Saturday, September 13

Waalidiinta Soomaalida badankooda ayey caaddo soo jireen ah u ahayd in gabdhaha aan loo dirin xarumaha waxbarashada, taa baddelkeedna ay kaalin ka qaataan howsha guriga, hase ahaatee taasi aya xilligan u muuqata mid laga gudbay.

Gabdhaha ayaa waqtigan tiro fiican ka ah ardayda kala duwan ee u dareerta goobaha waxbarashada, waxaana mararka qaar dhacda inay imtixinaanada ka galaan kaalmaha ugu horeeya.

Gabdhuhu waa kuwa u eg in ay kasoo kabanayaan, niyad jabkii waxbarasho la’aan ee hareeyey sanadihii ugu danbeeyey, maadaama waalidiinta inta badan howsha guriga ku koobaan nolosheeda inta laga guursanayo, waxaana dhici jirtay in inta badan waxbarasho la geeyo wiilsha oo keliya.

Baahi dheeri ah oo ay u qabaan waxbarashada iyo dar-dar cusub ayey la soo galeen xarumaha waxbarashada, waxaana tartan adag kala kulmaya wiilasha oo markii hore ay waalidiintu doorbidi jireen in ay waxbarashada, iyaga oo qura aaddaan.

Sanadkii aynu ka soo gudubnay waxaa Imtixaanka shahaadiga ee dugsiyada sare u fariistay gabdho tiradoodu gaareyso 13,835, kuwaasoo kala jooga Gobolka Banaadir iyo Maamul Goboleedyada dalka marka laga reebo Somaliland.

Waxaana lagu tilmaamaa tiradii ugu badnayd ee gabdho ah ee hal mar ka aflaxa dugsiyada sare ee dalka tan iyo wixii ka danbeeyey bur-burkii  dalka, iyadoo sidoo kale ay kordhayaan numberka gabadhaha ka qalin jabinaya Jaamacadaha dalka.

Waalidiinta ayaa iyaguna noqday kuwa faham buuxa ka helay muhiimada ay leedahay  gabar waxbaratay, taasoo soo saareysa Mustaqbalka bulsho ehel la ah aqoonta, waxeyna ogaadeen in marka laga hadlayo dhanka waxbarashada aanu wax farqi ah u dhaxeyn wiilsha iyo gabdhaha, isla markaana ay ku xiran tahay qof walba dadaalkiisa iyo hal-karaankiisa qofnimo.

Si kastaba, hablaha Soomaaliyeed ayaa ah kuwa weli la kulmaya tacadiyo kala duwan kuwaasoo ay ugu waa weyn yihiin Kufsiga, guurka qasabka ah iyo gudniinka fircooniga ah, waana kuwa naawilaya in maalin un ay ka gudbi doonaan caqabadahaasi.

WQ: Ayaanle Qoyste

Exit mobile version