Safaaradda Itoobiya ee Muqdisho ayaa soo saartay qoraal ay ugu dabbaal-degayso 8-sannadood ee xukunka Abiy Ahmed, iyadoo ku sifeysay xiriirka Soomaaliya mid “qoto-dheer” oo ku dhisnaan “is-faham iyo barwaaqo.” Farriintan oo lagu baahiyey barta rasmiga ah ee Safaaradda ayaa u muuqata mid lagu marin-habaabinayo indhaha caalamka, maadaama ay si cad uga hor imaanayso xaqiiqada dhisidda xiriirka labada dal oo maraya meeshii ugu hooseysay.
Faragelinta iyo Been-abuurka
In kasta oo Safaaraddu ka hadlayso “midnimo,” haddana ficillada dowladda Itoobiya ayaa ah kuwo liddi ku ah madax-bannaanida Soomaaliya. Tan iyo markii uu soo baxay heshiiskii sharci-darrada ahaa ee lala galay Somaliland (MoU), Itoobiya waxay si bareer ah ugu xadgudubtay qaranimada dalka. Waxa kale oo xusid mudan in Safaaraddu ay hormuud u ahayd faragelintii ugu weyneyd ee Garowe, markii ay diideen inay xiraan qunsuliyaddooda halkaas ku taal, iyagoo hareer maray amarkii dowladda Federaalka Soomaaliya.
Farriimaha Safaaradda ee ku saabsan “saaxiibtinimada” waa kuwo lagu qarinayo damaca gurracan ee Itoobiya ay ku doonayso inay qayb ka mid ah dhulka iyo badda Soomaaliya ku goosato.
Waxay u muuqataa in Safaaraddu ay u dhaqmayso sidii xafiis borobaganda oo ka fog anshaxa dibloomaasiyadda, xilli ay dowladda Soomaaliya horay u eriday safiirkii Itoobiya una aqoonsatay Addis Ababa dal xadgudub ku ah nabadgelyada gobolka.
Marka loo eego Xeerka Qaramada Midoobay (UN Charter) iyo Xeerka Midowga Afrika, mid ka mid ah tiirarka ugu muhiimsan ee xiriirka caalamiga ah waa “Ixtiraamka Madax-bannaanida iyo Midnimada Dhuleed ee dalalka”. Sidaas darteed, sharciga caalamiga ah ma jiro wax “xaq ah” oo siinaya dal deris ah inuu farageliyo arrimaha gudaha ee dal kale, ha ahaado mid siyaasadeed, mid militari, ama mid maamul, iyadoo aanu jirin oggolaansho rasmi ah oo ka yimid dowladda dhexe ee dalkaas.
