Sunday, November 9

Dhawaan Xoogaga Gurmadka Degdegga ah ee RSF ayaa ku dhawaaqay inay gacanta ku hayaan magaalada El Fasher, oo ah caasimadda gobolka Waqooyiga Darfur, taas oo ah magaaladii ugu dambeysay ee ay gacanta ku hayaan ciidamada Sudan.

Ku dhawaaqistani ayaa ka dhigan isbeddel aasaasi ah oo ku yimid khariidadda dagaalka ee gobolka, maadaama dhammaan shanta gobol ee Darfur ay hadda gacanta ku hayaan ciidamada taageerada degdegga ah (RSF).

Sida ku xusan taarikhda El Fasher waa mid ka mid ah goobihii ugu xumaa ee ay ka dhaceen dagaallada sokeeye ee Suudaan Waxayna ku taal waqooyiga gobolka Darfur, meel in ka badan 800 oo kilomitir dhanka galbeed ka xigta caasimada Khartoum, waxayna qiyaastii 195 kiiloomitir u jirtaa Nyala oo ah caasimadda gobolka Koonfurta Darfur.

Xasuuqii ugu danbeeyey ee RSF bishii aynu ka gudubnay ka geysatay Al Faashir ayaa noqday mid waqtigan dunida ay walaac ka muujisay, wuxuuna xasuuqaasi oo u ekaa mid isir sifeyn ah.

Dadka sida dhaw ula socda xaaladda Sudan, ayaa xasuuqaasi masuuliyadiisa dusha ka saaraya Imaaraadka Carabka, oo isagu maalgeliya falaagada RSF, waxana sida la rumeysan yahay uu kooxdan siiyaa taageero dhaqaalle iyo mid milatari, sida ay muujinayaan cadeymo ay warbaahintu soo bandhigtay.

Dowladda Sudan qudheeda ayaa Imaaraadka ku eedeysay inuu hurinayo colaada ka oogan dalkeeda, hase ahaatee eedahaasi iyo kuwa ka badanba Imaaraadku waa uu beeniyay.

Balse sida ay xaqiijiysa Middle East Eye, imaaraadka ayaa kaalin weyn ku leh taageerida RSF, isaga oo adeegsanaya saldhiga uu ku leeyahay Boosaaso.

Toddobaadkiiba wax ka badan Laba Jeer waxaa Garoonka diyaaradaha Boosaaso ka soo dega diyaarado waa weyn oo wada agab kala duwan, waxana guuxa diyaaradahan laga maqlaa xaafadaha ku dhaw madaarka.

Sida uu xaqiijiyey mid ka mid ah ciidamada Puntland ee ku sugan gigada diyaaradaha Boosaaso, waxaa si joogto ah u soo dega diyaarado ay leeyihiin imaaraadka iyadoo alaabaha loojisti ee diyaaraddu siddana si degdeg ah loogu wareejiyo diyaarad kale oo diyaarsan waxeyna intaa kadib u jihaysataa dagaalyahannada RSF iyo Suudaan.

Sida waafaqsan xogo laga helay dabagalka safarrada iyo sawirrada dayax-gacmeedyada, diayaradaha ayaa ka soo kicitima Imaaraadka iyagoo gaara gudaha Sudan, waxaase jirta in aad loo ilaaliyo mudada ay ku sugan yihiin garoonka Boosaaso.

Xogaha rasmiga ayaa sheegaya in Imaaraadka Carabtu ay labadii sanno ee lasoo dhaafay Boosaaso mariyeen 500 kun oo koontiinnar (Nus milyan), oo lagu calaamadiyay Si ka duwan shixnadaha caadiga ah ee lagu qoro farriinta halka laga keenay iyo meesha ay ku socdaan, shixnadahan Imaaraadku keenayo ayaanan lahayn tilmaan muujineysa waxa gudahoda ku jira.

Sidoo kale Madaarka Boosaaso, oo ku yaalla dhinaca koonfureed ee Gacanka Cadmeed, waxa ku yaalla dhawr saldhig ciidameed oo aad loo ilaaliyo waxana ka mid ah saldhig ay ka hawlgalaan hoggaamiyayaal iyo shakhsiyaad amni oo Imaaraadka u shaqeeya, lana aaminsan yahay in ay kasoo jeedaan Koonfur Afrika. Dhinaca waqooyi ee madaarka waxa isna ku yaalla saldhig gooni u dhisan oo ay joogaan calooshood-u-shaqaystayaal Kolombiyaan ah kuwaas oo si weyn ugu lug leh dagaalka Suudaan.

Sawirro ay heshay Middle East Eye waxa ay muujinayaan tobannaan Kolombiyaan ah oo sita shandadaha dhabarka, kana soo degaya diyaarad soo caga dhigatay madaarka Boosaaso.

Sida xoguhu sheegayaan Nimankan Kolombiyaanka ahi waxa ay Boosaaso ku soo gaadhaan safarro diyaaradeed, si maalinle ku dhow ayaanay madaarkan uga gudbaan, iyagoo safarkooda usii wata ilaa Suudaan, si ay garab u siiyaan RSF.

Madaarka dhinaciisa, Imaaraadku waxa uu ku rakibay raadaar millatari – oo la aaminsanyahay in uu yahay Faransiis – kaa oo loogu talagalay in madaarka Boosaaso lagaga ilaaliyo weerarro suurogal ah. Sida Middle East Eye hore u baahisay, waxa ay Boosaaso ka mid tahay taxane saldhigyo ah oo uu Imaaraadku ku fidiyay Gacanka Cadan iyo Badda Cas. Saldhigyadani waxa ay ku yaallaan: Jasiiradda Mayun, Cabdi al-Kuri, Samxah, dekedda Somaliland ee Berbera iyo dekedda Yemen ee Mukha, oo dhammaantood ah dhulal aanu Imaaraadku haysan, balse ay hayaan dhinacyo ay isbahaysi la leeyihiin.

Sannado badan, waxa uu Imaaraadka Carabtu kaalmo maaliyadeed la garab joogay Muqdisho, waxaanu tababaray ciidamo Soomaali ah oo loogu talagalay la dagaallanka kooxaha hubaysan, sida Al-Shabaab. Hase ahaatee, xidhiidhkani waxa uu si muuqata u xumaaday sannadihii dambe, kolkaas oo uu Imaaraadku garab istaagay Somaliland.

Ka sokow in xidhiidhka Xasan Sheekh Maxamuud, madaxweynaha Soomaaliya, iyo Maxamed binu Saa’id al nahyaan uu xun yahay, haddana xukuumadda Muqdisho si toos ah marna ugamay hadal dhaqdhaqaaqa ciidan ee Imaaraadku ka wado Buntilaan, sababo dhaqaalle awgeed, waxaana dib in loo milicsado mudan hadalkii trump uu ku yiri Al nahyaan ee ahaa Waxa uu haystaa lacag aan xad lahayn” taas oo uula jeeday mid wax walba furdaamin karta.

Dhanka Madaxweynaha Buntilaan, Siciid Cabdillaahi Deni waxa loo arkaa in uu isbahaysi xooggan la unkay Imaaraadka Carabta, waana arrin ku salaysan taageerada maaliyadeed ee uu ku sii xoojinaya maamulkiisa iyo damaciisa siyaasadeed oo uu ka dhex arkod mid uu ku hiigsan karo dhaaqaalaha faraha badan ee Imaaraadka.

Si kastaba qubarada aqoonta u leh siyaasadda afrika ayaa xusaya in sababta Imaaraadku ugu lug leeyahay dagaalka Suudaan ay tahay doonistiisa helitaanka dahabka Suudaan iyo iskuballaadhinta gobolka oo uu dalal badan kula baratamayo.

Exit mobile version