Monday, September 15

(Hortabin Media) – Xaaladda Soomaaliya wey sii adkaaneysa marka la milicsado dhibaatooyinka culus ee ka dhashay roobka deyrta ee curtay oo ay bar bar socoto marxalada isbadelka cimilada ee Elnino.

Roobabka xoogan oo watay daadad iyo fatahaado ayaa si siman u saameeyey dhulka Soomaalida, waxaase ugu liita gobollada ay maraan webiyada Juba iyo Shabeelle, oo ay ka oogan tahay xaalada ugu daran.

Waxaa isi soo taraya dadka ku barakacaya daadadka iyo fatahaadaha, kuwaa oo waqtigan tiradooda lagu qiyaasayo 6boqol 49 kun oo qof oo ka mid ah dadka gaaraya nus malyuunka qof ee ay saameysay xaalada is badelka cimilada ee ku lamaan roobabka deyrta.

Elnino waa cimilo keenta roobab xoogan iyo fatahaado ku dhufta meelo badan oo dunida ah, waxaana dalalka ugu ba’an ee is baddelka cimiladan la daalaa dhaceysa maanta safka uga jira dalalka Soomaaliya Itoobiya iyo Kenya.

Dhulka Xeebta ee Kenya ayey gabi ahaanba biyuhu qariyeen, halka xaalad kale oo murugsan ay taalo Gobolka ismaamulka soomaalida itoobiya,gaar ahaan dhulka ku teetsan dooxada shabeelle.

Gudaha Soomaaliya Webiyada Shabeelle iyo Juba oo karkaarada jabsaday ayaa saameyn lixaad leh ku yeeshay dadka ku sugan deegaanada ay webiyadaasi maraan.

Deegaanada Jubaland, gaar ahaan gobolka Gedo, ayaa qeyb ka ah meelaha ay xaaladda ugu culus ka taagan tahay, kadib daadadka ka dhashay roobka deyrta iyo fatahaada webiga Juba.

Waxaa gabi ahaanba bur buray muundooyinkii la isaga kala gooshi jiray ee magaalooyinka baardheere iyo buurdhuubo, wuxuu walaacu sidoo kale ka taagan yahay meelo ay ka mid tahay degmada Luuq ee gobolkaasi gedo.

Webiga Shabeelle oo isna fatahay, ayaa saameyn xooggan ku yeeshay Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, waxaana gudaha magaalada laga soo badbaadiyey boqolkiiba 90 dadkii ku noolaa, halka kuwo kalana ay go’doon ku jiraan, sida ay xaqiijisay sheegtay hay’ada qaramada midoobay u qaabilsan isku duwista gargaarka bani aadminimada.

Fatahaada uu sameeyey webiga Shabeelle ayaa gaartay Gobolada labada Shabelle, kuwaas oo caan ku ah dhul beereedka, waxaana biyuhu ay ka sara mareen dalagyadii beeraha, ee la filayey in ay sanadkan soo go’aan, taas oo sababtay in ay qaali noqoto noocyada kala duwan ee khudaarta loo iib keeno suuqyada Soomaaliya.

Dhanka Koonfur Galbeed, xaafado badan oo ka tirsan magaalada Baydhabo ayey biyaha daadku weli dhex ceegaagaan, halka laga deyrinayo xaaladda degmada Bardaalle ee gobolka Bay.

Roobabka deyrta daadadka ka dhashay ayaa geesta kale xaalad adag galiyey gudaha magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, waxaana xirmay guud ahaan xarumihii waxbarashada.

Waxaa darafta kale sii kordheysa khasaaraha dhimashada laga soo werinayo gobolada dalka, taas oo iminka kor u dhaafeysa ilaa 50 kiis oo dhimasho ah, iyadoo weli ay qoysas badan dhex jiifaan daadadka aqaladooda soo galay.

Dowladda Soomaaliya oo aragtay saameynta ay roobabka daadadka wata geysanayaan, ayaa xaalad deg deg ah galisay dalka, wuxuuna RW soomaaliya magacaabay guddi heer qaran ah oo u gurmanaya dadka waayaha adag qaabilaya.

Hay’adda Maareynta Masiibooyinka ee loo soo gaabiyo SODMA, ayaa gargaar kala duwan gaarsiisay meelaha ay halista badan gaarsiisay fatahaada, inkastoo aanu gargaarkaasi ku filneyn dadka Soomaaliyeed marka la eego baaxada saameynta ay keentay Elninada.

Soomaaliya Sanadihii ugu danbeeyey si caadiga ahayd uma da’in roobka deyrta, kaas oo baaqday xiliyo kala duwan, waxaanay arrimahaasi sababeen, masiibooyin ay ka mid tahay Abaaro iyo fatahaado, galaaftay nolosha dad badan oo isugu jira xoolo dhaqato iyo beeraleey, kuwaa oo xitaa waayey xoolihii iyo beerihii ay nacfica ka raadinayeen.

Iminka oo roobka deyrta curtay, walow ay ku lamaan tahay xaalada adag ee isbadelka cimillada El-nino, waxey dadka Soomaaliyeed wajahayaan daruuf aan wax badan ka duwaneyn tii hore, waana kuwo qeylo dhaaminaya oo doonaya gargaar, maaddaama Soomaaliya aanay door muuqda ku lahayn xaaladaha ka hortaga is-badelka cimilada iyo diiqowga hawada sii kululaaneyso. 

Exit mobile version