Thursday, September 11

Itoobiya waxaa u baryey waa cusub, kaas oo wata hardan diblomaasiyadeed, waxaana xilligan kordhay diidmada ay dariska ka muujinayaan damacooda ku aaddan dhul badeed, ay u isticmaalaan Dekad ahaan, oo uu noqda marin uu u soo maro ganacsigooda.

Heshiiskii aan sharciga ahayn ee ay Itoobiya la gashay Somaliland, waxa uu mar qura indhaha u kala furay dalalkii markii horeba cabsiga walaaca ka muujinayey faragelinta Itoobiya, kuwaas oo kala ah Soomaaliya iyo Eritrea, oo iyaguna taageero ka helay dalka Masar.

Is-baheysigan ayaa noqon kara mid hakiya damaca ay Itoobiya ku dooneyso hanashada biyada Soomaaliya, wuxuuna sidoo kale diidi karaa in ay Itoobiya ay u hanqal taagto Eritrea, sababo la xiriira awoodda milatari ee ay la soo bixi karaan dalalkan is kaashaday.

Balse Masar dhankeeda, waxey u noqon kartaa libin ku qotonta in ay caddaadis adag saartay Itoobiya oo ay u dhaxeyso xurguf ka dhalatay muranka biyo xireenka Webiga Nile.

Soomaaliya

Dalka Soomaaliya ayaa ah kan wajahayey culeyska ugu adag, Maddaama heshiis aan sharci ahayn la doonayey in looga qaato 21-km oo dhul badeed ah, waxeyse wax kasta is baddeleen sida geesinimada leh ee ay u difaacdeen madax-bannaanida dhulkooda.

Diidmadooda iyo isu-soo baxooda, oo lagu daray iskaashiga ay la unkeen dalalka Masar iyo Eritrea, wuxuu baqdinta ku kordhiyey Itoobiya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa wixii ka danbeeyey heshiiska qaaday tallaabo diblomaasiyadeed oo cajiib ah, kadib markii uu bartamihii bishii Janaayo tagay Qaahira, halkaas oo uu kula kulmay dhigiisa dalkaasi Cabdul Fatax Al-Siisi, waana arrinta soo ban bixisay isbaheysigan.

Qorshaha Eritrea

Eriteria oo horey uga mid ahayd dalka Itoobiya, balse ka go’day, isla markaana 1993 noqotay dal madaxbannaan, kadib colaad dheer oo labada dal dhex martay, ayaa qeyb ka ah dalalka muujinayey walaaca ku aaddan damaca uu Abiye Axmed ku doonayo dhul badeed, maddaama Dekadaha Massawa iyo Assab ay ka mid yihiin dhul badeedkii ay Itoobiya ku weyday Aqoonsiga dal ahaaneyd ee Eritrea.

Markii la aqoonsaday Eritrea, waxey Itoobiya lumisay dhul badeed, ay isticmaali jirtay ganacsigeeda, kaas oo maanta wax ka badan 95% ku tiirsan dalka deriska ah ee Jabuuti, kaas oo leh 31km, waana arrinta Itoobiya ku riixeysa raadinta dhul badeed, isla markaana wal walka ku kordhineysa dalalka dariska ee leh dhul badeedka.

Dhan kasta oo laga eego Eritrea waxey heshiiskan qeyb uga noqotay in ay hesho saaxiibo kala duwan, kuwaas oo garab istaag muuqda u muujiya kolka ay Itoobiya la timaado damac marin biyood oo ku wajahan Eritrea.

Garabka ay muujineyso  Masar

Hardanka diblomaasiyadeed iyo iska caabinta Itoobiya waxaa ku soo biirtay, Dowladda Masar oo arrintan u aragta fursad dahabi ah, taas oo ay ku wiiqi karto awooda Itoobiya, iyadoo kaashaneysa dariska geeska Afrika.

Sanadihii ugu danbeeyey Dalalka Masar iyo Itoobiya waxaa u dhaxeeyay muran xooggan oo ka dhashay biya-xireenka wayn ee ay dowladda Itoobiya ka dhisayso Webiga Niil.

Xiissada arrintan ka dhalatay ayaa sanaddii 2021 cirka isku sii shareertay kadib markii ay dowladda Itoobiya billowday buuxinta biya xireenka.

Masar, oo ku tiirsan gebi ahaanba Webiga Niil biyahiisaa, waxay u aragtaa arintaan mid saameynaysa, iyadoo dhowr kolna Itoobiya hawada u marisay hanjbaado kala duwan, waana sababta rasmiga ah ee ay garabka ugu muujineyso Soomaaliya iyo Eritrea.

Saameynta Heshiiska Turkiga Iyo Soomaaliya

Turkiga wuxuu muddo dheer kaabayey dowladda Soomaaliya, oo uu ka taageerayey dhinacyo kala duwan, sida dib-udhiska dalka iyo tayeynta ciidamada Soomaalida, balse heshiiskii uu dhawaan la galay Soomaaliya ee ku aaddanaa inuu ilaalo ka noqon doono biyaha Soomaaliya waa mid keenay Su’aallo kala duwan.

Inkastoo Soomaalida badankood ay u riyaaqeen heshiiskan, oo ku saleysan iskaashi difaac oo dhanka badda ah, balse dhanka kale wuxuu niyad jab xooggan u keenay Itoobiya, oo ay maanta adag tahay in ay fuliso damaceeda dhanka badda Soomaaliya.

Turkiga oo qudhiisa heshiisyo badan oo aan ka xusi karno mid ganacsi oo weyn kula jira Itoobiya, isla markaana maalgashaday qeybo badan oo dalkaasi ah, ayaa iska fogeeyey inuu cid gaar ah duulaan ku yahay, taas oo muujineysa inuu ku hadlay luuqad diblomaasiyadeed, oo quusineysa Itoobiya.

Heshiiskan ayaa noqonaya mid lagu dhisayo Ciidamada Badda Soomaaliyeed, kuwaas oo loo dhameystirayo qalabkooda, isla markaana si xooggan loo tayeynayo, 10-ka sano ee ay Turkiga ilaalada ka hayaan xeebaha Soomaaliya, wuxuuna heshiiskan joojinayaa kalluumeysiga sharci darrada ah ee lagu hayey xeebaha Soomaaliya.

Si Kastaba Isbaheysiga Soomaaliya,Eritrea, Masar iyo Heshiiska Soomaaliya iyo Turkiga, ayaa si cad u fashilinaya damaca Abiye Axmed ee ku aaddan gucla oradka uu ugu jiro inuu 120 milyan oo Itoobiyaan ah u helo marin biyood, uu ganacsigooda u soo maro, waxaana fariin ah inuu hadafkiisa ku hungoobay u direysa dhambaalada uga imaanaya ururada caalmiga ah iyo dowladdaha reer Galbeedka.

Exit mobile version