Sunday, September 14

Gollaha amaanka ayaa 2012-kii mamnuucay ka ganacsiga Dhuxusha Soomaaliya, wax yar kadib markii Al-Shabaab laga saarey Kismaayo, oo ahayd meesha ugu badan ee laga dhoofiyo.

hase ahaatee Waxaa weli sii kordhaya dhoofinta dhuxusha Soomaaliya, oo 2012 Gollaha Amniga ee QM uu mamnuucay, si looga hortago dhibaatada degaanka iyo inay Al-Shabaab ka hesho dhaqaale ay dagaalka kusii wado.

Jarrida iyo gubidda geedaha dhuxusha laga sameynayo ayaa aad ugu sii badanaya gobollada Koonfurta, gaar ahaan kuwa Al-Shabaab maamusho, iyadoo Dekado dhowr ah oo Kismaayo kamid tahay laga dhoofiyo Dhuxusha, taasoo la geeyo dalalka Khaliijka Carabta.

Waxaa jira dhinacyo badan oo dhaqaale ka sameeya dhoofinta dhuxusha, kuwaasoo ay ka mid yihiin Al-Shabaab, iyo hoggaanka maamulka Jubaland Axmed Madoobe.

Dowladda uu Madaxweynaha ka ahaa Farmaajo ayaa dabayaaqadii sanadkii 2021, amrtay in la soo qabto seddex nin oo si weyn uga ganacsada dhoofinta dhuxusha, sida lagu sheegay war ka soo baxay xafiiska xeer ilaalinta qaranka. Raggan ayaa dhoofiyey dhuxul aad u fara badan.

Magacyada seddexda nin ee la amray in la soo xirro waqtigaasi ayaa lagu kala sheegay; Yuusuf Jaamac, deggan Mugdisho oo loo heysto dhoofinta 100,000 loor oo Dhuxul ah, Axmed Xaaji Cali, deggan Mugdisho lagu eeddeeyay dhoofinta 20,000 loor oo dhuxul ah, iyo Liibaan Xuseen Kaarshe oo lagu tuhmayo dhoofinta dhuxul dhan, 20,000 loor.

Raggan ku eeddeysan dhoofinta dhuxusha ayaa la sheegay, in ay ku xad gudbeen xeerka ilaalinta deggaanka, iyadoo lagu qaadayo qoddobada ay baalmareen ee kala ah; 51, 56, iyo midka 57-aad, kuwaas oo xeerka ciqaabta Soomaaliyeed uga yimid.

In ka badan 9.2 million oo geed ayaa 10 kii sano ee ugu danbeeyey, laga jaray gudaha Soomaaliya, sanadkii 2012-kii golaha Amaanka ee qaramada midoobay ayaa mamnuucay jarrida dhirta Soomaaliya, waana go’aan u muuqda mid aan weli dhaqan gallin.

Dowladda Soomaaliya oo aan awood badneyn, ayaa dhowr jeer ka hadashay walaaca ka taagan arrimaha deggaanka oo ay ugu horreyso dhoofinta dhuxusha, waxana booliska caalamiga ee Interpol ay ka dalbatay inuu ku gacan siiyo joojinta arrintaasi.

Meelaha ugu badan ee dhirta laga jarro, sida aadka ahna looga dhoofiyo ayaa lagu sheegay Jubada Hoose, waana mid uu ka macaasho hoggaanka maamulkaasi.

Dhuxusha laga dhoofiyo dekadda Kismaayo oo inta badan gaarta dalalka Iran iyo Ciraaq, ayaa waxaa faa’iido u dhiganta tan Jubaland ka hesho, iyana qaata Dowladda Kenya, sida lagu xusay warbixin ay Qaramada Midoobay soo saartay dhamaadkii sanadkii 2017-ka.

Inkasta, oo la rumeysan yahay in Kenya ay tahay kuwa maalgalinaya dhoofinta dhuxusha Soomaaliya, haddana booliska dalkaas wey beeniyeen eedda ka soo gaartay warbixinta Qaramada Midoobay ka soo baxday.

Sida lagu tilmaamay warbixino kala duwan oo ay QM soo saartay sanadihii ugu danbeeyey, Al Shabaab ayaa iyaguna ka mid ah kooxaha sida weyn uga faa’iida dhoofinta dhuxusha, waana kuwa leh shaqaale u qaabilsan howshaas sharci darrada ah.

Lama ogga ilaa waqtiga ay sii soconeyso jarrida dhirta iyo dhoofinta dhuxusha, oo ah arrin dhibaato ku ah nolosha deggaanka, waana mida ugu xooggan ee loo sababeeyo abaaraha dalka ku dhuftay.

Exit mobile version