Sannado kooban gudahood, ku dhawaad 17 kun oo dumar reer Burundi ah ayaa si rasmi ah ugu dhoofay caasimadda Sacuudiga ee Riyaad, iyagoo raadinaya nolol ta waddankooda dhaanta. Walow labada dal ee Burundi iyo Sacuudigu kala saxeexdeen heshiis dhigaya hagaajinta duruufta shaqo ee dumarkaas, haddana dhacdooyinka soo noqnoqday waxa ay daaha ka faydayaan shabakad isku xidhan oo ka macaasha ka ganacsiga dadka, kuna xadgudba xuquuqda aasaasiga ah ee dumarkaas shaqaalaha ah. waa shirkado shaqaalaysiin oo u harraadan macaash, oo ay garabsiinayaan masuuliyiin xukuumadda Burundi ku jira iyo dad kale oo hodan ahi.
Sheekada Saydaata
Bishii Feebarweri ee sannadkan 2025, maalin roobaad daadku qulqulayo jidadka magaalada Cibitoke ee waqooyi-galbeed ee Burundi, Gbariel Nzosaba ayaa ka sheekaynaya sheekada walaashii Saydaata. Walaashii oo 24 jir ahayd waxa ay go’aansatay in ay u safarto Sacuudiga, oo loogu ballanqaaday in ay shaaqiyad ka noqonayso guri.
Sannadba kama soo wareegin safarkeeda markii qoyska loo soo tebiyey warka geerideeda oo madmadaw badan oo aan ilaa imika laga salgaadhin ku gadaamanyahay. Gabriel waxa uu sheegay in Saydaata qoyska kala soo hadli jirtay barnaamijyada farriimaha la isugu diro, oo ay weliba bishii Feeberweri 2024, ay qoyska usoo dirtay farriin ah waan nabad tagay, se 8dii Juun, 2024, ayaa noqotay maalinkii u dambaysay ee ay qoysku war ka helaan, farriin dambena lagama maqal.
Warar kala duwan oo uu qoysku helay, waxa ay ku ogaadeen wax ka mid ah noloshii Saydaati ee Sacuudiga. Shaqadii koowaad waa ay ka tagtay, ka dib markii ay isku dhaceen qofkii ay u shaqaynaysay, waxaanay u gacangashay koox dillaaliin ah, oo u dhexeeya dumarka guryahay ka shaqeeya iyo loo shaqeeyayaasha, sida lagu xusay warbixinta France 24.
Dillaaliintani waxa ay dumarka shaqaalaha ah ee ajaanibta ah u ballanqaadaan shaqooyin cusub, se duruufaha adag ee dumarkaas ayaa ay ka faa’idaystaan, xadgudubna kula kacaan. Sida warbixintaas lagu sheegay, Saydaata, waxa ay degtay guri ka mid ah guryahay kooxda lagu dego, oo ay dumar kale la joogtay, ahna guryo dumarku shaqada ku sugaan, halkaas ayaanay xaaladda caafimaad ee Saydaata ku xumaatay.
Qoysku waxa uu geerida gabadhooda ka maqlay baraha bulshada. Markii dambe waxa lasoo xidhiidhay Joel Ndayisenga, ku xigeenka safaaradda Burundi ee Sacuudiga, oo sida uu qosyku sheegay u wareejiyey Wasaaradda Arrimaha Dibadda, si maydka Burundi loogu celiyo. Hase ahaatee, Ndayisenga wuu dafiray in uu sidan soo jeediyey. Sida uu Saydaata walaalkeed xusayna, soo celinta maydku waxa uu ku kacayey kharash dhan 17 milyan oo Faranka Burundi ah (5 kun oo Yuuro), oo ah kharash aanu qoysku awoodayn.
Xaaladdan oo taagan, waxa soo dhexgalay Wasiirka Arrimaha Dibadda Burundi, Albert Shingiro, si uu waalidka Saydaata ugu qanciyo in ay aqbalaan in inantooda lagu aaso Sacuudiga, oo isagoo kaashanaya jaaliyadda reer Burundi ee Sacuudiga, maydka la aaso. Qoysku waxa uu Ndayisenga ka codsaday in uu usoo diro sawirrada janaasada, se ilaa hadda uma soo dirin, waxa kaliya ee waalidkii Saydaata samirsiis ka dhigteenna waa alaab ay lahayd oo loo soo celiyey.
Sheekada Saydaata ma aha mid jaadgoonni ah, ee waa mid ka tarjumaysa xaalad shaacsane ah. bilihii u dambeeyey, koox weriyayaal ah, oo isugu jira Burundiyiin iyo weriyayaal caalami ah, ayaa dabagal ku sameeyey hababka iyo jidadka lagu dhoofiyo dadka shaqaalaha ee Burundi laga qaado, loona dhoofiyo Sacuudiga.
Dal ka mid ah dalalka dunida ugu saboolsan, dhallinyarada shaqaysaana aanay dhaafin boqolkiiba 36, celceliska dakhliga qofka ee bishiina yahay 17 Yuuro, u haajiridda Sacuudigu waxa ay u tahay in janno cagaha lala galay, dad badanna soo jiita, se qiraallada warbixinta dabagalkani ka ururisay dumar hore uga soo shaqeeyey Khaliijku, waxa ay muujinayaan xaaladda daran iyo dhibaatada jannadii ay ku riyoonayeen u rogta silic iyo saxariir.
Dabagalkani waxa uu soo bandhigay jiritaanka shabakad dadka ka ganacsata, oo dadan, kana faa’idaysatay heshiiskii labada dhinac ahaa ee Burundi iyo Sucuudiga, ee 2021. Waa shabakad saamayn ku leh dawladda, oo masuuliyiin dawladeed ku jiraan, macaash badanna ka sameeya ganacsigan, iyada oo aan cidi la xisaabtamin, si kasta oo ay ugu xadgudbaan xeerarka dalka iyo halbeegyada caalamiga ah ee ilaalinta xuquuqda aadamaha.
Sannadkii 2023, Maraykanku hore ayaa uu uga digay, oo warbixin ayaa tilmaantay heerka ka ganacsiga aadamaha ee lagula kaco dumaarka shaqaalaha ee reer Burundi uu xaalad adag marayo, warbixntaasina waxa ay soo bandhigtay wakiill u xilsaaran fududaynta arrinkan, sidoo kalena aanay jirin hababkii lagu ilaalin lahaa dumarkaas xaqooda. Warbixintu waxa ay si gaar ah u sheegtay, in xukuumadda Burundi ku fashilantay dammaanad qaadka xuquuqda dumarkaas iyo la xisaabtanka dhinacyada ku lug leh arrinkan.
Warbixinta Maraykanku waxa ay xustay in xukuumadda Burundi shaacisay in iyada oo kaashanaysa qunsuliyadaheeda, ay ka hawlgashay in dib dalka loogu soo celiyo 676 dumar shaqaale ah, oo ka shaqaynayey dalalka Sucuudiga iyo Kuwayd, intii u dhaxaysay 2020 ilaa 2022, oo ay ku jiraan dumar dhibbane u ah falalkaas ka ganacsiga dadka. Hase ahaatee, haayado caalami ah ayaa xaqiijiyey, in isla wakhtigaas dawladda Burundi shaacisay tallaabadan, in ay jiraan 1409 dumar ah oo kale, oo weli dhibbane u ah wakaaladahaas, arrinkan oo ka dhigan, in boqolaal dumar ah, amaba xitaa kumanaa, aanay weli kaalmo helin.
Xadgudubyadan oo jira, haddana dumar badan oo shaqaalahaas ka mid ahi, waa ay ka cabsadaan in ay ismuujiyaan, toosna u hadlaan. Waxa tusaale ah, Marie, oo hadda ka shaqaysa caasimadda Sucuudiga ee Riyaad. Marie waxa dalkaas geeyey wakaaladda Eagle Agency for Youth Employment, oo uu leeyahay Jean-Baptiste Nzigamasabo, oo ah ku xigeenka baarlamaanka dalkaas, kana soo baxay xisbi-xaakimka CNDD-FDD, oo doorashooyinkii Juun ee sannadkan ku guulaystay dhammaan kuraastii doorashada. Marie bilawgii waa ay oggolaatay in ay qiraalkeeda u gudbiso weriyayaasha dabagalka waday, se markii dambe waa ay ka laabatay, iyada oo ku cudurdaaratay in arrinkani halis ku yahay iyada iyo qoyskeedaba.
Heshiiska labada dal ee Burundi iyo Sucuudigu kala saxeexdeen waxa uu dhigayaa in la abuuro hannaan wadaag ah oo lagu nidaamiyo dhoofinta iyo soocelinta dumarka shaaqiyadaha ah ee reer Burundi, iyadoo la raacayo xeerarka labada dal. Heshiiskani waxa uu qoysaska loo shaqaynayo iyo wakaaladaha shaqaalaysiintaba ku waajibinayaa in ay heshiiska lala galo dumarka shaqaynaya, mushaharkoodana aan waxba laga goosan karin.
Heshiisku waxa uu shardinayaa in la ilaaliyo darafyada heshiiska shaqo galaya, sida loo shaqeeyaha, gabadha shaqaalaha ah, xafiiska shaqaalaysiinta ee Sucuudiga iyo wakaaladaha shaqaalaysiinta ee Burundi. Waxa kale oo uu si cad u qeexayaa in aanay bannaanayn in dhinacyadan mid ka mid ahi wax ka goosan karin mushaharka gabadha shaqaalaha ah, sida kharashaadka shaqaalaysiinta iyo guuritaanka. Se xaqiiqooyinku waxa ay muujinayaan sida ay u kala duwanyihiin xeerarka qoran iyo shaqooyinka lagu hawlgalo, oo dumarka shaqaalaha ahi waxa ay la kulmaan xadgudubyo abaabulan, ugana bilaabma kolka la qaado, marka ay soo laabtaanna dhammaada, oo haddii ay soo laabtaanba, soo laabta iyaga oo nafsad ahaan iyo jidh ahaan baa burburay, cidna aan lagala xisaabtamin xadgudubyadaas.
Mid ka mid ah tiirarka heshiiska laba geesoodka ahi waxa uu dhigayaa, in xukuumadda Burundi dammaanad qaaddo ilaalinta dumarkaas shaqaalaha ah, Sucuudiguna ballanqaado fududaynta xallinta khilaafyada ka yimaadda ka bixidda heshiiska shaqo, una kuurgalo qaddiyadaha maxkamadaha la keeno ee arrinkan la xidhiidha. Xukuumadda Burundi waxa ay ballanqaadday in diyaariso shaqaale, karti leh, aqoon leh, oo badqaba, sida shaqadu waajibinayso, oo tababbar lagu soo siiyo dugsiyo u gaar ah, lana baro dhaqamada Sucuudiga ay u shaqo tagayaan. Waxa kale oo uu heshiisku ku waajibinayaa xukuumadda Burundi in shuruudaha heshiiska gabadha shaqaalaha noqonaysaa fahmi karto, haddii shuruudahaas laga baxana, soo celinta shaqaalaha ay xukuumaddu ka masuul tahay. Ka dib heshiiskan, waxa aad u batay wakaaladaha shaqaalaysiinta, oo hadda waxa furan 27 wakaaladood.
Bishii Feebarweri ee sannadkan, mar ay Wasaaradda Arrimaha Dibaddu soo bandhigaysay waxqabadkeeda, Wasiirka Arrimaha Dibaddu waxa uu sheegay in tirade dumarka reer Burundi eek a shaqeeya Sucuudigu gaadhayaan 17 kun oo shaqaale. Waxa la rejaynayey in heshiiska labada dal uu sameeyo jid lagu ilaaliyo dumarkaas dalkooda ka tagay, una abuuro nolol toodii hore dhaanta, se waaqacu waa cagsiga sidan.
Sidoo kale, maalin Wasaaradda Arrimaha Dibaddu soo qabanqaabisay kulan, 7-dii May, ee 2024, Mertus Ndikumana, madaxa iskuxidhka wakaaladaha shaqaalaysiintu, waxa uu sheegay in boqol dumar ah laga soo celiyey Sucuudiga, ka dib markii ay saluugeen shaqada. Sidan si ka duwan, qof ka tirsan wasaaradda, oo aan magaciisa baahin, waxa uu xaqiijiyey in 500 oo dumar ah si degdeg ah loo soo celiyey ka dib markii lagu eedeeyey in aanay shaqadooda gudan karin, si guuldarrada nidaamka iyaga loogu xambaariyo. Dhaliisha “karti la’aanta iyo gudasho la’aantu”, waa mid si toos ah uga hor imanaysa warbixinaha haayadaha iyo ururrada ka shaqeeya arrimahan, oo xaqiijiyey in wakaaladahani carruur aan qaangaadhin shaqaalaysiiyeen, dhammaana shaqaalaha dumarka ahi la kulmeen xadgudubyo iyo jidhdil aanay shaqada kusii wadi karin.
Eddy Manirakiza, oo maamula mashruuca midawga ururrada ka shaqeeya carruurtu, waxa uu xaqiijinayaa in wakaaladaha shaqaalaysiintu dayacaan dabagalka xaaladaha dumarkaa shaqaalaha ah, oo aanay dan ka gelin, dumarkaasina marka horeba duruufo dhaqaale haystaan, oo aanay si hufan u fahmin shuruudaha heshiiska. Qodobka ugu weyni waa in aan isla xisaabtan iyo dabagal jirin, wakaaladahanina isla xukuumaddii dumarkaas ilaalin lahayd ku hoos dhuumanayaan. Waxa kale oo la xaqiijiyey in dumarkaas marar badan lagu khasbo in ay iska bixiyaan kharashka tigidhka dib u noqoshada, haddii aanay awoodinna, inta safaaradda ama wakaaladdii shaqaalaysiiyey ay hawsha ku jirto, shaqaalahaasi ku xannibnaato dalkaas, iyada oo aan wax kaalmo ah helin. Dumar badan oo shaqaalahaas guryaha ka mid ahi, waxa ay xaqiijiyeen in guryaha kooxda loo dego, ee xafiisyada shaqada lagu sugona u ahi yihiin meelaha ugu daran ee dumarku ku dhibmutaan, halka qaar badani ku xanuunsadaan, wax dawo ahna aanay helin. Mid ka mid ah dumarkaas shaqaalaha ah, ayaa barnaamijka dabagalka ah u xaqiijisay in aanay maalmo dhawr ah wax cunto ah ku helin guryahaas ay shaqada ama dib u noqoshada ku sugaan, waxaanay xustay in gabadh Kiiniyaan ahi mid ka mid ah guryahaas isku dhex dishay, xaaladda adag ee ay ku jireen awgeed.
Muddada heshiiska shaqo ee dumarkaasi waa laba sanno oo la cusboonaysiin karo, mushaharkana waxa lagu saleeyaa qaddarka ay wakaaladda Sucuudiga ahi soo bandhigto, se badanka waa mushahar u dhexeeya 185 ilaa 209 Yuuro. Se, sida ay xaqiijiyeen dumar heshiiskan galay, qaddarkani kuma filna, si ka duwan sida xukuumadda Burundi sheegtayna, dumarkani waxa ay lacago badan oo laaluush ah ku bixiyaan in ay heshiiska helaan, marar badanna waxa lagu khasbaa in ay iska bixiyaan dhammaan dhukumantiyada looga baahanyahay, oo wakaaladdu keliya waxa ay ka bixisaa tigidhka safarka.
Sida uu sheegay shaqaale ka tirsan wakaaladahaas, oo aan magaciisa baahin, waxa uu xusay in wakaaladuhu lacago badan ka faa’idaan dumarkaas shaqaalaha ah, oo gabadh kasta oo ay keenaan Sucuudiga, waxa ay ku qaataan 1,500 ilaa 2,000 oo doollar. Dawladda lafteedu, wakaaladahan waa ay la wadaagtaa macaashkan badan, oo wakaalad kasta oo cusub, si loo siiyo rukhsad, waxa laga rabaa boqol milyan oo Faranka Burundi ah, cusboonaysiinta rukhsaddaas oo laba sanno ku dhacdana waxa laga qaadaa konton milyan oo Faranka Burundi ah. Waxa kale oo jira dhukumantiyo dawladdu uga baahantahay shaqaalaha la dirayo, sida warqadda caafimaadka, heshiiska shaqo iyo warqadda dambi la’aanta, oo kharash badan oo kale ku kaca.
Fiiro gaar ah: Warbixintan waxa wada diyaariyey Ukweli Coalition, Afrique XXI, Africa Uncensored, waxaana soo turjumay Hortabin Media , Xogta iyo aragtiduba waxa ay u gaar tahay cidda diyaarisay.