Friday, September 12

(Hortabin Media) – Curashadii Sanadkan 2023-ka  Laascaanood iyo dadkeeda waxaa u billawday maalmo adag oo colaadeed, kadib dagaalkii qarxay 6-dii february ee horaantii sanadkan.

Dirirtaas oo noqotay mid daba dheeraatay, jiitameysana 8 bilood waxey soo koobtay hankii  Somaliland ee ku aaddaanaa ka ariminta Laascaanood, ka gadaal markii 25-kii bishii aynu ka soo gudubnay Somaliland ciidamadeeda laga saaray saldhigii ay muddada dheer ku sugnaayeen ee Goojacadde.

Xerada Goojacade waxay badhtama magaalada Laascaanood u jirtaa 8 km, iyadoo kaga aaddan jihada waqooyi bari, waxeyna ka mid tahay dhowr goobood oo Somaliland laga saaray dabayaaqadii August.

Dagaalkii dhacay aroornimadii 25- kii August, Somaliland waxaa gacanteeda ka baxay Maraaga, Goojacade, Dhuxun, Xargega, Golayeedhay, Canjiid, Adhicadeeye, Samakaab, Yagoori, Wadhake iyo Guumays oo dhamaantood ay saldhiyo ciidan ku lahaayeen, waxaana laga qabsaday hub kala duwan iyo maxaabiis badan.

Guushaasi waxey sara u qaaday hamigii dadka reer Laascaanood, ee doonayey in ay ka madax bannaanadan Somaliland, oo ay ku tuhmayeen in ay ka danbeysay dilal xiriir ah oo Gudaha Laascaanood loogu geysanayey dadka magaaladaasi ku abtirsada.

Waqtigan ciidamada Somaliland waxey ku sugan yihiin deegaanka Oog, oo ku yaalla duleedka Gobolka Sool, waxeyna halkaasi ka wadaan abaabul xooggan, maaddaama Madaxweynaha Somaliland Biixi uu carabka ku dhuftay in ay si adag uga jawaabayaan wixii dhacay 25-kii August.

Hanjaabada Somaliland ayaa direysa fariin ah in aan weli laga baaqsan karin dagaallo soo noq noqda oo ka dhaca Sool.

Bulshada reer laascaanood iyo garaadada hoggaamisa oo aayahooda la tashtay waxey dib boorka uga jafeen maamulkii SSC Khaatumo, oo kal hore socon waayey qorshihiisa.

Maamulkan wuxuu wajahayaa culeysyo kala duwan oo siyaasadeed, oo uga imaanaya Somaliland oo aan weli candhuufteeda dib u liqin iyo Puntland oo iminka muujineysa hiil xigaalnimo, balse quudareyneysa in maamulkeeda uu isku ballaariyo dhulka Somaliland laga saaray.

Caqabada kale ayaa ah in dowladda dhexe aanay aqoonsaneyn maamulkan sababo la xiriira xaga dheelitirnaanta hannaanka deegaan ama gobol ee maamul goboleedkiiba laga rabo, waana kuwo ku guuldareystay in qorshahaasi ay ka dhaadhiciyaan dowladda dhexe, oo ay madaxda ugu sareysa muqdisho kula kulmeen.

Inkastoo nolosha Magaalada ay dib u soo kabaneyso todobaadyadan, haddana 8-dii bilood ee la soo dhaafay Laascaanood waxey noqotay furin dagaal, oo haawaneysa, waxaana sida ay sheegtay Ocha kal hore magaalada isaga barakacay in ka badan 185,000 oo qof, kuwaas oo 89 boqolkiiba ay ahaayeen haween iyo caruur.

Dagaalladii cuslaa ee ka dhacay Laascaanood, waxey saameeyeen goobihii cibaadada, xarumihii waxbarashada iyo caafimaadka oo ay ku dhaceen madaafiicdii la is weydaarsanayey” ayaa lagu yiri bayaanka, ayada oo shaqaalaha gargaarka ay la xarbinayaan inay ka jawaabaan xaaladda sababo la xiriira agabka oo aan ku filneyn.

Si kastaba culeyadan hareeyey dadka reer Laascaanood ee midnimo doonka ah, ayaa u horseedi kara maalmo kale oo adag.

Exit mobile version