Sanad iyo 11 casho ayaa laga joogaa markii Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu ku soo baxay doorashadii dhacday 15 kii May ee sanadkii hore, taas oo Xasan Sheekh fursad usiisay inuu mar kale hoggaamiyo Dowladda Fedraalka ee Soomaaliya.
Haddaba Madaxweynaha mudDada sanadka ah ee uu xafiiska joogo maxaa u qabsoomay, muxuuse ka gaabiyey?
Waa weydiimaha maankooda ka guuxeysa dadka u dhuun doola siyaasaDda dalka.
Qodobadbada muhiimka ah ee ay Dowladdu hore u dhaqaajisay waxaa ka mid ah arrimaha kala ah Amniga Caasimada, dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab, iyo horumarinta Waxbarshada oo miisaaniyad sare loo qoondeeyey, inkastoo aanay ku filneyn.
Dadka ka faalooda siyaasadda iyo amniga ayaa tilmaamaya, in Muddada sanadka ku siman ee ay Dowladda Shaqeyneyso ay ka soo dhalaashay wax ka qabashada amniga Caasimada, kaas oo lagu wareejiyey ciidamo gaar ah, oo lagu soo tababaray dalka Ugandha.
Ciidamadan oo tiradooda lagu sheegay 3-kun, ayaa lagu magacaabaa (Boliis Milataro), waana kuwo door aan indhaha la saaban karin ka qaatay nabad ku soo dabaalida Caasimada, iyagoo xoojiyey baaritaanada ay ku samenayaan gadiidka iyo shacabka.
Sida ay qubaradu inala wadaageen Dowladda Xasan Sheekh oo sanad jirsatay Bishan May ayaa lagu amaani karaa, dar darkii ay Xafiiska ku soo galeen, iyo dhab u billaabida dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab, kaas oo Kooxda Looga saaray deegaanno badan, oo ku yaalla Maamullada Hirshabelle iyo Galmudug.
Waxaa geesta kale la bogaadiyey in Dowladdu ay ku dhiirato wajiga labaad ee dagaalka, looga soo horjeedo Al Shabaab, oo la filayo in ay ka qeyb qaadan doonaan Dowladdaha dariska.
Xasan Sheekh Dowladda uu majaraha u hayo, ayaa waqti badan sanadkan gelisay ka hadalka arrimaha la xiriira masuq maasuqa, Soomaaliya daashaday, kaas oo ay Dowladiisu hoosta ka xariiqday in ay dagaal kula jirto, iyadoo durbana xabsiga dhigtay shakhsiyaad Dowladda ka tirsan oo lagu tuhmayo masuq.
Arrinta musuqa oo sheekadeedu cirka isku shareertay mudooyinka, ayey dad badan u arkaan mid laab-lakac ah, iyagoo shaki galinaya sida ka bari ahaanshaha arrintaasi ay nadiif uga noqon karaan madaxda sare ee dalka, oo ay iyagu adag tahay in la helo dad la xisaabtamo.
Sida ay Warbixinada Caalamiga ah sheegayaan Caruur Soomaaliyeed oo gaaraya 3-Milyan ayaanan aadin Iskuullada, sababo la xiriira waayaha adag ee ay ku sugan yihiin waalidiintooda, oo aan awoodin bixinta lacagaha bilaha ah ee ay qaataan milkiilayaasha xarumaha waxbarashada, gaarka loo leeyahay.
Si arrintaasi loo baajiyo, ubadka Soomaaliyeed-na ay u helaan waxbarasho lacag la’aan ah ayey Dowladdu qaadatay barrayaal tiradoodu gaareyso 3 kun, iyadoo hirgalineysa xarumo waxbarasho, waxaana
Miisaaniyadda Waxbarashada Soomaaliya sanadkan, laga dhigay 34 milyan oo doolar.
In kasta oo ay tahay miisaaniyaddii ugu sarreysey ee waxbarashada muddo sannado ah, misana dadka dhaleeceeya ayaa sheegaya in ay weli ka fog tahay maalgelinta loo baahan yahay, si caruurta oo dhami ay u helaan waxbarasho.
Dhanka kale Dowladda Soomaaliya waxyaabaha ay ka gaabisay waxaa ka mid ah dar dar galinta howlaha Dasturkan qabyo qoraalka ah, diyaarinta doorasho ka duwan tii qabsoontay 15-kii may 2022 iyo in dib u heshiisiin rasmi loo furo shacabka Soomaaliyeed.
Inka badan 20 sano mid ka mid ah caqabadaha hoos u dhigayey dowladnimadda Soomaaliya, waxaa door ku lahaa Dastuurka qabyo qoraalka ah, kaas oo xilliyadii adkaa ee lagu shaqeynayey marar badan keenay khilaaf iyo is faham waa’, isla markaana dowladdihii iyo barlamaanadii dalka soo maray ay ku fashilmeen dhameystirkiisa.
Walaacaas oo jira haddana Dowladda uu hoggaamiyo Xasan Sheekh, ilaa maanta wax talaabo ah uma qaadin dhaqaajinta dhanka howlaha Dastuurka, waxaana qubburada la socda maraaxiladii uu soo maray Dastuurkan qabyada ah ay aaminsan yihiin inuu qeyb ka noqon doono waxyaabaha uu hirgalintooda ku fashilmi doono Madaxweynaha, marka la eego is diidooyinka siyaasadeed ee jira, oo hor istaagaya in si wadajir ah dalka loogu sameeyo Dastuur rasmi ah, oo kala haga hay’adaha Dowladda iyo dhamaan muwaadiniinta Soomaalida.
Sanadka Koowaad Dowladda uu hormuudka u yahay xasan Sheekh, waxey ballan qaaday in ay ka shaqeyn doonto taaba gelinta doorasho qof iyo cod ah oo ka baddelan tii uu ku soo baxay ee dadbaneyd.
Inuu arrintaasi Madaxweynuhu kaalin ka geysto sanadkiisa koowaad, iska daayee, wuxuu arrinta doorashada qof iyo codka ah ku colaadiyey maamulladii ku dhiiraday.
Caqabadaha muuqda ayaa bidhaaminaya in Dowladda ay baal martay qeyb ka mid ah Hal-ku dhigeedii ahaa Soomaali Heshiis ah, Dunidana Heshiis la ah, sababo la xiriira khilaafaadka ka dhex oogan bulshada Soomaalida, oo aan si dhab ah weli loo xalin.
Nuqul ka mid ah eray bixintaasi waxaa dhaawacaya, weedhihii qadafka ahaa ee sida tooska ah ay Dowladda ugu weereeratay doorashada qof iyo codka ah ee ay shalay u dhaqaaqeen Bulshada reer Puntland.
Waxaa sidoo kale meelo ka mid ah Gobollada dhexe iyo labada shabeelle ka taagan dagaal beeleedyo dhaliyey khasaare kala duwan, kuwaas oo ay Dowladdu xitaa ka gaabsatay in ay tallo ku darsato baajintooda.
Qodobada kale ee xusida mudan ayaa ah, ballan qaadyadii Madaxweynaha ee ku aaddana shaqo abuurka dhallinyarada iyo wax ka qabashada garsoorka, kuwaas oo sida cad dar dar galintooda uu Madaxweynuhu gacan bidixeynayo.
Dhallinyarada oo boqolkiiba 75% ka ah shacabka Soomaaliyeed ayaa naawilayey fulinta arrinta shaqo abuurka ee Madaxweynuhu ku dhawaaqay, balse badankood waxa ay noqdeen kuwa uu hareeyey niyad jab xooggan, kadib markii Dowladda sanadka jirta ay caddaadis saartay dhallinyaradii iskood u abuurtay shaqooyinka.
Gaar ahaan bajaajleyda oo maalmihii ay shaqeynayeen la koobay, maaddaama sida la ogyahay loo kala saaray A iyo B, oo qoloba ay maalin shaqeyneyso.
Si kastaba Madaxweynaha ayaa laga rajeynayaa in 3 sano ee u dhiman aanu ku fashilmay dhamaan qodobadii uu taaba galintooda u ballan qaaday shacabka Soomaaliyeed, wallow hirgalinta qodobadan uu ka mudan karo culeys badan, sababo la xiriira Soomaaliya oo ah dal 30 sano ay hay’adihiisa dowliga bur bursanaayeen, haddana dadaalka uu galiyo arrimahan ayaa noqonaya hal xiraalaha ku hor gudbanaan doona yoolkiisa sii joogida Xafiiska iyo guud ahaan mustaqbalkiisa siyaasadeed.
WQ: Ayaanle Qoyste