Friday, September 12

Maanta waxey ku beegan tahay sanad guuradii 32-aad ee ka soo wareegtay markii ay Somaliland ku dhawaaqay in ay ka go’day Soomaaliya inteeda kale, sababo la xiriiray tabasho ay ka qabtay dowladii kacaanka ahayd.

Wixii ka danbeeyey ku dhawaaqista mowqifkooda, maamulku wuxuu diyaariyey qorshe dowladnimo oo ku horumarinayo meelaha uu ka arrimiyo, wuuxuna hirgalayey hay’adiihii arrimahaasi ku shaqada lahaa.

Muddo kooban kadib waxaa 6-da gobol ee maamulka gacantiisa ku jira ka dhaqan galay, hanaanka axsaabta, waxaana la curiyey sameynta xisbiyo siyaasadeed, taas oo keentay inuu maamulku qabto doorashooyin qof iyo cod ah. oo ay dadku ku dooranayaan qofka ay hoggaanka u dhiibanayaan, heer degmo ilaa heer gobol.

Hannaankaas dimuqoradiyadeed ee hirgalay iyo nabada deegaanada maamulka, ayaa noqotay mid soo jiidatay caalamka intiisa kale, gaar ahaan dowladaha daneeya arrimaha Soomaaliya,

Hase ahaatee arragti ka duwan taas waxaa qabay muddo dheer dadka ku nool degganada maamulka, kuwaas oo aaminsanaa in axsaabta iyo talada maamulka ay isku koobeen hal heyb oo qura, oo ah kuwa iminka talada haya.

Awoodda ugu sareysa maamulka oo aan loo dhameyn waa tan soo de dejisay colaada laascaanood xilligan ka taagan, taas oo 4 bil jirsatay.

Dagaalka Laascaanood ee daba dheeraaday, waa mid soo koobaya hamiga madax bannaanid ay 32-ka sano raadineyso Somaliland, waxaana maalinba maalinta ka danbeysa kordhaya khasasraha ka dhalanaya dagaalkaasi.

Waxaa xaaladda sii adkeyneysa mowqifka isimada iyo bulshada reer Laascaanood, kuwaa oo ka biyo diiday in ay maamulka la fariistaan, sababo la xiriira khasaarihii xoogganaa ee ka soo gaaray dagaalladii dhacay.

Hoggaanka maamulka Somaliland oo isna doonaya inuu xoog ku maquuniyo dadka Laascaanood degan, ayaa qasab ka dhigeysa in ay jiitanto colaada Laascaanood.

Maamulka oo ka taliya Gobollo tiradoodu gaareyso lix, ayaa waqtigan culeys kala kulmaya seddex gobol, taas oo qubarada la socda siyaasada gobolka ay ku macneeyeen mid mugdi galineysa mustaqbalka Somaliland.

Hay’adaha ka shaqeeya arrimaha bani’aadminimada ayaa dhowr jeer ka dhawaajiyey dhibaatada ay ciidamada Somaliland ka geysteen gudaha Laascanaood, halkaas oo milatarigu maamulku duqeymo culus ka fuliyey.

Madaafiicda maamulku adeegsaneysay ayaa bur buriyey xarumo caafimaad, kuwa waxbarasho iyo masaajido lagu cibaadeysa  jiray.

Xafiiska Qaramada Midoobay ee Isku Xirka Arrimaha Bani’aadannimada (OCHA), ayaa kal hore sheegay dagaalka laascaanood ay ku barakeen in ka badan 185,000 oo qof, oo ilaa maanta xaalad adag wajahaya.

Dadka ugu badan ee ku barakacay dagaalkii 6-dii february ka qarxay Laascaanod, ayaa ah haween iyo caruur, kuwaas oo qiimeyntii la sameeyey 89% (boqolkiiba Sideetan iyo sagaal) ka ah dadka guryahooda colaada uga cararay.

Billawgii bishii February oo ah markuu dagaalku qarxay, wixii ka danbeeyey, waxaa istaagay dhaq dhaqaaqii nololeed ee ka jiray Laascaanood, oo ay dadkeedu iminka beylah ku yihiin deggaanka Kalabeydh ee gobolka Sool, oo ah goobta ah gaareen tirada dadkii ugu badnaa ee laascaanood ka hayaamay.

Magaalada Laascaanood ayaa maanta u muuqaal eg furin dagaal, iyadoo duleedkeeda ay isku hor fadhiyaan ciidamada Somaliland iyo xoogaga SSC,

Dhan kasta oo laga milicsado, waxaa hod dheer ku dhacday rajadii ay Somaliland ka qabtay in ay noqoto dowlad madax bannaan, waxaana arrintaasi in ay lagu hungoobo kaalin ku leh xiisadaha ka taagan goobaha ay maamusho, iyo sida maamulku uga jawaabay oo aan qurux badneyn.

Exit mobile version