Thursday, September 11

Mukhtaar Roobow Cali ‘Abuu Mansuur’, waxa loo badiyaa inuu October 10, 1969 ku dhashay magaalada Xudur, Bakool. 1990-ki waxaa uu Kulliyada Shareecada Islaamka kaga baxay Jaamacada Khartuum ee Sudan. Kadib marki uu dalka ku soo laabtay waxuu shaqo ka bilaabay “Al Harmain Foundation” oo ahayd hay’ad samafal oo maamulaysay xarun lagu xanaaneeyo agoomaha balse markii dambe Mareykanka uu kusoo eedeeyay inay tahay hay’ad dhiira-galiso fakerka argagixisada irdihana loo laabay.

Mukhtaar Rooboow waxuu si qarsoodi ah ku tagay dalka Afghanistan sanadkii 2000 dabayaaqadiisa, waxa uuna toos u abaaray buuraleyda Tora Bora ee ay ku jireen Taliban. Mukhtaar waxaa la aaminsan yahay inuu ku biiray ururka Taliban, ka dib markii uu tababaro kala duwan oo dhanka xirfadaha dagaalada ah ku soo qaatay dalka Afghanistan. Mukhtaar mar uu ka hadlaayey isu soo bax ururka Al-Shabaab ay ugu baroor diiqayeen dilistii ay ciidamada Mareykanka ay hawlgal gaar ah ku dileen wadaadkii aasaasaha iyo madaxa ka ahaa ururka Al-Qaida Osama Bin Ladin, wuxuu sheegay inuu kula kulmay Afghanistan.

Mukhtaar dib wuxuu ugu soo laabtay waddanka asagoo xambaarsan fikirka xagjirnimada. Wixii ka dambeeyay 2006-dii, Soomaaliya waxa ay cagta saartay wadada dagaal diimeed oo uu isaga kamid ahaa ragii hormuudka ka ahaa.

Soomaaliya waxaa ka dhismay maxaakiim ku dhismay qaab qabiil, markii ay shacabkii ay la kulmeen xad-gudubyo iyo gabbood-falo ay gaysanaayeen burcad abaabulan. Dadkii ayaa aad u soo dhaweeyey, markii dambana maxaakiimtii wey midoobeen waxayna la magac baxeen “Midowga Maxaakiimta” ayagoo taageero ka helaayey shacabkii dulmanaa ee Muqdisho.

Maxaakiimta waxaa ku soo milmay koox xagjir ah oo aminsanaa fikirka iyo mabaadi’da Al-Qaida. Kooxdaas waxaa hogaaminaayey Adan Ceyrow, Mukhtaarna waxuu ka mid ahaa kooxdaas.

Maxaakiimtii waxaa lagu jabiyey dagaal ay la galeen dawladdii ku meel gaarka aheyd ee lagu soo dhisay dalka Kenya madaxweynana uu ka ahaa AUN Cadullaahi Yusuf asagoo garab ka helay ciidamo Ethiopian ah oo taageero ka haystay dalka Mareykanka.

Mukhtaar Roobow iyo kooxdii ku milneed maxaakiimta waxay galeen hawdka waxayna la baxeen ururka hadda ka dagaalama Soomaaliya iyo waddamada deriska la ah, waxayna la magac baxeen ururka “Al-Shabaab” oo gumaaday shacab tira badan oo aan waxba galabsan. Rooboow ururka waxuu ka noqday ku xigeenka madaxa ururka isla markaana ah afhayeenka ururka.

December 3, 2009, Hotel Shamow, waxaa ka dhacay qaraxii ugu horeeyay ee noociisa, waxaa Hotelka ka dhacaayey xafladda qalijabinta ee ardayda Jaamacada Banaadir ee Kuliyadaha Sayniska, Waxbarashada & Caafimaadka, waxaana halkaas ku le’day boqolaal arday, masuuliyiin & maqaawiir, waxa aynna ahayd maalin madow, dadki ku geeriyooday waxaa ka mid ahaa:-

  1. Qamar Aadam Cali- Wasiirkii Caafimaadka
  2. Prof. Ibraahim Xassan Cadow – Wasiirki Tacliinta Sarre
  3. Axmed Cabdullahi Waayeel – Wasiirki Waxbarashada

Waxaa idaacadaha laga sii daayay codka Mukhtaar Roobow Cali “Abu Mansur” oo xilligaas u riyaaqsan musiibadii halkaas ka dhacday. Sheegashada daadinta dhiiga shacabka markaa wixii ka dambeeyay waxa ay u ahayd mid isdaba joog ah, waxaa kaloo utin lama ilaawaan ah ardaydii dugsiga sare u socotay ee October 10, 2011 lagu xasuuqay wakaaladii Hargaha & Saamaha iyo sida uu uga fal celiyay asagoo ku sheegay ardaydaas in la doonaayey in loo soo tababaro basaasiin inay noqdaan iyo kuwa u adeegaya gaalada.

Iska horimaadkii Rooboow iyo Godone (hogaamiyahii Al-Shabaab)

Markii uu madaxweyne Cabdullaahi Yusuf iyo dawladdiisa ay ka guureen Baydhabo oo si ku meel gaar ah u daganaayeen, ayaa ururka Al-Shabaab weerar ku soo qaaday magaalada Baydhabo, weerarkaas waxaa hogaaminaayey Mukhtaar Roobow. Hase yeeshee, inta aysan soo galin magaalada waxaa magaalada banaankeeda ku qaabilay odayaasha dhaqanka iyo indheer-garadka magaalada, waxayna ka codsadeen inuu magaalada dagaal ku qaadin.

Odayaasha waxay u ballan qaadeen in ay si nabad ah ugu wareejin doonaan magaalada, hubkana ay ugu wareejin doonaan, arintaas Mukhtaar aad buu ugu riyaaqay, wuxuuna balan qaaday inuu badbaadin doono xildhibaanadii magaalada ku sugnaa oo markaas diyaar u ahaa inay magaalada ka difaacaan, hase yeeshee ay odayaasha ku qanciyeen inay dagaalamin balse ay isku dhiibaan Mukhtaar Roobow si asagana uu u badbaadiyo.

Qorshaha wuxuu u dhacay sida ay odayaasha u dajiyeen oo lagu balamay. Arintaas waxay ka caraysiisay Godane oo doonaayey in la laayo xildhibaanadii ku sugnaa magaalada oo Mukhtaar si nabadgelyo ah u sagootiyey ayagoo markaas u socday shir ka dhacaayey Jabuuti oo Sheekh Shariif iyo dawladda lagu dhex dhexaadinayay aakhirkiina lagu soo dhisay dawlad uu Sheekh Shariif madaxweyne ka yahay.

Khilaafka halkaas ayuu ka bilawday, Mukhtaar doodiisa waxay eheyd “anaga waxaan u socday in aan magaalada la wareegno, mar haddii aan si nabad ah aan kula wareegnay magaalada iyadoo aan qofna naga dhiman soo wanaag ma aha”, hase yeeshee hogaanka Al-Shabaab arintaas kuma qanacsaneen gaar ahaan sida uu u maareeyey oo wuxuu diidanaayeen in la fasaxo niman uu u aqoonsanaa inay murtidiin yihiin.

Maalintaas waxii ka dambeeyey xiriirka Mukhtaar iyo Godane ma wanaagsaneen, Godane wuxuu ka xayuubiyey Mukhtaar Rooboow jagadii uu hayey wuxuuna ku baddalay Cali Dheere. Mukhtaar wuxuu ka badbaaday dhawr isku day oo lagu khaarijin rabay. Kama dambeystii Mukhtaar wuxuu la go’ay koox ka mid ahaa dagaalyahanada Al-Shabaab oo jufadiisa u badan wuxuuna 2 sano dagaal isdifaacid ah kula jiray kooxda.

August 13, 2017, ayuu dowlada Somalia isu soo dhiibay asagoo ka faa’idaysanaayo cafis guud oo dawladahii isaga dambeeyey talada dalka ay u fidiyeen dagaal yahanada Al-Shabaab iyo madaxdooda haddii ay fikirka xagjirnimada ah ay ka tanaasulaan si nabad ahna ay isugu soo dhiibaan dowladda. Dawladdii uu madaxweynaha ka ahaa Farmaajo si wanaagsan ayey u soo dhaweeyeen isagana si fagaare ah ayuu u iclaamiyey inuu ka tanaasulay fikirkii xagjirnimada wuxuuna weydiistay shacabkii uu dhibaateeyey kuwa nool inay cafiyaan kuwii dhintayna ehelkooda ayuu cafis ka dalbaday laakin lama haayo ilaa iyo hadda dhibane cafiyay ama kuwa dacwad ku soo oogay midna.

Mukhtaar wuxuu magaalada Baydhabo ka bilaabay dhaq-dhaqaaq siyaasadeed wuxuuna iclaamiyey inuu isu sharaxayo madaxtinimada dawlad goboleedka Koofur Galbeed, taas oo ay ka carootay dawladda kuna qasabtay inay soo qabtaan ayagoo adeegsanaayo ciidamo Ethiopian ah. Mukhtaar oo aan maxkamad la hor keenin lana sheegin sababta loo xiray, muddo ku dhaw afar sano ayuu u xirnaa dawladda. Dadka ku dhaqan magaalada Baydhabo xeritaankiisa aad bay uga caroodeen waxayna dhigeen banaanbax dhiig ku daatay. Mukhtaar xiritaankiisa waxay ku macneeyeen dadka siyaasadda u dhuun daloola inuu ahaa mid siyaasadeysan oo loo diidanaa inuu madaxweyne ka noqdo Koofur Galbeed asagoo shacabka taageero fiican ka haystay, balse dawladda waxay doonaysay Laftagareen inuu madaxweyne ka noqdo dawlad goboleedkaas taas oo markii dambe ay sameeyeen.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’isul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa taariikhdu markay eheyd 2-da August 2022 u magacaabay Mukhtaar Roobow wasiirka arimaha diinta, awqaafta iyo la dagaalanka argagixisada asagoo xabsiga ku jiro oo aan wax maxkamad ah la soo taagin. Magacaabista Muqtaar Roobow waxay dadka Soomaaliyeed ka bixiyeen faalo kala duwan (qaar dhaliilay iyo qaar bogaadiyey intaba).

Haddaba waxaa laga war sugayaa Mukhtaar hadba sida uu u maamulo wasaarada loo magacaabay iyo sida uu ula dagaalamo ururkii uu mar ka mid ahaa hogaamiyayaashiisa.

Haddaba, aqristow adiga siday kula tahay magacaabista Mukhtaar Roobow Abu Mansuur?  

Su’aalaha is weydiinta mudan ayaa kala ah; Mukhtaar Rooboow Abu Mansur & Al-Shabaab ma faker ayay isku qabteen mise xil? Maxaase laga filan karaa ummadi uu dhiigooda baneysatay hadii uu xil u qabto?

W/Q: Cabdicasiis M.


AFEEF: Aragtida ay qorayaashu ka dhiibteen qaybta fekradaha, waa kuwo iyaga u gaar ah oo aan ka turjumaynin aragtida warbaahinta Hortabin Media.

Exit mobile version