Thursday, September 11

Howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya ka hana-qaaday Billawgii Sanadkan, ayaa waqtigan la kulmaya dib u dhac ballaaran, taas oo sababtay in wax badan laga baddelo qorshihii hore, isla markaana la dejiyo mid cusub.

Hawlgalka Taageerada Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ayaa December sanadkii tagay la qorsheeyey inuu ka koobanaado 11,900 oo shaqaale ah, oo isagu jiro militari, booliis, iyo shaqaalle kale oo rayid ah. oo ka socda midawga afrika.

Walaaca iminka soo yeeraya ayaa iftiiminaya dib u dhac ku qotoma ciidamadii Masar ee la filayay in la keeno Soomaaliya, kuwaasi oo kaalin weyn uga jiray howlgalkan, waxaana arrintan loo sababeynayaa dhowr qodob oo laga xusi karo,, caqabado dhaqaalle iyo mid la xiriirta diidmo ay Itoobiya ka muujineso in Soomaaliya la geeyo ciidamo Masaari ah, kuwaas oo ay ka cabsi qabto in ay baacsadaan kuwo Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalkan.

Sida ay sheegayaan Midawga Afrika Arrintan ayaa ka dhalatay caqabado dhaqaale iyo farsamo oo soo wajahay howlgalka AUSSOM Soomaaliya, balse falanqeeyayaasha ayaa arrintan diidan.

Ciidamada Masar ee lagu ballaamay in ay howlgalkan qeyb ka noqdaan ayaa gaarayey ilaa 1,091 askari, waxaase jirtay tiro intaasi ku laba jibaaran oo ay soomaaliya iyo Masar ku heshiiyeen in ay Soomaaliya soo gaaraan, kadib marka ay yimaadaan kuwo AUSSOM qeybta ka ah.

Walaaca iyo cabashada ay Itoobiya Marar kala duwan ka muujisay imaanshaha ciidamada ayaa loo sababeynayaa dib u dhacan, waxaana arrintan ay noqotay mid ay si weyn uga caroodeen Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Masar, oo heshiisyo kala duwan ku kala saxiixday Qaahira, kadib booqashadii kale hore ee Madaxweyne Xasan Sheekh.

Masar oo aad u daneyneysa in ay kaalin ballaaran ka ciyaarto howlgalkan, ayaa caga jiid ku eedeyneysa Midawga Afrika, waxeyna tilmaantay in laga gaabinayo qorshihii ciidamadeeda lagu daad gureyn lahaa si loo geeyo Soomaaliya, taas oo xagal daac ku noqoneysa heshiisyadii hore.

Ciidamada Masar ee howlgalkan qeybta ka ah, iyo tirada kale ee ay ku heshiiyeen labada dal oo gaareysa wax ka badan 3 kun oo ciidan ayaa wal wal ku abuurtay Abiy Axmed iyo Xukuumadiisa.

Ciidamada Masaarida ee lagu wado in ay soomaaliya yimaadaan ayaa kal hore muujiyey cududooda milatari agabkooda difaaca iyagoo ballan qaaday in ay taageero nooc walbaba siin doonaan kuwo Soomaaliya.

Waxaa wal wal kale abuureysa meelaha ciidamada masar la geynayo sida maamulllada Koonfur galbeed Jubaland iyo galmudug, oo dhamaantood xuduud la leh Itoobiya.

Arintan ayey qubaradu ku sifeynayaan sababta ay Itoobiya ugu qanci la’adahay imaanshaha ciidamada Masaarida, iyadoo dhowr jeer oo hore ka digtay kuna tilmaantay arrin khatar u horseedi karta amaanka geeska afrika, xilli la ogsoonyahay in labada dal ay u dhaxeyso xurguf la xiriirta webiga Nile oo uu murankiisu sanabado badan soo jiitamayey.

Iminka howgalka ayaa ugu danbeyn goi’aamiyay inay ciidamada Burundi aysii joogaan Soomaaliya, waana tallaabo ka hor imaaneysa sida heshiisku ahaa maddamaa hore loo qorsheeyey in ciidamada Brundi ay Soomaaliya ka baxaan ugu danbeyn 30-ka June ee sanadkan 2025, waxaase xilligan loogu daray lix bilod oo dheeraad ah.

Go’aanka sii joogitaanka lixda bilood ee ciidamada Burundi ee Soomaaliya ayaa lagu gaaray fadhigii 1287-aad ee Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrika (AUPSC). waxana kulankan guddoomiyay wasiirka arrimaha dibadda Uganda Jeje Odongo oo sheegay in sii joogitaanka ciidamada Burundi ay muhiim u yihiin howlgalkan iyo xasilloonida mustaqbalka fog ee Soomaaliya.

Caga jiidka sababay Dib u dhaca ku yimid keenista ciidamadii Masaarida ee bedeli lahaa kuwa Burundi ayaa hubanti la’aan hor leh ku keenaya howlgalkan,, waxana Masar hada ay shaki weyn ka muujineysaa suuragalnimada ka qeyb noqoshada howlgalkan.

Walaaca Masar kadib Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa cod dheer ku sheegay inuu xilligan wajahayo xaalado ka dhashay dhaqaale darro iyo gaabis ku yimid hanaanka daad gureynta Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay, taas oo sida ay xuseen fursad siisay in Soomaaliya lagu sii hayo ciidamadii bixi lahaa ee Burundi iyo booliska dalalka Ghana iyo Sierra Leone oo iyagana la bedeli lahaa.

Sida uu howgalku sheegay Marka la eego qorshaha ciidan ee Midowga Afrika, waxaa Ciidamada Masar la keeni karaa Soomaaliya oo kaliya marka ay dalka ka baxaan tiro u dhiganta ciidamadaas oo Burundi ah, kuwaasoo intooda badan ka howlgala Hirshabeelle.

Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrika wuxuu ka dalbaday Madaxda Midowga Afrika inay la xiriiraan Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, Ingiriiska iyo saaxiibada kale si loo qabto shir dhaqaale loogu uruurinayo howlgalku AUSSOM oo hadda u baahan dhaqaale gaaraya $166.5 milyan sannadkii.

Qorshaha loo dejiyay Ciidamada ka mid noqonaya AUSSOM ee rasmiga ah waxay ka kooban yihiin: 4,500 askari oo ka socda Uganda, 2,500 oo Itoobiyaan ah, 1,520 askari oo Jabuuti ka socda, 1,410 Kenyaan ah, iyo 1,091 ciidan gaaraya oo ka imaan lahaa dalka Masar.

Si kastaba Midowga Afrika ayaa walaac xoog leh ka muujiyey sida ay Dowladda Soomaaliya ciidankeedu ugu diyaarsan yihiin inay si buuxda ula wareegaan amniga dalkooda, Wallow ay sheegeen in la tababaray ciidamo ku dhaw 20 kun oo Soomaaliya, haddana midawga Afirka ayaa shaki ballaaran galiyey in ciidankaasi ay hanan karaan amniga dalkooda, isla markaana ay ka adkaan karaan Ururada Argagixisada, taas oo sida ay tibaaxeen lagama maarmaan ka dhigeysa in howlgalkan uu dhaqaalle helo si uu usii socdo.

Exit mobile version