Waxaa mudooyinkii ugu danbeeyey kordhayey mehradaha ganacsi ee furanayaan dadka ajaanibta ah ee dalka soo maciisanday, halka dhallintii Soomaaliyeed ay shaqo la’aan u fadhiyaan gidaarada.
Qaxootiga Yamen iyo Suuriya ka yimid ayaa gudaha Muqdisho ka hir galiyey mehrado ganacsi oo u badan maqaayado, waana kuwa iminka ay xad dhaaf tahay lacagaha usoo xaroodo, iyadoo aysan jirin canshuur sugan oo laga qaado.
Dadkan qaxootiga oo rag iyo haween isugu jira ayaa qabta shaqooyinka ay dhalinyarada Soomaalida ka faanaan, sida nadaafada, waxana badanaya xilligan fursadaha ay ka helayaan Hotelada iyo Shirkadaha ku yaala gudaha caasimada.
Arintaasi waxaa bar bar socda shaqo la’aan xooggan oo heysata dhalinyarada Soomaaliyeed, iyadoo wadooyinka iyo jardiinooyinka xaafadaha aad ku arkeyso dhalin fadhisa, si ay waqtiga isku dhaafisa.
Qaarkood ayaa ka sheekeynaya xaaladda siyaasadeed ee dalka halka kuwa kalana ay doodoodu ku qotonto ciyaaraha horyaalada reer yurub, iyadoo mid walba uu difaacayo kooxda uu taageerada u yahay.
Dhalinyaradan ayaa isugu jira kuwa ka qalin jabiyey heerarka kala duwan ee waxbarashada, waana kuwa badankoofa aan diyaar u ahayn fursadaha shaqo ee banaan, iyagoo ku andacoonaya in aanay u qalmin shaqadaasi, waana tan keentay in ajaanibtu ay ka faa’iidaan.
Dowladda Soomaaliya ayaanan wax shaqaalo ah qaadanin 5-tii sano ee ugu danbeysay, taasoo sii adkeysay daruufta shaqo la’aan ee ay wajahayaan dhalinyarada gudaha dalka wax ku baratay.
WQ: Ayaanle Qoyste