Thursday, February 12

Toddobaadkan horraantiisii ayaa ay, dawladda Itoobiya soo saartay warqad ay toos ugu socodsiisay xukuumadda Asrama. Dhambaalkeedu waa uu caddaa; “Ciidamada Eriteriya waxa ay qabsadeen dhul ay leedahay Itoobiya, iyaga oo iskaashanaya ‘fallaago’ Itoobiyaan ah”. Waxa ay Addis Ababa ka dalbatay Asmara in ay ciidankeeda si degdeg ah uga la baxdo dhulka Itoobiya, isla markaana joojiso kaalmada ay siinayso fallaagada Itoobiyaanka ah.

Waxa lagu xusay warqadda in sooyaalka labada dal uu muddo qarni ka badan ku suntanaa colaad, Itoobiyana ay doonayso in laga baxo meertadaas colaadeed. Isla jeerkaas, waxa ay Itoobiya ku soo hadalqaadday warqaddan in ay diyaar u tahay wadahadal ku saabsan danta labada dhinac oo ay ku jiraan arrimaha marin badeedka iyo gaadhitaanka Itoobiya ee dekedda Casab. Sida warqadda ka muuqata, Itoobiya waxa ay toos isugu xidhaysaa dhanbaal culus oo ah in ‘Eriteriya ay haysato dhul Itoobiya leedahay’ iyo doonisteeda dekedda Casab iyo marinka Badda Cas.

Eriteriya ayaa si weyn isaga fogeysay eedaha Itoobiya oo ay ku sheegtay in ay qayb ka yihiin colaad joogto ah oo muddo labo sannadood ah kaga socotay Itoobiya, iyada oo bayaanka Itoobiyana ku tilmaantay mid ‘been-abuur ah oo la dhoobdhoobay’. Waxa ay Eriteriya iska diidday in ciidan ay leedahay galeen gudaha Itoobiya, iyo in ay gacansiiyeen jabhado Itoobiyaan ah, midna.

Eedahan u dambeeyay ee ay Itoobiya u jeedisay Eriteriya waa kuwo si walba uga duwan kuwii ay labada dal is dhaafsanayeen, tan iyo markii uu burburay isbahaysigii ay ku wada galeen gulufkii mideysnaa ee ay ku qaadeen gobolka Tigree ee Itoobiya, sannadkii 2020-kii. Hadda, Itoobiya waxa ay toos ugu eedeynaysaa Eriteriya in ay qabsatay dhul Itoobiya leedahay, arrintaas oo uu ku lammaan yahay gogolxaadh lagu ‘sharciyeyn karo’ dagaal ay Itoobiya ku qaaddo Eriteriya ‘si ay uga xoreyso dhulka ay ka qabsatay’. Mar kale, Itoobiya waxa ay waraaqdan toos ugu socodsiisay dawladda Eriteriya, taas oo ka dhigan digniin rasmi ah oo toos ah oo noqon karta marmarsiiye sharciyeyn kara dagaal ay Itoobiya qaaddo. Sidaa awgeed, haddii eedeymaha Itoobiya lagu akhriyo qaabyaalkooda, waxa ay Itoobiya gudatay dhammaan tallaabooyinkii ka horreyn lahaa dagaal waxana ay isu diyaarinaysaa tallaabada xigta oo ah ‘dagaal’ la filan karo haddii aanay Eriteriya ‘kala bixin’ ciidankeeda dhulka Itoobiya, sida lagu sheegay warqadda ka timid Addis Ababa.

Sidaas oo tahay, warqadda Itoobiya kama madhna ‘cadaadis’ xooggan oo gorgortan lagu doonayo. Eedaha culus ee ay soo jeedisay Itoobiya waxa ay ku soo afmeertay baaq ah ‘wadahadal’ ay qayb ka tahay dekedda Casab. Isku-lammaaneynta labo arrimood oo aad u kala fog waa dhaqan uu diblumaasiyadda adduunka ku soo kordhiyay Madaxweyneha haatan ee Maraykanka Donald Trump taas oo ah in la abuuro jawi handadaadeed oo halis ah si looga wadahadlo arrin aan hore gorgortan u gali jirin. Waraaqda Itoobiya waxa ay leedahay astaantaas, nuxurkeeduna kama foga sheekada uu, muddaba, suuqgeynayay Raysal Wasaare Abiye Axmed ee ku saabsan ‘xaqa’ ay Itoobiya u leedahay gaadhitaanka marinnada Badda Cas iyo dekedaha gobolka.

Ha se ahaato e, waxa ay tallaabadani noqon kartaa mid horseedda in labadan dal ay mar kale ku siibtaan colaad toos ah, ka dib dagaalkii 1998 – 2000 oo ay ku dhinteen dad lagu qiyaasay 70 kun oo qof, isla markaana ka tagay raad colaadeed oo joogto ah oo ka dhex jiray labadan dal muddo rubuc qarni ka badan, marka laga tago labo sannadood oo ay isbahaysi taktiiki ah yeesheen, ka dib markii uu xukunka Itoobiya yimid Abiye Axmed, 2018-kii, in kaste oo ay muddadaas lafteeda ku lug yeesheen dagaal lagu riiqmay oo ay si wadajir ah uga galeen gobolka Tigreey.

Haddii ay dagaalamaan labadan dal, ma noqon doono dagaal kooban. Itoobiyo, in kaste oo ay gudaheeda kala qaybsan tahay, haddana waa dalka labaad ee, tiro ahaan, ugu ballaadhan Afrika, waana dalka ugu bulshada ballaadhan Bariga Afrika oo leh cudud dadweyne oo xooggan, ciidan ahaanna waa dalka 5aad ee Afrika. Dhanka kale, Eriteriya waxa ay ka mid tahay dalalka ugu yar Afrika, dhul ahaan iyo bulsho ahaanba, taliskeeduna waa mid go’doon ah oo dhaqaale ahaan liita, waxana ay ciidan ahaan Afrika kaga jirtaa kaalinta 25aad. Ha se ahaato e, Eriteriya waxa lagu tiriyaa mid ka mid ah dalalka ugu ciidaminta badan adduunka. Tirada bulshada iyo inta ciidanka ah marka la isu eego, waxa ay Eriteriya soo galaysaa kaalmaha hore ee dalalka ugu ciidanka badan, arrintaas oo muujinaysa u diyaarsanaanta dagaalka iyo niyad mitidnimo. Dawladda Eriteriya oo ka dhalatay halgan dheer oo ay xorriyadda u soo mareen dadkeedu, waxa ay awooddeeda oo dhan isugu geysay rubuc qarnigii tagay oo dhan in ay ‘iska caabbido’ Itoobiya, arrintaas oo aan ka dhigayn dagaal hadda dhex mara labada dal mid aan sina u fududeyn.

Exit mobile version