Thursday, September 11

Hordhac

Shacabka Somaaliyeed waxay soo mareen marxalado badan oo cadaadis iyo kalitalisnimo ku dhisan kadib markii gumeystayaasha laga qaatay xurnimada taasoo ku timid halgan iyo nafhurnimo – laga soo bilaabo taliskii militariga ilaa laga soo gaaro burburka dawladnimada Soomaaliyeed.

Taliskii militariga markii uu inqilaabay dawladdii sida diimuqraadiga loo doortay, dadka Soomaaliyeed waxay ku soo dhaweeyeen caleemo qoyan, waxayna filanayeen in uu ku hagi doono waddo toosan oo dadka ay ku gaari doonaan himilooyinkooda taasoo ay ka waayeen xukuumaddii rayidka aheyd.

Nasiibdaro, taliskii ay soo dhaweeyeen wuxuu isku baddaly mid kaligii talis ah oo saldhigiisu  ahaa in laga dambeeyo hal shaqsi oo aan laga hor imaan karin rabitaankiisa khalad iyo sax. Taliska wuxuu u xuubsiibtay inuu cadaadiyo dadka, gaar ahaan kuwa ka dhiidhiya facilada taliska iyadoo xabsiga la dhigi jiray ama mararka qaar la qaarijin jiray. 21 sano ayey u dulqaateen, markii dambana waxay qaateen qoriga oo ahaa markaas waxa kaliya uu fahmi karay taliska. Miyi iyo magaalo dadkii ku dhaqnaa waxay qaateen qoriga ilaa laga rido taliskii militariga, madaxweynahiina uu ka baxsado waddanka.

Qab-qablayaal dagaal

Waxaa Koonfurta Soomaaliya ka soo baxay qab-qablayaal dagaal oo aad u hubeysan oo ummaddii silciyey. Qab-qablayaashaas waxay ka macaasheen burburka, waxayna hor istaageen dawlad kasta oo leysku dayo in la sameeyo iyadoo la kaashanaayo caalamka (inkastoo dawlad walba oo shisheeye ah dano gaar ah ay ka laheed Soomaaliya).

Shacabkii ku noolaa koonfurta Soomaaliya, markay u dulqaadan waayeen gabood falada ay ku kacaan qab-qablayaasha dagaal ayaa Xamar waxaa ka sameesmay maxaakiim ku bilaabmay qaab qabiil laakin markii dambe isku baddalay Isutagga Maxaakiimta Islaamiga oo ay hogaaminaayeen rag culumo ah oo dadka u sheegay in ay ka badbaadinayaan qab-qablayaasha dagaalka iyo burcadda inkastoo hogaamiyayaasha maxaakiimta ay ku jireen kuwo leh dano iyo ajandayaal qarsoon. Dadweynihii ku noolaa magaalada Muqdisho iyo gabolada Soomaaliyeed intiisa kale aad ayey u soo dhaweeyeen waxayna u hureen naf iyo maal si ummaddda looga dul qaado dulmigii dul saarnaa. Qab-qablayaashii dagaalka dharaar cad ayaa laga saaray meelahii ay ka talinaayeen markii shacabkii gadooday ay ku kaceen.

Faragelintii Ethiopia

Midawga Maxaakiimta ayaa isku dayay in ay xukuumaddii KMG aheyd ay dagaal ku qaadaan kana qabsadaan meelahii yaraa ee ay ka talinaysay, hase yeeshee arintaas waxaa ka faa’idaystay dawladda Ethiopia oo kaalmo ka heleysay beesha caalamka. Ethiopia waxay ku guuleysatay in ay burburiso maxaakiimta isla markaana ay keento dawladdii KMG aheyd magaalada Muqdisho. Shacabkii Muqdisho waxay ka dhiidhiyeen soo galitaanka ciidanka Ethiopia ee magaalada Xamar, waxayna qaateen mar kale hubka. Shacabkii kacay waxay ku guuleysteen inay ciidankii Ethiopian-ka ahaa ay dharaar cad ah ka saaraan magaalada Xamar.

Al-Shabaab

Mar kasta oo ay shacabka Soomaaliyeed dhibaato ka baxaan, waxaa markiiba soo baxaya qolo kale oo dhibaateyneysa. Aniga waxaan is leeyahay dhibaatooyinka ay Soomaalida ku jiraan waa xaalado ay ka dambeeyaan quwado shisheeye oo aan dooneynin in Soomaaliya ay xasisho si ay burburka Soomaaliya uga faa’idaystaan dhan walba.

Al-Shabaab oo markaas ku dhex jirtay maxaakiimta, balse aan isa soo muujin ayaa durbadiiba banaanka timid. Waxaa cad in Al-Shabaab ay ku shaqeyso ajendo shisheeye oo aan dooneynin in Soomaaliya ay xasisho. Kooxdan waxay noqotay halista ugu weyn oo ay shacabka Soomaaliyeed wajahaan abid. Al-Shaabaab waxay baneystaan dhiiga iyo hantida shacabka Soomaaliyeed ee muslimiinta ah. Ficilada guracan oo ay ku sameeyeen shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku nool bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya waxaa ka mid ah:

  1. Waxay dilaan dadka u ah indhaha shacabka oo ka soo horjeeda aragtidooda guracan sida culumada, aqoonyahanada, odayaasha dhaqanka iyo indho dheer garatada Soomaaliyeed.
  2. Waxay lacag baad ah ka qaadaan ganacsatada, shirkadaha isgaarsiinta, gawaarida, shirkadaha, diyaaradaha & dhismaha, hoteelada, maqaayadaha, guryaha la kala iibasanayo, shaqaalaha dawladda, beeralayda, xoolo dhaqatada, hay’adaha maxaliga ah oo dadka gargaara iyo cid kasta oo ay ku tuhmayaan dhaqaale.
  3. Cid kasta oo ka hor timaada ama diidda baadda, waxay ku qaadayaan rugahooda weerer ismiidaamin ah ayagoo isticmaalaya dhalinyaro yar yar oo ay caqliga ka xadeen.
  4. Reer miyiga hadday diidaan xoolaha baadda ah, waxay ka gubaayaan guryaha, ceelasha ay biyaha ka cabaan iyaga iyo xoolahooda.
  5. Waxay go’doomiyeen magaalooyinkii laga saaray oo ay ku nool yihiin dad maati ah sida caruur, waayeel, culumo iyo dad xanuunsanba, waxayna ka ilaaliyeen in la galo ama laga soo baxo, waxaana ugu darran go’doominta xagga raashiinka.
  6. Gabdhihii Soomaaliyeed oo xoog loogu guuriyo nin ay rabin haddii ay gabadha ama waalidka uu diidana waxay laayaan qoyska oo dhan (subxaanallaah).
  7. Weerar lagu qaado meelaha ay u badan yihiin dad aan waxba galabsan, lana laayo cid kasta oo meesha ay weerareen joogto sida hoteelada iyo maqaayadaha waa weyn ee ay dadku ku nastaan.
  8. Gawaari laga soo buuxiyo waxyaalaha qarxa laguna laayo dad aan waxba galabsan sida kuwo u qaraab doonay qoysaskooda.
  9. Waxay si xaq darro ah toogasho qorsheysan ku laayeen kumanaan shacab iyo shaqaale dawladeed oo aan waxba galabsan.

Kacdoonka shacabka ee gobolada Hiiraan iyo Galgaduud

Sida aan ku sheegay maqaalkaan bilowgiisa, mar kasta oo shacabka ay xamili waayaan dhibaatooyinka lagu hayo, waxaa ay ka falceliyaan isla markaana ay hormuud ka noqdaan iska xoreynta dulmiga lagu hayo. Gobolada Hiiraan iyo Galgaduud waxaa hadda ka bilowday kacdoon shacab oo aan la loodin Karin, si la mid ah sidii ay shacabka isaga dul qaadeen kuwii ka horeeyey oo weliba ay ku jireen dawlado hub iyo dhaqaalaba ka awood badan badan Al-Shabaab.

Kacdoonka shacab ee ka bilowday goboladan waxaa uu hogol iyo tusaale wanaagsan u yahay shucuubta kale ee Soomaaliyeed ee la daalaa dhacaya dhibaatooyinka guracan ee ay kooxdan argagixisada ah ku heyso deeganadooda. Waa hubaal in kacdoonkan uu noqonayo mid guuleysta si kasta oo ay dad badani ugu naf waayaan. Waxay fududeyn doontaa in dalka oo dhan laga xoreeyo kooxdan isla markaana heeryadooda la iska dul qaado.

Hogaamiyayaasha dhiigyacbka ah ee Al-Shabaab waxaa u fiican inay cashar ka bartaan kacdoonadii iyaga ka horeeyey ee lagu qaaday kuwii iyaga ka awood badnaa inta ay goori goor tahay kana tanaasulaan dhibka ay ku haayaan ummadda ay ka dhasheen. Gabyaagii reer Masar, Axmed Shooqi oo loo yaqaan ogaa Amiiru Al-Shucaraa ayaa horay u yiri “Shacabka haddii ay doonayaan nolol, waa in ay ogolaadaan geerida.” Waxaa hubaal ah in mugdiga laga baxi doono waa’ cusub oo taariikhda galana uu mar kale beryi doono.

Waxaan bogaadinayaa dhamaan inta naftooda iyo maalkooda u hurtay sidii la isaga dul qaadi lahaa heeryada raagtay iyo haraadiga Al-Shabaab. Waxaa hadda ii muuqda in la gaaray dhammaadkii Al-Shabaab waxaana loo baahan yahay in kacdoonka bilowday oo ah mid xaq ah la taageero shacab iyo dawladba.

W/Q: Diini Cumar Isaaq

AFEEF: Aragtida ay qorayaashu ka dhiibteen qaybta fekradaha iyo maqaalada, waa kuwo iyaga u gaar ah oo aan ka turjumaynin aragtida warbaahinta Hortabin Media.

Exit mobile version