Thursday, September 11

Wixii ka danbeeyey bartahimii bishii May ee sanadkan heshiiskii ay ku bahoobeen Madaxtooyada iyo madaxda Maamullada Koonfur Galbeed Hirshabelle iyo Galmudug, waxaa soo if baxayey dhaliilo culus oo ka soo yeerayey qaar ka mid ah aqoonyanada iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed.

Madaxda seddexdan Maamul Goboleed oo si lama filaan ah u qaatay aragtidii Xasan Sheekh taladii iyo masuuliyadii deegaanadoodana ku wareejiyey Villa Soomaaliya waxey soo de dejiyey in dadka siyaasadda Falanqeeya ay ugu yeeraan kuwa ah Malxiisiin siyaasadeed, oo ku tunta sharuucda Fedralasimka.

Qoor, Lafta gareen iyo Guudlaawe, waxa ay ahaayeen rag dusha laga saaray masuuliyad dastuuri ah oo ay ku matalayeen shacabkooda, waxeyse si fudud ugu wareejiyeen masuuliyadii iyo awoodii deegaanadooda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, taas oo sharci yaqaanada qaar ay ku tilmaamaayaan tallaabo si toos ah xadgudub ugu ah dastuurka Fedraalka iyo kan dowlad goboleedyadooda.

Waxaa kale oo nasiib darro ay ku micneynayaan qubarada in madaxda maamullada ay bur buriyaan golihii wadatashiga qaranka, kaas oo ay ka doorteen muuneynta, Madal taageerta xisbiga Villa Soomaaliya, oo qudhooda ay ku biireen lagana siiyey masuuliyado iyagoo aan dib u eegin dhaawaca ay arintaasi hannaanka fedraalka iyo wadajirka dalka ku keeni karto.

Ragan seddexda ah ayaa barqa cad ka taqalusay milgihii Golihii Wadatashiga Qaranka oo ahaa madal sare oo masiir ummadeed lagu go’aamiyo looguna tala galay in ay noqoto madasha lagu muujiyo midnimada wadatashiga iyo ilaalinta xuduudaha kala sarreynta awoodaha dowladda, balse maanta golluhu waa mid saameyntaasi aan lahayd.

Bur burinta ahmiyada iyo nurkii golaha wadatashiga, ayaa qasbeysa in bog mugdi ah loo nisbeeyo dad xil ummadeed hayey balse ka leexda dariiqii ay ku dhaarteen, waxaana hubaal ah in seddexda madaxweyne ee ka arrimiya koonfur galbeed Hirshabeelle iyo Galmudug ay ka mid noqon doonaan boggaasi madow.

Inta la ogyahay ma jiraan wax wadatashi ah oo ay la yeesheen golayaashooda deegaannada, mana jirto sidoo kale wax la tashi shacab ah oo laga sameeyey go’aanka ay ku taageereen qeybtana uga noqdeen xibiga Villa Soomaaliya, taas oo ay qubaradu ku sifeeyeen arrinta abuureysa niyad jabka ugu ballaaran.

Aqoonyahanada ka soo horjeeda go’aankii ay qaateen ayaa sheegaya in tallaabadaasi ay ahayd mid khiyaano qaran ah, waxeyna tilmaamayaan in madaxda seddexdaas maamul ay dayaceen kalsoonidii Shacabka deegaanadooda.

Raggan oo la filayey in ay qaataan door masuuliyadeed, iskuna soo dhaweeyaan dowladda iyo madaxda maamullada maqan, si gollaha wadatashigu u ballaarto, ayaa maray dhabe kale, iyagoo ayiday aragtidii Villa Soomaaliya, waxeyna kaalin ku yeesheen in la sii kala fogaado cirkana uu isku shareero khilaafka siyaasadeed ee jira kaas oo khatar ku ah midminada, sidoo kalana sii durjinaya rajadii ku aadaneyd qabsoomida doorasho xor ah, oo loo dhan yahay

Seddexan Hoggaamiye ayaa lumiyey fursad taariikhi ah oo ay ku sixi kareen jihada qaldan ee ay dowladdu qaaday, waxeyna iska diideen in dhowraan meeqaamkii gollihii wadashatiga, iyo in ay dhanka kale difaac u nodaan hannaanka Fedraalisika.

Waxey sidoo kale iska indha tireen in ay cudud u noqdaan xasilooni siyaasadeed, oo dalka ka hana qaada, Waxeyse doorteen in ay noqdaan magac u yaal asal madoorshe ah, iyagoo mataaladii dhabta ahaydna farqadaha ugu shubay Villa Soomaaliya.

Sida sharci yaqaanaddu sheegayaan arrintan ayaa lidi ku ah dastuurka iyo hannaaka fedraalka waxeyna Qoor qoor lafta gareen iyo guudlaawe ku qeexeen rag bur buriyey Masiirkoodii siyaasadeed ee Mustaqbalka, Ogolaadana in Xasan Sheekh uu mar kale ku kor salaanka si uu hirgaliyo qorshihiisa ah baaqi ku ahaanshaha Villa Soomaaliya ee 5-sano oo hor leh,, waxana qubaradu ay tilmaamayaan in daaqada laga tuuri doono dhamidood marka uu Xasan Sheekh Hadafkiisa gaaro,, taas oo wajiga qarsoon ee siyaasadda.

Exit mobile version