Monday, September 15

(Hortabin Media) – Tan iyo cishadii uu Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu mar kale fursad u helay hanashada hoggaanka dalka, madaxweynuhu wuxuu xoogga saaray arrimo aad u fara badan kuwaa oo uu qaarkood ka lib kenay.

Madaxweynuhu wuxuu si aan daahsooneyn u bidhaamiyey sida uu daacad uga yahay dagaalka dalka looga saarayo Al Shabaab, isagoo dhanka kalana tallaabo muuqata ka ciyaaray la dagaallanka musuqa, oo ka mid ah waxyaabaha ragaadiyey dowladnimada Soomaaliya.

 Balse dadka sida dhaw ula socda siyaasada dowladda uu hoggaaamiyo ayaa aaminsan in guulaha madaxweynaha ay hortaagan tahay hal caqabad, taas oo ay ku sheegeen dhul boobka ka socda meelo ka mid ah gudaha iyo duleedka caasimadda Muqdisho

 Dhul boobkan oo lagu eedeynayo dad ay xigto dhaw yihiin Madaxweynaha dalka, ayaa xagal daacinaya dadaalada muuqda ee ay dowladdu ku tallaabsaneyso.

 Dhul boobkan oo si xowli ah u socda, ayaa waxaa bar baryaalla qeylo dhaan iyo cabasho, ka soo yeereysa dadka rayidka ah ee leh milkiyada dhulkaasi, waxaana xarumaha warbaahinta madaxa bannaan buux dhaafiyey, dadyow eedo culus dusha uga tuurayo qoyska Madaxweynaha.

Maamulka Gobolka Banaadir oo kal hore ka hadlay dhul boobkan socda ayaa si gaar ah u abaaray dhulalka danta guud iyo kuwo ay lahaayeen dowladdo ay ka mid tahay Talyaaniga, waxuuse ka meer meeray boobka lagu hayo dhulalka ay leeyihiin dadka shacabka ah.

Shacabka cabanaya qaarkood ayaa sita sharciyo xaqiijinaya milkiyada lahaashaha dhulalkaasi, kuwaas oo ay warbaahinta maxaliga ah soo bandhigtay, balse dhibanayaashaasi ma helin cid cabashadooda ka garaabta.

Tirada dadka dhul boobka ka cabanaya oo ay marba marka ka danbeysa cadadoodu sii kordheyso, ayaa walaaca dhul boobka ka dhigtay arrin ay bulshada la qabsadaan, waxaanay dadka qaar ay isku qanciyeen inuu qeyb ka yahay qorshayaasha dowladdan sanadka iyo bilooyinka jirta maddaama uu soo ban baxay markii ay xafiiska ay la wareegtay.

Jawaab la’aanta Madaxweynaha ee arrimaha ku qotoma dhul boobka, sida gaarka ah loogu eedeynayo xubnaha xigtadiisa ah, ayaa abuuraya mahadho xaalkana sii adkeyneya, waxaana dadka qaar ay sheegayaan in jawaabta oo raagta ay ka dhigan tahay in Madaxtooyadu ay raalli ka tahay waxa socda.

Qubarada la dhacsan siyaasada Xasan Sheekh ayaa ku tallinaya in Madaxweynaha uu ka gil gisho tallaabooyinka guracan ee ku aaddan dhul boobka, taas oo haduusan ku dhaqaaqin mustaqbalka ku adkaan doonta inuu iska bari yeelo, maaddaama jawaabtiisa waqtigan aad loo daneynayo.

Si Madaxweynuhu uu u muujiyo ka nadiif ahaanshiisa dhul boobka socda, waxa ay u baahan tahay sida ay qubradu sheegayaan inuu si adag uga hadlo arrintaan, qeylo dhaanta xooggan dhallisay, isla markaana aanu hadal qudha ku ekaanee uu qaado tallaabo u dhiganta tan la dagaallanka musuqa, maaddaama aanay waxba kala duwaneyn.

Inuu ka dhiidhiyo Madaxweynaha dhul boobka socda, isagoo hay’adaha awooda u leh u oggolaanaya in sharciga la horgeeyo kuwo ku kacaya, ayaa wax weyn ka tari karta, siyaasada cusub ee xafiiska la yimid kadib dib u doorashadiisii.

Qubarada falanqeeya siyaasada ayaa in Madaxweynaha uu doorkaasi shariifka ah qaato ku macneeyey mid dhiseysa sumcadiisa hoggaamineyd, isla markaana sare u qaadeysa himilada ay ka qabaan shacabka dadaalada uu wado.

Ka jawaab celinta iyo ka dhiidhinta Madaxweynaha dhul boobka lagu eedeeynayo xigtada ku dhaw, ayaa sidoo kale noqon karta dhaqan siyaasadeed uu uga duwanaan karo madaxdii dalka soo martay, kuwaas oo waqti badan aan u huri jirin in ay bulshada ka qanciyaan tabashadooda.

Soomaaliya, rayidka oo aanu codkooda awood badan lahayn, lana maquuniyo, awoodooda oo kooban awgeed ayaa taa baddelkeeda uur fiyoobii ka daya in ay diiwaanka geliyaan fagaarayaashana ka sheegaan meertooyinka kala duwan ee ay tagtadu maankooda ku xariiqday, samaan iyo kuwo walaac wataba, waxaana la naawilayaa in Madaxweynuhu uu baal wacan ka galo taariikhdaasi qormeysa ee ay bulshada marqaatiga ka tahay.

Waxaase hadii uu geesta kale iska indho tiro dhul boobka ay wal wal ka muujinayaan shacabka, ay taasi maja xaabineysa mira dhalka guulaha uu ilaa maanta ku dhaqaaqay, waana arrin sidoo kale saameyn aan wacneyn ku yeelaneyso sooyaalkiisa siyaasadeed iyo hankiisa ku nagaanshaha xafiiska dalka ugu sareeya.

Si Kastaba, wax ku cusub ma ahan siyaasada dalalka soo kabanaya, gaar ahaan kuwo afrika in madaxda sare ay masuuliyadood la wadaagaan xubnaha qoysaskooda ee u dhaw, kuwaas oo awooda dowladnimada ku takri fala, iyagoo isku haleynaya masuulka xigtadooda ee xafiiska jooga, waxaana sida hore u dhacday aakhirka uu masuulku dhaxlaa, fadeexad iyo sumcad darro uga timaada, bulshada.

Exit mobile version