Friday, September 12

Soomaaliya 10-kii sano ee la soo dhaafay waxaa tiro beelay tacadiyada kala duwan ee loo gaysanayo hablaha, waxanna ugu weyn kufsiga oo iminka walaaca ugu badan ay ka muujinayaan dumarka.

Dhaqanka Soomaalida waa mid aad u ixtiraama haweenka, waana hido soo jireen ah oo jiilba jiilka ka danbeeya uu ka dhaxlayey, waxaase taasi uu dhalan rog ku yimid markii la waayey, sharci dowladdeed oo kala xadeeya muwaadiinta.

Inkastoo diiwaan galintu tacadiyada ka dhanka ah hablaha ay aad u hooseysay intii u dhaxeysay 1991 ilaa 2012 kii, maadaama nimaadka dowladinimo uu aad laciif u ahaa, waxaase ka bixitaanka hannaankii KMG-nimada iyo Dowladii dalka lagu doortay sanadkaasi, ay dad badan naawilayeen in Soomaaliya ay ka kaban doonto dhibaatooyinkii daashaday haweenka.

Rajadaasi ayaa noqotay mid lagu hugoobay, waxanna muddadaasi oo maanta laga joogo 10 sano, weli taagan caqabadihii ay dumarku la kulmayeen, iyadoo la diiwaan galiyey kiisas aad u fara badan, kuwaasoo 70%  saameyn ku yeeshay gabdho da’doodu ka yar tahay 18 sano.

Falalkan kufsiga qaarkood ayey la socdeen dil looga taqalusayo gabadha dhibanaha ee sida qasabka ah loo waxyeeleynayo, iyadoo meelaha u badan ee uu kufsigu ka dhacay lagu sheegay xeryaha barakacayaasha ah iyo goobaha miyiga ah.

Gabdhaha qaar ayaa ka dhaxlay tacdiyadaasi xanuun dhanka dhimirka ah, oo ay iminka la nool yihiin halka kuwa kalana uu saameyey mustaqbalkooda, isla markaana ay ku guur seegeen, maadaama dadku isku far muuqayaan, taasina ay hor istaagtay in la waayo lamaane nolosha la wadaaga.

Tacadiyadan badankooda waxaa gaystay rag hubeysan, kuwaasoo qaarkood ka tirsan ciidamadda dowladda, sababo la xiriira muqaadaraadka kala duwan ee ay isticmaalaan, waxanna dhowr jeer iyagoo ku eedeysan danbiyadaasi ay ka soo muuqdeen maxkamadaha ciidamada qalabka sida, inkastoo badi aan la ogayn halka uu xukunkoodii ku danbeeyey.

Wuxuu weli raadkiisu qoyan yahay, Kiiskii ugu danbeeyey ee la xiriira kufsi, kaasoo bilawgii todobaadkan ka dhacay xero barakac oo ku taala gudaha Muqdisho, ilaa iyo iminkana ma jirto cid wax ka qabatay.

Hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa dhowr mar ka digay tacadiyada loo gaysanayo haweenka Soomaaliyeed, waxaase jirin kaalin la taaban karto ama sharci sugan oo ay ka soo saareen dowladihii dalka soo maray, taasoo sii kordhineysa wal walka iyo baqdinta ay la nool yihiin dumarka.

Exit mobile version