Saturday, September 13

Soomaaliya iyo Itoobiya oo waqtigan biraha isku soofeysanaya ayuu mid walba wajahayaa caqabad dhanka gudaha ah, taas oo culeys baaxad leh ku ah in dhinac walba uu tillaabo qaado.

Haddii aanu ku horeyno Itoobiya oo qaadatay go’aan u liqmi waayey Soomaaliya, ayaa weli ku dhagan damaceedii ahaa hanashada qeyb ka mid ah biyaha Soomaaliya, kadib heshiiskii Somaliland ay la gashay horaantii sanadkan.

Balse Itoobiya waxa ay wajaheysaa culeyskii ugu ballaarnaa abid iyo caqabado waa weyn oo gudaha ah sida dagaalada Sokeeye ee dalkeeda ka dilaacay, iyo kacdoonka qowmiyadaha Tigreega iyo Amxaarada.

Qowmiyadahan oo ah kuwo ugu ballaaran Itoobiya, marka laga yimaado qowmiyada Oramada, oo iyada qudheeda saluugsan doorkooda siyaasadda waqtigan, ayaa Itobiya ka hor isaageya in ay tallaabo milatari qaado, sababo la xiriira dhaawac soo gaaray hanka ciidamada dalkaasi, oo markaan aysan ka dhaxeynin midnimo la taaban karo.

Waxaa kale oo ay colaadahan sababeen in ay hoos u dhacdo quwadii milatari ee Itoobiya, halka dalkaasi uu wajahayo daruuf dhanka dhaqaalaha ah.

Dhinaca kale Soomaaliya ayaa iyaduna wajaheysaa daruufo uga imaanaya Gudaha, sida xiriirka Soomaaliya iyo Puntland oo ah mid aad u hooseeya, kaas oo horseedi kara in Garoowe ay garab u noqotay Itoobiya.

Sidoo kale caqabada Koonfur Galbeed, iyaduna waa arrin culeyskeeda leh, waxaana kal hore uu maamulkaasi uu taageero u muujiyey Itoobiya oo iminka magac nabad ilaalineyd ku joogta deeganada maamulkaasi.

Caqabada kale ayaa ah Somaliland, oo iyaduna gooni isu-taag raadineysa, ahna maamulka billaabay xiisadan, ee Itoobiya u saxiixay marin biyoodka, waxaana Somaliland ay iminka tahay caqabad jirta oo aan idhaha laga daboolan karin.

Si kastaba sida ay saadalinayaan qubarada aqoonta u leh amniga, waxaa labada dal ku adkaan doonta in ay qaadaan tallaabo milatari, xilli culeysyo aad u daran uu ka heysto gudaha, kuwaas oo dhinac walba uga baahan xal deg deg ah.

Exit mobile version