Marba marka ka danbeysa, waxaa hod dheer ku sii dhaceysa hankii Somaliland ee ku wajahnaa gooni isu-taaga, waxaana taasi ugu wacan dirirta ka oogan Laascaanood.
Dagaalka Laascaanood ee daba dheeraaday, wuxuu lumiyey qeyb muhiim u ahayd qadiyada gooni isu-taaga Somaliland, waana gobollada Sool sanaag iyo Ceyn, oo waxgaradkoodu ka biyo diideen ka sii mid ahaanshaha maamulkaasi.
Is Casilaada Gudoomiyihii golaha Wakiilada Somaliland
Waqtigan dhaawac culus ayaa mar kale gaaray qadiyadaasi, waxaana xilkii Gudoonka golaha Wakiilada Somaliland, toddobaadkan isaga tagay Gudoomiyihii golahaasi, Cabdirisaaq Khaliif, kaas oo ka soo jeeday deegaanada la isku hayo.
Cabdirisaaq wuxuu ka dhawaajiyey, inuu la dareen yahay bulshadii uu matalayey, wuxuuna shalay ka soo muuqday furimaha hore ee dagaalka ka socda Laascaanood, isagoo dhiira galinaya Xooggaga SSC.
Siyaasiyiinta saaxiibka dhaw la ahaa Gudoomiyaha is casilay, waxey sheegeen inuu ku hungoobay, dadaalo uu ku bixinayey xalinta dagaalka ka socda Laascaanood, kadib markii uu Madaxweyne Biixi kala kulmay diidmo ku aaddan in Ciidamada Somaliland laga saaro aagga Goojacade.
Sida wararku tilmaamayaan wuxuu ahaa shaqsigii ugu sokeeya ee kaalin ka geysan karay soo celinta midnimada degaanada Somaliland, ee ay colaadu kala irdheysay balse filaashooyinkaasi waxaa cagta mariyey mowqifka ay xaaladda Sool ka kala taagan yihiin Somaliland iyo garaadada SSC
Weli Somaliland maamulkeeda waxaa ku haray siyaasiyiin ka soo jeeda Laascaanood, hase ahaatee ma ahan kuwa door ku yeelan kara in ay baddelaan go’aanka ay qaateen waxgaradka SSC.
Baaqyada nabadeed iyo mowqifka ay kala joogaan labada dhinac
indheergaradka Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamkaba dhowr jeer ayey direen baaqyo ku aaddan in la joojiyo dagaalka ka socda duleedka Laascaanood, wax walbana lagu xaliyo wada hadal, laakiin fariimahaasi cidna uma dhaga nuglaanin.
Dooda ugu adag ayaa ah, in dhinac kasta uu sheegayo in isagu uu yahay midka saxan, Somaliland, waxey ku doodeysaa in deegaanada la isku hayo uu ka mid yahay dhulka uu maamulku ka arrimiyo, waana kuwa doonaya in ay awood milatari ku maquuniyaan cid kasta oo ka hor-timaada kala jarida degaanada Somaliland.
Dhanka Bulshada iyo Waxgaradka Laascaanood, waxey si adag u sheegayaan, in ay kalsoonidii kala laabteen Somaliland, oo aysan dooneyn in ay ka sii mid ahaadaan, waana kuwo u diyaar ah difaacashada deegaanadooda.
Maxaa dagaalka daba dheereeyey?
Dagaalka Laascaanood, ee jiitamaya tan iyo 6-dii February ee sanadkan, waa mid leh labo waji, oo kala ah mid huwan qabiil iyo mid siyaasadeed, taas oo ah sababta ugu weyn ee dagaalka muddadiisa dheereyneysa.
Waxaa kaloo hurinaya dagaalkan, oo kaalmo dhaqaale la bar bar taagan, qurbajoogta ka soo kala jeeda dhinacyada is haya, kuwaas oo si joogto ah lacag isaga aruuriyo, soona gaarsiiya ciidamada dagaallamaya.
Sida ay Qaramada Midoobay kal hore xaqiijisay in ka badan 185,000 qof ayaa ku barakacay dagaalka ka socda Laascaanood, waxaana dadkaasi ay wajahayaan daruufo adag oo ay ku kaliftay xaaladda barakaca ah.