Sida ay tilmaamayso warbixin ay baahisay Middle East Monitoring, dhaqdhaqaaqyada Masar iyo Israa’iil ee Geeska Afrika ayaa u muuqda kuwo toos u loollamaya oo laga yaabo in uu iska horimaad toos ah ama dadbani ku dhex maro labadan dal oo heshiis nabadeed ka dhexeeyay.
Masar waxa ay ka mid tahay saddex dal oo, marka Soomaaliya laga tago, si degdeg ah uga hor yimid aqoonsigii dhex maray Soomaalilaan iyo Israa’iil, 26-kii Jeenaweri, 2026, kuwaas oo kala ahaa Masar, Jabuuti iyo Turki. Intaas waxii ka dambeeyay, waxa ay Masar bilowday in ay dardargaliso galaangalkeeda Soomaaliya waxana ay degdeg u hawlgalisay qorshe ah in ay ku daabusho Soomaaliya ciidan isugu jira kuwo qayb ka noqonaya hawlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM iyo kuwo ku imanaya xidhiidhka labo-geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Masar. Horraantii bishan oo uu Madaxweyneha Soomaaliya booqday Qaahira, waxa ay Masar soo bandhigtay cutubyo ka tirsan ciidamada ay u diyaarisay Soomaaliya oo gaadiidkooda lagu buufiyay astaanka Midowga Afrika, taas oo muujinaysa sida ay Masar ugu diyaarsan tahay in ay faragalin xooggan ku yeelato Soomaaliya oo u muuqata in ay sii noqonayso masrax u furan loollanno aan waxba la isula hadhayn.
Dhanka kale, iskaashiga amni ee Soomaalilaan iyo Israa’iil ayaa udub-dhexaad u ah xidhiidhka cusub ee Hargeysa iyo Talabiib, kaas oo wada-hadalkiisu ka horreeyayba ku dhawaaqidda go’aanka siyaasadeed ee aqoosniga ay is dhaafsadeen labada dhinac, sida ay dhawaan baahisay Africa Intelligence. Loollanka Masar iyo Israa’iil waxa uu daaran yahay irridda laga galo Badda Cas iyo Kanaalka Suweyn oo ah Gacanka Cadmeed oo ay saaran tahay Berbera oo ah halka ay labada dhinacba isha ku hayaan.
Xidhiidhka Masar iyo Israa’iil waxa uu leeyahay sooyaal dheer oo iskaashi iyo nabad ah, tan iyo heshiiskii Camp David ee ay labada dal galeen, sannadkii 1978-kii waxana ay Masar noqotay dalkii Carbeed ee u horreeyay ee aqoonsada Israa’iil lana yeesha iskaaashi amni iyo dhaqaale oo weli socda. Ha se ahaato e, Masar waxa ay in badan ka werwersanayd xidhiidhka Israa’iil iyo dalalka dhaca xayndaabkeeda dambe ee saameeya webiga Niilka, sida Itoobiya iyo Koonfurta Suudaan, saddexdii sannadood ee u dambeeyayna waxa si weyn isu soo beddeshay aragtida Israa’iil ee ku aaddan Masar. Dad badan oo ka mid ah siyaasiyiinta iyo kuwa aragtida sameeya ee Israa’iil ayaa in muddo ah faafinayay in awoodda ciidanka Masar ay u kordhayso heer halis ku ah amniga Israa’iil.
Masar waxa ay isha ku haysaa labadaas danood ee ay ka leedahay Geeska Afrika; waa albaabka Kanaalka Suweys oo ah Gacanka Cadmeed iyo isha uu ka soo burqado Niilku oo ay u aragto in Israa’iil iyo Itoobiya ay si wadajir ah uga shaqeynayaan istiraatiijiyad cidhiidhi lagu galinayo Masar. Iyada oo arrintaa ka werwersan, waxa ay Masar doonaysaa in ay si weyn gobolka uga soo gasho dhanka Muqdisho oo ay ciidan ahaan iyo siyaasad ahaanba ugu xidideysato, iyada oo isha ku haysa Gacanka Cadmeed iyo Harada Taana oo ah labada ilood ee uu ku tiirsan yahay jiritaanka Masar.
Ha se ahaato e, Masar ma haysato fursado badan oo ay ku saameyso gobolka. Waxa ay si toos ah u wajahaysaa Itoobiya iyo Israa’iil oo isku dan ka ah xakameynta kaalina Masar, dhanka kalena waxa ay Soomaaliya kala kulmaysaa xulafo marxaladeed oo aanay ujeeddo dheer wada lahayn. Turkiga, oo muddo dheer saldhiganayay Soomaaliya, waxa uu u muuqdaa in uu hadda la dan yahay Masar, waxana uu sii xoojinayaa joogitaankiisa ciidan ee Soomaaliya si uu u waajaho Israa’iil.
Sidaas oo ay tahay, Turkigu ma rabo in waqtiga dheer ay Masar saameyn ku lahaato gobolka waxana uu hadda sii adkeynayaa xarumihiisa ciidan ee Soomaaliya si uu u dheellitiro ciidamada Masar ee imanaya Soomaaliya. Masar iyo Turkigu waxa ay ka mideysan yihiin oo keliya in Israa’iil laga horjoogsado Berbera waana sababta ay ugu soo qulqulayaan Muqdisho, laakiin wax kaste oo kale oo ay ka mid tahay arrinta Niilka iyo Gacanka Cadmeed kama aha isku ujeeddo.

