyi oo ku dhawaaqay gooni isu-taag, haddana xaaladaha siyaasadeed ee jira ayaa u muuqda kuwo bulshada kala fogeynaya, waxaase indheer garadka Soomaaliyeed ay ku talinayaan in qarashka badan ee ku baxaya Munaasabadaha loo weeciyo isku soo dhaweynta bulshada iyo u gurmashada kumaanka Soomaaliyeed ee ku hoos dayacan calanka baluuga ah.