Thursday, September 11

La iskuma diidana Doorasho qof iyo cod ah waa qeyb kamid ah xalka arrimaha Siyaasadda ee Soomaaliyada cusub, doorashada dadweyne waa mid bulshada fursad u siisa in ay doortaan hoggaankii matali lahaa, taas oo dhabaha u xaareysa in laga gudbi doorashooyinka dadban iyo nidaamka qabaliga ee Soomaalida caqabada ku noqday.

Hase ahaatee gudaha Muqdisho iyo deegaanada ku xeeran nidaamka diiwaangelinta oo noqday mid qasab ah, ayey walaac ballaaran shacabku ka muujinayaan.

Labadii toddobaad ee ugu danbeysay dadka Muqdisho waxaa hareeyey wal wal aad u fara badan, kaas oo la xiriira is-diiwaangelinta qasab-ka ah, waxaana subax walba wadooyinka caasimada soo buux dhaafisa askar boolis ah oo hubeysan, kuwaas oo shacabka si xoog ah u geeya xarumaha diiwaan-gelinta, xilli muwaadinku uu usoo muraaday howshiisa maalinlaha ah, oo aanu u diyaarsaneyn is-diiwaan gelinta.

Mararka qaarna waxaa dhacda in qof iska diiwaan geliyey degmada uu degan yahay haddana ay askarta ku xujeeyaan inuu mar kale iska diiwaan-geliyo degmada uu waqtigaasi joogo, taas oo anfariir badan abuurtay, maaddaama muwaadinku aanu is diiwaan gelin karin wax ka badan hal jeer.

Hortabin Media oo u kuurgashay sababta arrintan keentay waxa aan xogo ku helnay in askarta wadooyinka la taagay uu midkiiba helayo dhaqaalaha tirada dadka uu maalintaasi wadada ka soo qabto, tusaalle ahaan askarigii keena wax ka badan 50 qof waxa lagu abaal marinayaa lacag gaareysa 30-dollar.

Lacagahan ay askartu helayaan ayaa sababay in askariga uu isticmaalo awood ciidan, waxaana wadooyinka magaalada ku arkeysaa askari baacsanaya qof rayid ah,, ama xiliyada qaar u adeegsanaya rasaas nool nool, taas oo keentay in ay bataan dadka dhibanaha u ah is-diiwaan gelintan qasabka ah.

Dadka ka caga jiida is-diiwaan gelinta oo badankooda ka daahsan shaqooyinkooda iyo qaar garab rarato ah, oo nolol maalmeedka la daalaa dhacaya, ayaa la kulma xarig, taas oo xad gudub weyn ah maddaama aan muwaadinka la xiri karin amar maxkmad la’aantii, sida uu sheegayo qodobka 35-aad ee dastuurka, waxana haddii ay maxkamad amarto waajib ah in muddo 48 saacadood ah maxkamad lagu horgeeyo, Ma jirto amar maxkamad oo lagu xiray ama eedeyn sharci ah oo loo soo jeediyey shacabkan.

Doc kastaba Ku tagri falka awoodda dowladdnimada iyo cabsi galinta dadweynaha waa mid jabineysa ama lidi ku ah xoriyada muwaadinka waxana sida ku cad qodobka 8-aad ee xeerka doorashooyinka, guddiga doorashooyinka waxaa waajib ku ah ilaalinta xuquuqda siyaasadeed ee muwaadiniinta, balse falalkii ugu danbeeyey ee dhacay waa kuwo dhaawacaya maba’diida aasaasiga ah ee doorashada ee doorashada.

Caqabadahan ayaa noqonaya kuwo mudan in lagula xisaabtamo Gudoomiyaha guddiga doorashoyinka madaxabannaan iyo hay’adaha u xilsaaran hagida doorashada, si ay il gaar ah ugu eegaan falalkan loogana baaqsado

Balse gudoomiyaha oo dhowr jeer toddobaadkan warbaahinta la hadlay wuxuu si joogta ah u sheegay in doorashadu aysan ahayn mid qasab ah, haddana xaqiiqda rasmiga ayaa ah in muwaadiniin loo xiray arrintan, kuwana la qasbay iyagoo diidmo muujinaya, waxaase intaa ka sii daran in muwaadin Soomaaliyeed nafta loo dhaafiyey diidmo uu ka muujiyey is-diiwaan-gelinta.

Tani ayaa si cad uga hor imaaneysa qodobka 9aad ee xeerka doorashada, kaas oo dhigaya in diiwaan-gelintu tahay arrin muwaadinku xor u yahay go’aankeeda.

Si kastaba tacadiyadan ayaa hoos u dhigaya kalsoonida shacabka iyo tan beesha caalamka oo isha ku heyso arrimaha soomaaliya, waxaase waqtigan lagama maarmaan ah helida hannaan doorasho oo hufan, caddaalad-na ay ku dheehan tahay, iyadoo la ilaalinayo xuquuqda muwaadinka sumcadiisa iyo kalsoonida nidaamka doorashadan hirgalkeedu uu mugdiga ballaaran dul hoganayo.

Exit mobile version