Thursday, September 11

Dagaaladii ahliga ahaa ee ku habsaday dalka, saamaxayna inuu bur buro heykalkii dowladnimo, waxay horrseedeen dhibaatooyin kala duwan, kuwaas oo ay qeyb ku lahayd warbaahinta madaxa bannaan.

Waxaa 30-kii sano ee la soo dhaafay dalka ka jaan qaaday Warbaahin maxali ah, oo gaar loo lee yahay, isla markaana hal-ku dhiggoodu uu yahay dhex dhexaadnimo, balse u shaqeeya nidaam kaas lidi ku ah oo caqabad ku ah mustaqbalka dalka.

Warbaahintan ayaa soo if-baxday xilligii loogu baahida badnaa, markaasoo ay muhiim ahayd in la maqlo cod ka baxsan kan dowladdii kacaanka, iyo warbaahinadii hoos tagayey dhinacyada isku hayey siyaasadda dalka.

Waxaase laga rajo dhigay marka la arkay hannaanka ay u shaqeeyaan, kaasoo ka fog dhex dhexaadnimo, una adeega hadba ciddii afka u buuxisa, waxana dhuuniga ay raadinayaan uu diidayaa in ay cod u noqdaan kuwa u baahan in loo hadlo, maaddaama uu hankoodu dhaqaale un ku kooban yahay.

Warbaahinta maxaliga ah, ayaa ku bilawday qeybta maqalka ama raadiyaha, waxaase iminka ku soo kordhay muuqaal baahiyayaal (TV), iyadoo maalin walba ay soo kordheyso caddadooda, waxana iminka caasimadda dalka oo kaliya ka furan in ku dhaw 50 xarumo warbaahineed.

Xarrumahaas warbabaahineed ayaa laga baahiyaa inta badan, codadka ama muuqaalada, dadka la heshiiya Idaacada ama TV-ga ee bixiya dhaqaalaha warkaasi lagu sii deynayo, iyadoo ay taasina dheertahay in weriyaha qudhiisa uu rabo lacag loo yaqaano sharuur ama qabac, taasoo uu qaadanayo ka hor inta aanu warka tebin.

Waxana haddii aan dhaqaalahaasi la siin weriyaha ama xarrunta warbaahinta baaqanaya warkaas, waana mida hoos u dhigeysa in la maqlo wararka la xiriir nolosha dadka nugul, kuwaasoo aan awooddin qarashaadkii ay ku laaluushi lahaayeen Warbaahinta.

Warfidiyeenada oo iyaguna badankooda ka yar da’da 30 sano jirka,  ayey hareysay aqoon yarri guud iyo mid ka heysata mihnada ay ku shaqeeyaan, waxana yar dhaqaalaha ay ka helaan xarrumaha ay ka howl-galaan, waana tan qasbeysa in lacagta un ay ka eegaan warka ama xogtii ay helaan.

Arrimahaas iyo kuwa kale waa caqabado muuqda oo saameyn ku yeelanaya mustaqbalka Soomaaliya, isla markaana bidhaaminaya in laga samro warbaahin madax bannaan oo la isku haleyn karo.

Waxey sidoo kale sheekadaan waxyeelo amni ku tahay dhallinyarada xarrumahaasi Warbaahineed ka shaqeeya, kuwaasoo si joogta ah ula kulma handaad, xarig iyo mararka qaar dil noloshooda lagu dhaafiyo, maadaama aysan hab dhex dhexaad ah u tebin xaaladda siyaasada dalka.

Si kastaba dadka Saxaafada aqoonta u leh, ayaa ku talinaya in aan dhaqaale lagu xirin xogaha muhiimka ah, siiba kuwa dadka nugul, isla markaana madaxda  warbaahinadu ay la yimaadaan qorshe ay howshooda ku sii socon karto, iyagoo gunno fiican iyo tababaro siinaya warfidiyeenada xarumahooda ka shaqeeya

Exit mobile version