Thursday, September 11

Sannadkii 2020, Sooomaalilaan iyo Taywaan waxa ay bilaabeen xidhiidh rasmi ah oo iskaashi, iyaga oo ka duulaya qiyamka dimuqraadiyadeed ee ay wadaagaan iyo danaha ay wada leeyihiin. Labada dalba waxa ay dhacaan gobollo juquraafiyeed oo aan xasilloonayn: Geeska Afrika iyo Indo-baasifigga. Sidoo kale, labaduba kama mid aha hay’adaha caalamiga ah sida Qaramada Midoobay iyo Urur goboleedyada. Xidhiidhka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Soomaalilaan iyo Taywaan wuxuu salka ku hayaa in ay labada dhinaca ka wada-shaqeeyaan aqoonsi raadinta, isku-xidhnaanta istraatiijiga ah iyo qiyamka dimuqraadiyadeed ee ay wadaagaan. Soomaalilaan dhankeeda waxa ay raadinaysaa koboc dhaqaale iyo maalgashi, halka Taywaan ay doonayso inay sare u qaaddo saameynteeda iyo gelitaanka suuqyada Afrika. Sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibada Taywaan, xidhiidhkan iskaashi waxa uu diiradda saarayaa in laga wada shaqeeyo dhinacyadda kala ah waxbarashadda, caafimaadka, kalluumaysiga, beeraha, macdanta, tamarta, Tiknoologiyadda iyo isgaadhsiinta.

Qormadan waxa aan si kooban ugu soo bandhigi doonaa horumarka ballaadhan ee ay Taywaan ka gaadhay tiirarka muhiimka u ah dawladnimada sida nidaamka siyaasiga ah, dhaqaalaha, tignoolojiyadda, waxbarashada, iyo dhanka kale casharadda ay Soomaalilaan ka baran karto dhigeeda Taywaan.

Milicsi kooban: Soomaalilaan iyo Taywaan


Soomaalilaan waxa ay dhacdaa Geeska Afrika waana dal madax bannaan balse aan la aqoonsan. Dalkani waxa uu madaxbaanidiisa ka qaatay Boqortooyada Ingiriiska 26-kii Juun 1960, hase yeeshee shan cisho kaddib oo ku beegan 1-dii Julaay 1960, Soomaalilaan waxa ay si iskeed ah ula midowday Soomaaliya oo xorriyaddeeda ka heshay Talyaaniga isla maalintaas. Midawgaasi waxa uu ku salaysnaa hilaw iyo caadifad qaranimo, sidaas awgeed sannaddo badan oo cadaadis siyaasadeed, colaado iyo burburkii xukunkii kaligii-taliska ahaa ee Maxamed Siyaad Barre kaddib, Soomaalilaan waxa ay dib u lasoo noqotay madax-bannaanideeda 18-kii Maaj 1991.

Tan iyo markaas, Soomaalilaan waxa ay qaadatay nidaamka dawladeed oo dimuqraadi ah, walow oo aanay weli helin aqoonsi buuxa, haddana waxa ay buuxisay shuruudaha caalamiga ah ee lagu aqoonsan karo dawlad, kuwaas oo lagu qeexay Qaraarka Montevideo ee xuquuqda iyo waajibaadka dawladaha sannadkii 1933. Qodobka 1aad ee heshiiskaasi wuxuu dhigayaa; in waddan lagu aqoonsan karo dawlad haddii uu leeyahay afar shuruudood oo kala ah:

Dad joogto ah

Dhul rasmi ah oo cayiman

Dawlad shaqeynaysa

Awood uu uu xidhiidh diblomaasiyadeed kula yeesho waddamo kale

Soomaalilaan waxa ay si dhammaystiran u buuxisay saddexda shuruudood ee ugu horreeya, waa dad joogto ah, dhul rasmi ah oo xadidan iyo dawlad shaqeynaysa. Balse waxa ka maqan oo ay caqabad kala kulantaa qodobka afraad. Arrintani waxay si weyn ugu xidhan tahay siyaasadda u janjeedha midnimada dhuleed ee Soomaaliya (Somalia One Policy), taas oo dhab ahaan xaddidaysa ka-qaybgalka Soomaalilaan ee madalaha caalamiga ah, helitaanka fursadaha ganacsi iyo dhisidda xidhiidh diblomaasiyadeed oo rasmi ah. Si kastaba ha ahaatee, Soomaalilaan waxa ay si weyn u xoojisay nidaamkeeda siyaasadeed, amniga iyo kobaca dhaqaalaha. Waxa ay caan ku tahay qabashada doorashooyin qof iyo cod ah taas oo ka dhigtay mid si weyn uga duwan dalal badan oo ka tirsan Afrika iyo Bariga Dhexe.

Dhanka kale, Taywaan oo si rasmi ah loogu yaqaan Jamhuuriyadda Shacbiga ee Shiinaha waa jasiirad ku taalla bariga qaaradda Aasiya. Waxa ku nool in ka badan 23 milyan oo qof, taas oo ka dhigaysa mid ka mid ah jasiiradaha ugu dadka badan dunida. Goonni u istaagga Taywaan waxa ay salka ku haysaa dagaalkii sokeeye ee Shiinaha ee u dhexeeyay Xisbiga Shuuciga ah ee Shiinaha iyo Xisbiga Qaranka (Kuomintang/KMT) intii u dhaxaysay 1927 ilaa 1949. Kolkii Xisbiga Shuuciga ah uu guuleystay 1949-kii, wuxuu dhisay Jamhuuriyadda Dadka Shiinaha (People’s Republic of China), wuxuuna si buuxda ula wareegay dhul-weynaha Shiinaha. Natiijadii dagaalkaas ka dhalatay waxa ay sababtay in hoggaamiyihii KMT, Chiang Kai-shek iyo xukuumaddiisii ay u guuraan jasiiradda Taywaan, halkaas oo ay tan iyo markaas si madax-bannaan u maamulayeen.

Si la mid ah Soomaaliya, dawladda Shiinahu weli waxay sheeganaysaa in ay Taywaan tahay qayb ka mid ah dhul-weynaha Shiinaha, taas oo sal u ah khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya labada dhinac. Taywaan muddo ku dhaw afartan sanno (1949–1987) waxa ay ku hoos jirtay xukun kali-talis ah, waa ka hor intii aan la laalin xayiraadda Xisbiga keliya ee aan la oggolaan nidaamka xisbiyadda badan. Taywaan, waxa ay si buuxda u qaadatay nidaamka dimuqraadiyadda sannadkii 1996-kii, markaas oo Lee Teng-hui uu noqday madaxweynihii ugu horreeyay ee si toos ah ay shacabku u doortaan isaga oo loo bixiyay Aabihii dimuqraadiyadda tallaabadaas oo Taywaan ka dhigaysa mid ka mid ah dalalkii ugu muddada dheeraa ee uu ka jiray nidaamka keli talis-ka ah balse u guuray nidaamka dimuqraadiga ah. Inkasta oo anay weli haysan aqoonsi caalami ah oo rasmi ah, tabta Soomaalilaan, haddana Taywaan waxa ay noqotay tusaale muuqda gaar aahaan horumarka iyo dimuqraadiyadda isla markaas na hormuud u ah gobolka Beriga Aasiya.

Guulaaha Taywaan ee dhinacyadda Siyaasadda, Dhaqaalaha, Tiknoolojiyadda iyo Waxbarashada
Nidaamka Siyaasadda


Nidaamka siyaasadeed ee Taywaan waa nidaam madaxtooyo oo ku dhisan dimuqaariyad (Unitary Presidential System), afartii sannaba si toos ah loo doorto hoggaanka. Sida uu dhigayo nidaamkani madaxwaynuhu waa madaxa ugu sarreeya dawladda iyo ciidamada qalabka sida. Dhanka kale, Taywaan waxa ay qaadatay nidaamka xisbiyada badan (Multi-party System). Qaab-dhismeed ahaan Taywaan waxay leedahay Madaxweyne, Madaxweyne ku-xigeen iyo Ra’iisul wasaare. Madaxwaynaha iyo ku xigeenkiisa waxa ay talada ku yimaaddaan doorasho toos ah, halka uu Raysal-wasaarahana magacaabo madaxwaynuhu si uu u noqdo madaxa waaxda fulinta. Dhanka kale, Taywaan waxay leedahay Shan tiir oo dawladeed oo kala madax-bannaan kuwaas oo kala ah:

Golaha Fulinta (Executive Yuan) oo uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaaraha, waxaana hoos yimaadda dhammaan wasaaradaha iyo hay’adaha fulinta.

Golaha Sharci-dejinta (Legislative Yuan) oo ka kooban 113 xubnood oo shacabku si toos ah u doortaan afartii sannaba mar, kana shaqeeya dejinta sharciyada, ansixinta miisaaniyadda iyo kormeerka hawl gudashada xukuumadda.

Golaha Garsoorka (Judicial Yuan) oo u xil saaran ilaalinta dastuurka, caddaaladda iyo madax-bannaanida maxkamadaha dalka.

Golaha Imtixaannada iyo Shaqaalaha (Examination Yuan) oo ka mas’uul ah tayaynta, xulidda iyo horumarinta shaqaalaha rayidka ah

Golaha Kormeerka iyo La-xisaabtanka (Control Yuan) oo kormeera hay’adaha dawladda, baadha musuqmaasuqa, isla markaana dhiirrigeliya hufnaanta maamulka.

Shantan tiir waa kuwo is dheellitira si loo helo daah furnaan, isla-xisaabtan iyo adeegyo hufan. Dhinaca Dawladaha Hoose, Taywaan waxa ay leedahay 22 unug maamul (administrative units) oo isugu jira 6 magaalo heer gobol ah (Special Municipalities) sida Taipei, Taichung iyo Kaohsiung, 13 degmo goboleed ah (Counties) sida Hualien iyo Yilan iyo 3 magaalooyin caadi ah (Provincial Cities) sida Hsinchu iyo Keelung. Maamulladani waxay leeyihiin Maayirro iyo Goleyaal deegaan oo shacabku si toos ah u doortaan afartii sanaba mar, taasoo xoojinaysa ka qaybgalka dadweynaha ee hannaanka dimoqraadiyadeed. Waxay si toos ah u maamulaan adeegyada bulshada sida waxbarashada hoose, caafimaadka, nadaafadda, biyaha, qorshaynta magaalooyinka iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha. Qaab-dhismeedkan dawladaha hoose ee awoodda leh waxa uu door muuqda ka ciyaaraa dimuqraadiyeynta talada, la-xisaabtanka hay’adaha iyo kobcinta kalsoonida dadweynaha ee nidaamka dawladnimo.

Dhaqaalaha


Taywaan waxa ay leeyahay dhaqaale aad u xoogan oo ku tiirsan ganacsi caalami ah iyadoo sannadkii 2022 noqotay dalka 17-aad ee ugu wayn dhoofinta & soo dejinta badeecadaha adduunka, Sida ku cad, buuga-yaraha Taywaan profile 2025, Dhaqaalehedu waxa uu ku tiirsan yahay adeegyo warshado iyo beeraha waxana ay si gaar ah ugu caan baxday horumarka tignoolajiyadda iyo warshadaha elektaroonigga.. Taywaan waxay si joogto ah ugu jirtaa kaalmaha sare ee qiimeynta horumarka dhaqaalaha, iyadoo heshiisyo laba-geesood ah la gashay dalal horumaray sida New Zealand iyo Singapore. Inkasta oo aanay haysan aqoonsi buuxa, haddana waxa ay tusaale wax ku ool ah u tahay dalalka sida Soomaalilaan ee doonaya horumar dhaqaale, hal-abuur istaraatiji ah iyo kobcinta saameyn caalami ah.

Tiknoolajiyadda


Taywaan waa mid ka mid ah dalalka ugu horreeya adduunka ee hormuudka ka ah wax soo saarka tiknoolajiyadda, gaar ahaan dhinacyada macluumaadka iyo isgaarsiinta (ICT) iyo soo saarista semikondhaktor-ka. Shirkadda Taywaan Semiconductor Manufacturing Company (TSMC) ayaa ah warshadda ugu weyn dunida ee soo saarta Jibyada (chips) horumarsan, iyadoo door weyn ka ciyaarta geeddi-socodka caalamiga ah ee la xidhiidha soo saarista, qaybinta iyo bixinta qalabka elektaroonigga ah sida microprocessors oo laga isticmaalo daafaha dunida. Shirkaddani waxay kaalin muuqata ku leedahay silsiladda sahayda caalamiga ah (global supply chain) ee dhinaca elektaroonigga.

Dalkani waxa uu leeyahay nidaam hal-abuur oo xooggan oo isku xidha cilmi-baadhaayaal, jaamacado, dawladda iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay. Hay’adaha sida Industrial Technology Research Institute (ITRI) iyo jaamacadaha sida National Taywaan University of Science and Technology ayaa door muhiim ah ka ciyaara horumarinta teknoolajiyadda nolosha casriga ah, deegaanka waara iyo warshadaha otomaatiga ah (automation). Dawladda Taywaan, iyadoo adeegsanaysa Golaha Qaranka ee Sayniska iyo Teknoolajiyadda (National Science and Technology Council),Waxay si joogto ah u maalgelisaa cilmi-baadhista iyo horumarka, iyadoo xoojinaysa iskaashiga caalamiga ah, gaar ahaan xidhiidhka istaraatijiga ah ee ay la leedahay Maraykanka. Iskaashiga dhow ee u dhexeeya dawladda iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay ayaa Taywaan ka dhigay xarun muhiim ah oo hal-abuurka tiknoolajiyadeed laga hago, taasoo kaalin weyn ku leh hormarinta tiknoolajiyadda caalamka.

Waxbarashada


Waxbarashadu waxay door muhiim ah ka ciyaartaa siyaasadda guud ee Taywaan, miisaaniyadda guud ee dawladdana waxbarashadu waxa ay ka heshaa qoondo sare. Laga bilaabo sannad-dugsiyeedkii 2014, Taywaan waxay hirgelisay nidaamka waxbarasho aasaasi ah oo 12 sano ah, kaas oo ballaadhin ku sameeyay waxbarashadii qasabka ahayd ee hore u ahayd sagaal sanno. Sida ku cad Buug-yaraha Country Profile 2023-2024, dalku waxa uu leeyahay 148 jaamacadood iyo kulliyadood, waxaana wax ka barta in ka badan 1.1 milyan oo arday, halka dadka haysta shahaado jaamacadeed ama xirfadeed ay yihiin 48.8% bulshada da’doodu ka weyn tahay 15 sanno. Ardayda Taywaan waxay si joogto ah ugu guuleystaan abaalmarinno caalami ah oo sayniska ah sida xisaabta iyo fiisikada, taasoo muujinaysa tayada sare ee nidaamkeeda waxbarasho.

Dawladda Taywaan waxa ay sidoo kale hirgelisay barnaamijyo lagu dhiirrigelinayo kobcinta luuqadaha dhaqanka sida Hakka, Holo iyo afafka qabiilooyinka asalka u ah dalka, iyadoo ujeeddadu tahay ilaalinta iyo horumarinta hiddaha iyo dhaqanka. Intaa waxaa dheer, ardayda caalamiga ah waxa ay u fidisaa deeqo waxbarasho oo heer sare ah, oo ay bixiyaan hay’adaha dawladda sida Wasaaradda Arrimaha Dibadda (MOFA Scholarship), Ha’yadda Horumarinta Iskaashiga Caalamiga ah (ICDF Scholarship), Wasaaradda Waxbarashada (MOE Scholarship) iyo sidoo kale jaamacadaha dalka oo bixiya deeqo waxbarasho oo gaar ah.

Maxay Soomaalilaan ka baran kartaa Taywaan?


Soomaalilaan waxa dhimani keliya ma aqoonsi caalami ah iyo garashiiyo ay ka hesho dunida kale, waxa kale oo ka dhiman isla markaana ay lama huraan tahay in ay horumariso dhaqaalaheeda, nidaamkeeda siyaasadeed iyo guud ahaan wax kasta oo horumarinaya jiritaankeeda. Sidaas awgeed halkan waxa aan ku soo koobaayaa qodobo dhawr ah oo ay Soomaalilaan ka baran karto dhigeeda Taywaan, isla markaas ayna iskaashi kala sameynta karto.

Ku dhaqanka xeerarka iyo kala madax bannaanaynta hay’daha dawladda

Dhanka nidaamka siyaasiga ah, Soomaalilaan iyo Taywaan aad bay isugu dhawyihiin xagga nidaamka talinta iyo dimuqraadiyadda oo labadu ba waa dalal dimuqraadiya oo ay doorashooyin ka dhacaan, waxa ay se Soomaalilaan ka baran karto Taywaan ayaa ah adkaynta nidaamka dimuqraadiyadda iyo Kala-Madaxbannaanida Hay’adaha dawladda. Taywaan waxay dhistay nidaam dimuqraadiy oo leh shan tiir oo dawladnimo (fulinta, sharci-dejinta, garsoorka, imtixaanaadka iyo kormeerka), kuwaas oo si kala madax-bannaan u shaqeeya. Soomaalilaan waxay ka baran kartaa muhiimadda ay leedahay hay’ado kala madax-bannaan oo aan isu furneyn ama is farogelin si loo helo isla-xisaabtan, daahfurnaan, hufnaan iyo kalsoonida shacabka.

Diblomaasiyad ku salaysan Dan-wadaag iyo Saaxiibtinimo

Taywaan, inkasta oo aanay haysan aqoonsi caalami ah, haddana waxay yeelatay xidhiidho istaraatiji ah oo midho-dhal ah, sida xidhiidhka ay la leedahay Maraykanka. Soomaalilaan waxay ka baran kartaa sida loola yeesho iskaashi dan-wadaag ah oo kor u qaada sumcadda, aqoonsi raadinta iyo maalgashiga dibedda.

Kor u Qaadidda Hannaanka Doorashooyinka

Taywaan waxay leedahay nidaam doorasho oo hufan, xilli cayiman leh, sharciyad adag iyo kalsooni dadweyne. Soomaalilaan waxa ay ka baran kartaa muhiimadda ay leedahay hirgelinta doorashooyin waqtigooda ku qabsooma, taasoo kor u qaadaysa sumcadda siyaasadeed iyo la macaamilka beesha caalamka.

Awood-siinta Dawladaha Hoose

Taywaan waxay awood, miisaaniyad iyo masuuliyad siisaa dawladaha hoose, taasoo ka dhigaysa in adeegyada aasaasiga ah la gaadhsiiyo ilaa heer tuulo. Soomaalilaan maadama ay ku liidato qodobkan, dawladaha hoose na ay hoos tagaan Wasaaradda arrimaha gudaha waxa ay ka baran kartaa muhiimadda nidaamka maamul-daadejinta si loo gaadho maamul daadejin iyo ka-qaybgalka bulshada ilaa heer tuulo.

Dhisidda Dhaqaale ku qotoma Hal-abuur, Dhoofin iyo Isku Filnaan

Taywaan waxay dhaqaalahooda ku dhistay warshado tignoolajiyadeed, adeegyo iyo wax-soo-saar gudaha ah. Soomaalilaan waxay ka baran kartaa muhiimadda dhiirrigelinta wax-soo-saarka gudaha, yaraynta wax-soo dejinta, ka faa’iidaysiga kheyraadka dabiiciga ah iyo cashuur-dhaafka ganacsiyada yar-yar si loo abuuro dhaqaale adkaysi leh.

Curinta Siyaasado Teknoolajiyadeed oo Qaran

Taywaan waxay horumar muuqda ka samaysay teknoolajiyadda iyada oo isku xidhay dowladda, cilmi-baadhayaasha iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay. Soomaalilaan waxay cashar ka qaadan kartaa sidii loo sameyn lahaa xeerar iyo siyaasado qaran oo taageerta hal-abuurka teknoolojiyadda, gaar ahaan e-governance, ICT iyo adeegyada elektaroonigga.

Waxbarasho Tayaysan oo la jaanqaadaysa suuqa shaqada

Taywaan waxay diiradda saartay waxbarasho ku dhisan xirfado la jaanqaadaya suuqa shaqada, gaar ahaan Sayniska, Tiknoolajiyadda, handisada iyo xisaabaadka – STEM (Science, Technology, Engineering and Mathematics). Soomaalilaan waxay ka faa’iidaysan kartaa in la horumariyo xirfadaha ardayda si ay si buuxda uga qaybqaataan horumarinta dalka, iyadoo la xoojinayo xidhiidhka jaamacadaha iyo dugsiyada farsamada gacanta isla markaas na iskaashi la samaynaysa kuwa Taywaan.

Gunaanad


Maqaalkani isaga oo ka duulaya waayo-aragnimada Taywaan iyo horumarka ay ka gaadhay dhinacyadda siyaasadda, dhaqaalaha, tiknoolajiyadda iyo waxbarashada sida aynu sare ku soo aragnay, waxa uu Soomaalilaan u soo jeedinayaa in ay xoojiso xidhiidhka ay la leedahay Taywaan isla mar ahaantaana ka midho dhaliso. Waxa kale oo maqaalkani ku talinayaa in ay Soomaalilaan xoogga saarto dib u habeynta nidaamkeeda doorashooyinka, iskaashi diblomaasiyadeed oo ku fadhiya dan-wadaagnimo, kor u qaadista awoodda dawladaha hoose, curinta shuruucda iyo xeerarka khayraadka dabiiciga ah, abuurista dhaqaale ku dhisan wax soo saar iyo dhoofin, taageeridda ganacsiyada yar yar iyo kuwa dhexe, curinta xeerarka maalgashiyada, dib u eegiska manhajka waxbarashada, xoojinta iyo abuurista xirfadaha shaqo ee la jaan qaadaya suuqa shaqada iyo curinta siyaasad tiknoolayjiyad oo qaran. Ugu dambayn, Taywaan waxa ay caddeysay in aan dal si buuxda loo aqoonsanayni uu gaadhi karo horumar waara haddii uu horumariyo nidaamkiisa siyaasadeed, dhaqaale, bulsho, Tiknoolojiyadeed iyo waxbarashaba. Sidaa awgeed, Soomaalilaan haddii ay la timaaddo aragti cad, hay’ado xooggan, xeerar iyo siyaasado shaqaynaya iyo waliba dawlad loo dhanyahay, waxay noqon kartaa tusaalaha labaad ee muujinaya in guusha qaranimo ayna ku xidhnayn aqoonsi caalami ah.

Exit mobile version