Monday, September 15

Barlamanka 11-aad ee Soomaaliya wuxuu ku soo aaday xilli adag, waxaana horyaalla howlo culus, kuwaas oo u baahan inuu ka soo hoyo guulo la taaban karo, si diiwaanka loogu daro wax qabadkiisa.

Barlamankan oo ah mid cusub waa kuwo xubnihiisu ay u abaabulan yihiin qaab deegaamaysi iyo xulufeysi siyaasadeed, waxaana si wayn uga dhexmuuqda xildhibaano ka soo galay Hay’adaha Amniga, Wasiiro Heer Federaal, iyo kuwo Heer Dowlad Goboleed.

Hay’adaha amniga waxaa sanadkan Baarlamaanka ka mid noqday Taliyeyaal ciidan, Jananno, iyo Howladeenno kamid ah Hay’ada Nabadsugida, arrimahaasi waa kuwo qeyb ka ah cabsida laga muujinayo in Barlamanku uu ka soo dhalaalo howlaha hor tuban.

Marka laga soo tago sharuucda kala duwan ee hortaalla, waxaa laga sugayaa inuu kaalin ka qaato dhameystirka Dastuurka Soomaaliya, oo ay ku guul dareysteen barlamanadii ka horeeyey.

Dhawaan dhowr iyo labaatan casho ka hor markii uu furmay Kalfadhigii 4-aad ee barlamanka, wuxuu Madaxweynuhu ka dhawaajiyey ahmiyada iyo muhiimada uu ku fadhiyo dhameystirka Dastuurka qabyo qoraalka ah.

Wuxuu cadeeyey Madaxweyne Xasan Sheekh u in la joogo waqtigii uu qabyada ka bixi lahaa dastuurka Soomaaliya, waana arrin ku xiran sharafka dowladnimo ee Soomaaliya.

Haddaba Maraaxilo ceynkee ah ayuu soo maray dastuurka KMG ah ee Soomaaliya.

Dastuurkan qabyada ah ayaa ah kii ugu horreeyey ee fedral ah oo ay Soomaaliya yeelato, waxaana si KMG ah loo ansixiyey kowdii August ee sanadkii 2012-kii, iyadoo ansixintiisa ay saldhig u ahayd axdigii fedralka ee 2004-tii ay gareen siyaasiyiinta Soomaalida.

wixii intaasi ka danbeeyey Billowgii bishii Janaayo 2013 ayaa marki ugu horreysay la dhisay guddiga dib u eegista Dastuurka ee barlamnkii 9-aad, waxana bishii luuliyo ee isla sanadkaasi la soo saaray Sharci Lamb. 27 ee lagu dhisay Guddiga Madaxa Bannaan ee Dib-u-eegidda iyo Hirgelinta Dastuurka.

Bishii Juun 2014 waxaa la magacaabay xubnaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Dib-u-eegidda iyo Hirgelinta Dastuurka iyadoo Baarlamaankii 9-aad uu wax-ka-baddel ku sameeyey labo qodob oo kamid ah Dastuurka KMG, kuwaasoo kala ah Qobka 67-aad iyo Qodobka 138-aad

Barlamankii 9-aad ayaa ugu danbeyntii ansixiyey qaraar jiheynaya hannaanka dib u eegidda dastuurka.

Bishii April 2017-kii ayaa la doortay xubnaha Guddiga La-socodka Dib- u- eegidda iyo Hiregelinta Dastuurka ee Baarlamaanka 10-aad, kuwaasoo ka kooban labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka oo min hal ergo ay ka imaneyso.

Inkastoo dastuurka KMG ah marar badan dib u eegis lagu sameeyey, misana waxa ay howlaha dib eegista soo bilawdeen sanadkii 2018- hayeeshee, ilaa iyo iminka ma jiraan wax guulo ah oo laga gaaray dhameystirkiisa.

Su’aalaha Isweydiinta mudan ayaa noqonaya Barlamankani awood ma u leeyahay dhameystirka Dastuurka, xilli dad badani ay ka deyrinayaan tayadiisa.

Sida la is ku waafaqsan yahay Dhammaan awoodda wax ka badalka Dastuurku waa howl ay leeyihiin labada aqalka ee Barlamaanka, sida ay qeexayaan qoddobada 63aad, 71aad-ee dastuurka.

Hase ahaatee xubnaha Barlamanka, gaar ahaan kuwii dalka soo maray ayaa lagu eedeynayaa in ay si aad ah uga gaabiyeen doorkoodii ku aaddanaa qabyo tirka dastuurkan, waase xujo ama hal xiraalle hor taalla barlamanka 11-aad.

Sidoo kale waxaa jira caqbado badan oo ku hor gudban dhameystirka dastuurkan, kuwaas oo keenaya inuu noqdo mashruuc aanan dhamaanin.

cabaqadaha ugu waa weyn ee loo dhameystiri la’ yahay ayey qubaradu ku sheegeen, kala fikir duwanaansho ka dhaxeeya madaxda Soomaalida, gaar ahaan kuwa dowlada dhexe iyo maamul goboleedyada, tusaalle ahaan go’aanka ay iminka ku taagan tahay Puntland, oo aanan ka qeyb galin kulamadii ugu danbeeyey gollaha wadatashiga.

Qubarada ayaa ku taliyey in wada hadal laga yeesho dhamaan qoddobada ku jira dastuurka, maaddaama uu yahay heshiis bulsho, kaas oo baaqi noqon doona muddo aad u badan.

Exit mobile version